Cabdillaahi-Geel Jire Oo Ka Digay Halista Hubkii La Siiyay Dawladda Somaliya Oo Suuqyada Lagu Iiibinayo

0
514

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo laba xil oo wasiirnimo k soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, haddana ka mid ah guddiga ictiraaf raadinta ee Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda gobalka Geeska Afrika iyo weliba bariga dhexe.

1

Mr. Geeljire oo uu waraysi la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay hubka dawladda Somaliya loogu deeqo ee haddana lagu iibyo suuqyada shacabka. Waxaanu sheegay in hubkaasi uu khatar ku yahay umadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Beryahan dambe xaaladaha siyaasadeed iyo nabadeed ee gobolkan Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed waxa ku soo korodhay dagaalo sida ka Yemen ka socda iyo wax lagu tilmaami karo gadood dadweyne sida Ethiopia oo ku dhawaaqday "Xukun Degdeg"ah markii qoomiyiyadaha dalkaas qaar ka mid ahi banaan baxyo rabshada wata ku kaceen. Sidaad u aragtaa arrimahas guud ahaan gaar ahaan maxay saamayn inagu yeelan karaan?

Waa run oo arrimahaas oo dhami way jiraan oo waxaad moodaa goboladaa aad tilmaantay sida Bariga Dhexe iyi Geeska Afrika oo weligoodba ama in badanba caan ku ahaa gibollo colaadeed iyi xasilooni darro waxaa maantana ka taagan tagaallo iyo xiisado ay dawladaha ama kooxa ay ka dhaxeeyaan ku tilmaamaan qaar ay dawlado kale dabada ka wadaan. Yemen waxa ay qoloba ta kale ku tilmaantaa inay Sucuudiga iyo Iiraan ka dambeeyaan oo waxa laga dhigay dagaal Shiico iyo Sunni ka dhaxeeya; xaaladuse intaa way ka durugsan tahay oo dano badan baa usku murugsan. Ciraaq la mid Suuriya la mid.

Ethiopia hadaynu u soo noqono waxay xukuumadoodu ku eedaysay rabshadaha jira dalalka Eritrea iyo Masar oo ay tidhi "waxaanu haynaa cadaymo tilnaamaya inay hub iyo tababar soo siiyeen jaabhada Oromada iyo kuwa kaleba."

Markaa xaalad aad u werwer badan weeye.

Labada gobolba way inala jaar waxa inaga dhexeeya ganacsi aad u balladhan. Waa daaqadaha aduunka inooga furan. Dadkeenaa deggan oo ka shaqaysta.

Haddaan ku moqdo saamayanta ay inagu yeelan karto xaaladooda oo ka sii dartaa waa mid keeni karta dhibaato weyn oo guriga kugu xiga haddii dab qabsado sidaad uga badbaadaa way adagtay.

Ethiopia haddaan gaar ula baxo marka hore arrimahooda gudaha ee u gaarka inay faduulino oo faro gelino ma aha manaynaan faro gelin.

Ta labaad Ethiopia sidaa la wada og yahay deris dhaw baynu nahay oo weliba saaxiibo ah. Dareenkeenu waa isku mid. Nolol maalmeedkeena ayaa isa saameeya oo isku xidhan. Nabadeena ayaa isku xidhan. Ganasigeena ayaa isku xidhan.  Siyaasadeenaa isku xidhan. Markaa wixii ka  dhaca gudaheeduba dhankeenana wuu ka muuqanayaa waynu dareemaynaa.