Sadaashi Aan Qorey 16/11/2015 Oo Dhabowdey Eng. Baashe Cabdi Gaboobe

0
596

Bal ila eega sadaashi aan qorey 16/11/2015 si garabka isbaheysiga Kulmiye ku dhiiraddo innu ku biiro Xisbiga Waddani oo shaley dhaboodey.

1

Ujeedadeydu ama mabd'a aan aaminsanahey waxa weeyaan in mucaarid xoog leh la helo si xukuumadda Kulmiye ama tu kastaba dareento culeys xagga tartanka ah si ay wax wanaagsan uu qabato oo check and balance la helo, markaasa ummadda xoolaheedu badbaadayaan. Xadgudub yada badan ee xukuumadda kulmiye ku kadcey mey  dhaceyn haddi mucaariidku xoog yahey.

Sidey bey kharidada siyaasadda S/L isu beddelaysa haddi aqlabiyadda garabka isbaheysiga  kulmiye ku biiro xisbiga waddani ? 16/11/2015

 Ayaamahan waxa saxaafadda madax bannaan qaada dhigeysay in wada hadal uu socdo garabka isbaheysiga musharaxiinta madaxweyne ee kulmiye iyo xisbiga waddani taaso culeys  iyo wer wer badan ku abuurtey xisbiga kulmiye iyo xukuumadisa kuwaaso dheg jalaq u siin waayey baaqyadi faraha badnaa ee uga imanaayey garabka isbaheysiga iyo taageerayaashooda in dib loo dhigo shirka golaha dhexe ee kulmiye si loo xaliyo tabashooyinka ay tabanayaan  .Waxana la wada ogg yahey in xubnaha garabka isbaheysiga ku jira ay yihiin labeenti iyo maskaxdi xisbiga kulmiye haddey yihiin shir guddoonki golaha wakiilada ,aqlabiyaddi golaha wakiiladda kulmiye iyo xubnihi wasiiradda ugu tuunka weyna uguna shacbiyadda badnaa ,arrintaaso dhaawac weyn gaadhsiisey sumcadda dawladda Silaanyo oo dhulka gashey markey iska casileen tirada xubnaha wasiirada intaa leeg . Haddaba xisbiga waddani oo lagu dhaliili jirey in xubnihisa sare iyo taageerayaashisu ‘uu badan yihiin degaano gaar ah oo S/L aya isbaheysigan uu noqanaya shimbir  waqti fiican ilaahey uu soo direy madaama ay ka kooban yihiin degaanada S/L oo dhan.Waxaa xasuus mudan waqtigi kulmiye mucaaridka aha in xoogag badan oo mucaarid ahi ku soo biireen xisbiga kulmiye  sida ururki Qaran, isbadal doonki Udub iyo  xoogag kalo siyaasadeed oo madax bannaan ,taaso kor uga qaadey xisbiga kulmiye xaaladdi jaha wareesaneyd ee uu ku jirey ee sababtey kala jabki iyo khilaafki ka dhex dhashey shirki golaha dhexe ee Burco lagu qabtey , misaan culus oo siyaasadeedna  kuso kordhisey isla markaana geyeesisey inu guushi madaxtinimada dalka hanto .Sida si la mid ah aya la filayaa in haddi arrintani dhabowdo (ku biirista waddani ee garabka isbaheysiga kulmiye) in mucaarid badan oo madax bannaan kuso hiran doonaan xisbiga waddani si ay talada waddanka uga tuuraan xisbiga kulmiye doorashada soo socota maadaama taageerada xisbiga kulmiye uu maraayo heerki ugu hooseyey abid inti uu doorashada ku guuleystey 2010 .

Alla mahad leh,

Eng Bashe Cabdi Gaboobe