Cabdillaahi Jawaan Oo Bulshada Taleex Ku Hambalyeeyay Gobolka Cusub

0
575

Picture2Hargeysa (Geeska)-Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan),oo ka mid ah siyaasiinta Somaliland,  ayaa ka hadlay  Gobolka cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland ee Gobolka Xaysimo, ee uu u magaalo madax uga dhigay Magaalada Taleex, waxaanu Cabdilaahi Jawaan sheegay in Magaalada Taleex tahay magaalo taariikhiya kuna haboonayd in loo magaacabo Gobol.  Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Bulshada  ku dhaqan Gobolka cusub ee la magacaabay ugu baaqay inay ilaashadan Gobolkooda, oo ku dadaalan horumarkooda, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaya hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan hambalyo u soo jeedinaya dadka ku nool Gobolka cusub ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), magacaabay Gobolka Xaysimo, ee Magaalo madax u tahay Magaalada Taleex, taas oo Taleex tahay meel leh Taariikh dahabiya, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa in dadka loo magaacabay Gobolkan cusub inuu ka dhigo Gobolkii aad ay guuleeystaan, oo horumar, bash bash iyo barwaaqo ku gaadhaan, Gobolkani waa Gobol dhan iyo Degmooyinkiisa oo is xambaarsan, taas oo ay ku dadaaleen kana shaqayeen Umadda deegaankaas ku nool, haddii ay noqoto Cuqaasha, Madax Dhaqameedka, Odeyaasha iyo Salaadiinteena, gaar ahaan  Xildhibaan Saleebaan Cabdi Koore iyo Xildhibaan Indha-indho, oo ka tirsan Barlaamanka Somaliland ka tirsan”. Cabdilaahi Jawaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Aniga oo ah Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar, hambalyo gaar ah ayaan  u diraya dadka ka soo jeeda Gobolkan cusub ee reer Taleex, waxaana leeyahay ka mid noqdo Gobolada kale ee reer Somaliland, taas oo aan rajeeynayo in Gobolkani keeni doono horumar, walaaltinimo, is fahan, midnimo, Gobolkani waa Gobol qiimo badan, oo ILLAAHAY ku manastay kheyraad, waa in Gobolkan meel looga soo wada jeesto, oo horumarkiisa laga wada qeyb qaato, Xukuumadda iyo Umadda reer Somaliland waa inay qeybtooda ka qaataan, ILLAAHAY ha ka dhigo Gobolkii la isku kaashado, horumarna lagu gaadho, aad iyo aadna waan ugu farxay, hambalyo, ”.