“Waa Inay Somaliland Iyo Jabuti Wax Badan Iska Kaashadaan”

0
561

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye  Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka waramay safar ay uu dhawaan ku tageen dalka Jabuuti isaga iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin, waxaanu sheegay inay Dawladda Jabuuti u fidisay Martiqaad, Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, isla markaana ay ka qeyb galeen dabaal degii Xuska Dalka Jabuuti, oo ku beegnayd 27-bishii hore.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Taladda dalka haya ee Kulmiye  Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in cilaaqaadka iyo xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti uu aad u wanaagsan yahay, waxaanu sidoo kale labada Dalba ugu baaqay inay iska kaashadaan oo ay xoojiyaan ilaalinta Nabadgeliyada labada dal, wixii Nabadgeliyada wax yeelayana ay iska qabtaan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay mar walba feejignadaan oo Ciidamada Amaanka la shaqayeen, wixii dhib dalka u keenayana ay iska dhex qabtaan, waxaanu yidhi “Waxaanu ka qeyb galnay anaga oo kala ah aniga, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo ku xigeenkiisa Jamaal Caydiid, dabaaldegii Dalka Jabuuti oo ku beegnayd 27-kii bishii hore, oo ay u dabaal dagayeen, xusayeena Madax banaanidii iyo xoriyadii ay ka qaateen Dalka Faransiiska, waxayna Dawladda Jabuuti soo cansuuntay Xisbiga Kulmiye, si aad u fiican ayeyna noo soo dhaweeyeen”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa mar  uu ka hadlaayey ilaaqaadka iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ayaa yidhi “Dalalka Somaliland iyo Jabuuti cilaaqaad iyo xidhiidh aad u wanaagsan ayaa ka dhexeeya, arinta Xuduuda xidhana waxa ay u xidhan tahay waa dhinaca Ammaanka, balse Bulshada labada dal waa Bulsho walaalo ah, lama kala maarmayo, waxaan se kula talin lahaa labada dalba in la xoojiyo oo aad loo ilaaliyo Iskaashiga,Nabadgeliyada iyo Amaanka, waana inay iska dhex qabtaan wixii ku lid ah xidhiidhkooda ama ku soo dhex dhuumayana labada dalba, waana in Somaliland iyo Jabuuti iska kaashadan wax badan”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Bulshada reer Somaliland, waa inay mar  walba feejignadaan, oo Ciidamada kala duwan ee Amaanka la shaqayaan, wax walba oo dhib ku keeni kara ee xasiloonida iyo amaanka dalka khal khal geli kara ee ay arkaan si toos ah ula soo socodsiiyaan Ciidamada, waxaana kula talinayaa in aanay is dhigan”.