Caabuqa Kaadi Haysta Ku Dhaca Oo Dumarka Aad Ugu Badan Xalkiisa Ugu Fiicani Waa In Ay Biyo Badan Cabto

55
5250
Arab woman drinking water from a glass isolated on a white background

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo dalka Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in gabadha oo biyo badan cabta maalin kasta ay tahay hab fiican oo ay ku yarayn karto khatarta ah in uu ku dhaco xanuunka kaadi haysta oo ka mid ah xanuunnada ugu badan ee haweenka ku dhaca.

Cilmibaadhista oo ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Koonfurta Florida ee dalka Maraykanka ayaa caddaynaysa in xanuunka kaadi haysta ku dhacaa uu inta badan ka bilowdo caabuq ka dhasha bakteeriyo, laakiin sida oo kalana ay jiraan marmar uu ka dhasho dawooyinka uu qofku isticmaalo qaarkood. Caabuqa ku dhaca kaadi haysta oo ah xanuun aad u dhib badan ayaa calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qofka oo si joogto ah ugu baahda in uu kaajo, qaadida oo qofka gubta, qofka oo ay ku soo noqnoqoto in ay dhibco kaadida ka mid ahi ay soo dhaafaan isaga oo aan ugu talagelin ama aan dareemin, marka ay xaaladdu sii xumaato oo uu dhiig soo raaco kaadida, cadaadis badan oo xanuun ah oo qofku uu ka dareemo caloosha qaybteeda hoose.

Xaaladdan daweynteeda ayaa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in ay ugu fiican tahay in la isticmaalo dawooyinka jeermi-dilaha ah (Antibiotic) taas oo u baahan in uu dhakhtar baadhitaan sameeyey u qoro qofka. Waxa se jirta dawo aan dhakhtar qora u baahnayn aadna wax uga tarta xaaladdan. Waa qofka oo biyo badan cabba, si ay kaadidiisu u badato. Mar kasta oo uu qofku biyo cabbista badiyo, waxaa hoos u dhaca baahida uu u qabo in uu dawooyinka Jeermi-dilaha ah isticmaalo. Sida oo kale kaadida oo badataa waxa ay soo nadiifisaa kaadi haysta.

Cilmibaadhis 12 bilood socotay, oo ay cilmibaadhayaashu si gaar ah tijaabo ugu qaateen 327 dumar ah oo qaba xanuunka kaadi haysta ayaa ay ka soo baxday in sida ay u kala biyo cabbis badnaayeen ay xaaladdoodu u kala fiican tahay ama u kala hor bogsatay. Dumarkan ayaa loo qaybiyey laba qaybood oo ah kuwo maalin kasta cabba qiyaasta caadiga ah ee qofka iyo kuwo maalin kasta inta caadiga ah dheereysiiya hal litir iyo badh biyo ah oo u dhigma 6 koob. Waxa aana soo baxday in kuwa biyaha dheeraadka ah cabbay ay boqolkiiba 48 hoos u dhacday khatarta ah in caabuqa kaadi haystu ku dhaco,  marka la barbar dhigo kuwa la midka ah ee iyagu qiyaasta caadiga ah ee biyaha maalintii cabba.

Waxa kale oo ay cilmibaadhistu ogaatay in dumarka biyaha dheeraadka ah cabbay ay boqolkiiba 93 hoos u dhacday heerka xaaladaha caabuqa ama xanuunka kaadi haysta ee sannadkii ay isku arkayaan, halka kuwo xaddiga caadiga ah ee biyaha cabbay ay boqolkiiba 88, sannadkii in ka badan saddex jeer isku arkeen xanuunkan.

Dr. Yair Lotan oo hoggaaminayey cilmibaadhayaashan ayaa sheegay, “In ka badan Afar meelood meel dumarku, waxa ay lixdii biloodba mar isku arkaan caabuqa kaadi haysta oo aan weynayn. Qiyaas ah boqolkiiba 44 illaa 77 ka mid ahna sannadkii hal mar ayaa uu ku soo noqdaa”

Talada cilmibaadhistan ayaa ah in dumarku ay ku dadaalaan in ay cabbaan biyo badan, marka uu caabuq kaadi haysta ahi jirana in ay ugu yaraan hal litir iyo badh ku kordhiyaan xaddiga biyaha ah ee ay cabbaan maalin kasta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here