London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo uu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa ka digtay nolosha caajika iyo xarakaad la’aanta badan ee jidhka oo inta badan ku yimaadda shaqooyinka qasbaya in qofku uu saacado badan hawl la’aan meel iska fadhiyo. Sida lagu xusay natiijada cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay, haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa sheegaysa in caajisku uu yahay sababta afaraad ee dunida maanta loogu dhinto, waxa aanay ku talisay in laba saac oo kasta ba uu qofku mar kaco oo socdo iyo in socodkiisa jimicsiga ah uu cagihiisa isticmaalaa halka imika inta badan ee dunida laga isticmaalo aalado tiknoolajiyad ku shaqaynayey.
Cilmibaadhistan oo tijaabadeeda lagu sameeyey 2 kun oo qof oo shaqaale xafiis ah, ayaa daahfurtay in boqolkiiba 38 ka mid ahi aanay mar keliya ka kicin miiska xafiiskooda iyaga oo sida ay qirteen xitaa saaxiibbada shaqadu kaga xidhan tahay ee ay isku meel ka shaqeeyaan kula xidhiidhaan farriimaha qoraallo gaagaaban oo internet ka ay u adeegsadaan, kala badh ka mid ahina ay xitaa cuntooyinkooda ku xunaan xafiiska.
Sahamin la sameeyey ayaa xaqiisay in qofku caadi ahaan sagaal saac maalin kasta fadhi ku qaato, boqolkiiba 70 ka mid ah sagaalkaas saacna uu xafiiska ku qaato, culimada caafimaadkuna waxa ay aaminsan yihiin in fadhiga waqtiga badan ahi uu hawlgudashada iyo wax-soo-saarka shaqaalaha hoos u dhigo, dhibaatooyin badan oo caafimaadna keeno, iyaga oo gaadhsiiyey heer illaa sigaar nuugista in uu ka khatarsanaan karo ah. Cilmibaadhis hore loogu eegay dhibaatooyinka caafimaad ee fadhiga dheer ayaa iyaguna sheegay in uu keeni karo cudurka macaanka, isla markaana kor u qaadi karo khatarta ah in qofka uu wadne xanuun ku dhaco.