Caafimaad Darro Ku Soo Fool Leh Dadka Afrika Iyo Tiro Koobyada Dhiillada Leh Ee Soo Baxaya

0
712

 

africaHargeisa (Geeska)- Majaladda TheExecutivetalkoo ah madal loogu talo galay in dadka mindida daabkeeda hayaa ay ku faalleeyaan arrimaha isgaadhsiinta iyo ganacsiga Afrika ayaa cadadkeedii soo baxay bishii August 2012-ka waxaa lagu baahiyey qoraal dheer ka warramaya culayska dhaqaale iyo caqabadda horumar ee ay cudurrada aan tegin ku yihiin horumarka ay Afrika hiigsanayso. “Waxaa la joogaa xilligii aynu dib ugu noqon lahayn hannaanka guunka ah ee aynu ku waajahno caafimaadka guud ee Afrika” ayaa ay warbixintani tidhi, iyada oo iftiiminaysa sababta ay u aaminsan tahay in ay qasab tahay in dib loogu noqdo fikirka hadda ee ku aaddan caafimaadkana waxa ay intaas ku sii dartay, “Berigii hore cudurrada sida dhaqsaha ah u faafa ayaa ahaa khatarta ugu weyn ee qaaraddan haysata, waxaana ka mid ahaa Duumada, Qaaxada, HIV,  jadeecada, shubanka, dabayshga iyo kuwo kale oo faafa, kuwaas oo weli ay khatartoodu jirto. Laakiin maanta, waxaa soo kordhay cudurro aan hore qaaraddan looga aqoon oo mustaqbalka Afrika uu si sidii hore ka badan ugu xidhan yahay hadba sida ay uga guulaysato dagaalka ka dhanka ah, cudurradan oo ah kuwo aan faafin balse aan laga bogsoon waxaa ka mid ah Kansarka, Macaanka, cudurrada beerka ku dhaca iyo cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca”

 

Tiro koobyada illaa hadda ka soo baxaya xaaladda caafimaad ee qaaraddu waa kuwo naxdin badan, hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxa ay saadaalinaysaa in sannadka 2030-ka ay cudurrada aan faafin noqon doonaan sababta ugu badan ee dhimashada dadka Afrika, iyada oo tiradu kor u dhaafi doonta dadkii hore ugu la’day cudurrada faafa, iyo kuwa hadda qaaraddan ugu dhinta umul aroorka, dhicinta iyo xanuunnada la xidhiidha nafaqo darrada.

Hay’adad caafimaadka adduunku waxa ay saadaalinaysaa in haddii xaalka caafimaad ku sii socdo sida uu hadda yahay ay noqon doonto in toban sano kadib ay sannad kasta hal milyan oo ruux oo Afrikaan ahi qaadi doonaan Kansar. Tirada dadka Afrikaanka ah ee Macaanka qaba ayaa iyadana la saadaalinayaa in ay labaatanka sano ee soo socda gudahooda laban laab noqon doonto ama xataa ka sii dari doonto, masiibaduna waa in afartii qof ee kasta ee cudurkan qaba saddex ka mid ahi aanay ogeynba in uu macaan hayo. Dhiig karka ayaa laga cabsi qabaa in uu isna dalalk Afrika qaarkodo gaadho heer kala badh dadka qaan-gaadhka ahi ay dhiig kar qaadaan, iyadda oo illaa hadda la og yahay in inta badan dadka Afrika ee dhiig karka qabaa aanay iskuba ogeyn cudurkan, sidaa awgeedna aanay marin habkii ka hortagga iyo daaweynta ee ku habboonaa.

Warbixintu waxa ay sheegtay inkasta oo ay dalal badan oo Afrikaan ahi dadaal badan ka sameeyeen la dagaallanka cudurrada halista ah, oo tusaale ahaan intii ka dambaysay sannadkii 2000 ay boqolkiiba 33 hoos u dhacday heerkii dhimshadu, haddana weli dhibaatooyinka jira waxaa ka mid ah iyada oo aan waqtigii ku habboonaa loo dhaqaaqayn daaweynta iyo ka hortagga cudurrada. Hay’adda WHO waxa ay sheegaysaa in tirada guud ee dadka dunida maanta ka qaba cudurka Duumadu ay u dhaxayso 3 illaa 5 Milyan, laakiin boqolkiiba 90 dadkaasi ay yihiin reer Afrika, arrimahan oo marka la isku daro khatar weyn ku ah nolosha dadka iyo horumarka dhaqaale ee ay qaaraddu sannadihii u dambeeyey samaynaysay. Iyada oo la og yahay in xanuunno badan oo hadda qaaraddan ku soo badanayaa ay yihiin kuwo ku lammaan horumarkan la samaynayo, una baahan in hadda laga sii samaysto istiraatijiyad lagaga hortagayo.

Sababaha ugu badan ee cudurradan loo tirinayo:

Sida ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin sababo aan qaarkood weli la fahmin ayaa jira, laakiin waxa aynu xusi karnaa caafimaad darro dhinaca cuntada iyo dhaqdhaqaaqii (Jimicsi) jidheed ee dadka oo aad hoos ugu sii dhacaya maadaama oo ay ka soo guurayaan noloshii reer miyiga iyo beeraha ee socodka iyo shaqada gacantu qasabka ahayd kuna soo badanayaan dadka ka shaqayanaya xafiisyada iyo goobaha sida raaxada leh hawlahooda loo qabto ee aan dhaqdhaqaaqa badan u baahnayn. Waxaan iyaduna meesha ka madhnayn halista miisaanka badan ee ku soo badanaya dadka reer Afrika iyada oo la og yahay in miisaanka saayidka ahi uu xidhiidh la leeyahay macaanka, Kansark iyo wadne xanuunka.

In kasta oo dadka caafimaadka ee Afrika si tallaabo-tallaabo ah u helayaan aqoon iyo waayo aragnimo ay marar badan ku dabiibaan cudurro halis ah, haddana waxaan laga tegi Karin runta ah in iyada oo toddobadii qof ee dunida maanta ku noolba uu mid yahay Afrikaan haddana dhakhaatiirta Afrika boqolkiiba 2 keliya ayaa ay ka yihiin dhakhaatiirta dunida halkaas oo aynu ka garan karno sida aanay suurtogal u ahayn in ay daboolaan baahiyaha caafimaad ee dadka Afrika ee ay tiradoodu ka badan tahay boqolkiiba 14 tirada guud ee dadka dunida.

Tirooyin naxdin leh:

Tirada guud ee dadka qaaradda Afrika waxa ay ka badan tahay 1 Bilyan oo ruux taas oo tirada guud ee dadka dunida ka noqonaysa in ka badan boqolkiiba 14.

1. In ka badankala badh dadka reer Afrika waxa ay ku nool yihiin xaalad faqri oo ka hoosaysa hal-beegga faqriga ee caalamiga ah, waxa aanu qofku maalintii ku nool yahay in ka yar hal doolar.

2. Celceliska cimriga dadka Afrika waxa uu gaadhaa ugu badnaan boqolkiiba 53, waxaana yar dadka da’dan ka weyn ee caafimaad qaba.

3. Deegaanno ka mid ah Afrika, ayaa 10 kii kun oo ruuxba waxa ay haystaan laba dhakhtar, waxaana marar badan dhacda in ay dhakhaatiirtaasi yihiin kuwo ka hooseeya heerkii aqooneed ama khibradeed ee ku habboonaa.

4. Lixdankii ilbidhiqsiba (Hal daqiiqo) ilmo yar ayaa Afrika ugu dhinta cudurka duumada (Kaneecada).

5. Marka la gaadho sannadka 2030 kala badh dadka Afrika waxa ay ku noolaan doonaan magaalooyinka. Noloshaa dhaqsaha leh ee ay dadka reer miyiga ahi ugu soo guurayaan magaalooyinkuna waxa ay sabab u noqon kartaa cudurro la saadaalinayo in sannadka 2030-ka ay sabab u noqon doonaan boqolkiiba 46 dadka ku dhimanaya qaaradda.

6. Dadka reer Afrika ee qaba cudurka HIV/AIDS waxa ay sagaal jeer ka badan yihiin tirada guud ee dadka cudurkan ka qaba dunida kale oo dhan.

Maxaa xal noqon kara?

Hababka ugu fiican ee looga hortagi karo in ay ka sii darto xaaladda caafimaad ee reer Afrika waxaa ka mid ah in la sameeyo tallaal tayo leh oo lagaga hortago cudurrada aan tegin, tusaale ahaan waxaa jira tallaalo si dhab ah u joojin kara noocyo ka mid ah cudur-sidayaasha dhaliya Kansarka. Waxaa muhiim ah in tallaal qiimo jaban loo helo joonis cadka, in dadka lagu wacyi geliyo in ay si joogta ah dhiiggooda uga baadhaan macaanka, iyo in dadka la baro waxa looga jeedo cunto caafimaad qabta iyo khatarta ay leedahay cuntada sonkortu ku badan tahay.

Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in dadka ay taladu ka go’do iyo maalqabeenka reer Afrika ay si fiican u fahmaan in qaaraddoodu ay qabto culays iyo dhibaato in ugu filan, muhiimna ay tahay in ay hadda oo aan berri ahayn bilaabaan qorshayaal ay kaga hortagayaan in dhibaatooyin dheeraad ah oo sii cusleeyaa ay soo waajahaan.

Laakiin warka fiicani waxa uu yahay in haddii nidaamyada Afrika ka jira iyo dadka ay khusaysaa ka shaqeeyaan sidii daawooyin tayo leh oo qiimo jaban loo gaadhsiin lahaa dad badan, isla markaana dad badan lagu tababaro qaabka ugu fiican ee ay u daraasayn karaan, isu shaybaadhi karaan isagana daweyn karaan cudurrada in wax kastaa ay sida fiican isu beddeli doonaan, horumarka u bilowday Afrikana noqon doono mid qodax tiran iyada oo la og yahay in Afrika ay tahay gobolka tobanka sano ee soo socda ugu koritaanka badnaan doona dunida oo dhan.