Buuggta Carruurta Loo Akhriyo Hurdada Ka Hor Iyo Ku Baraarinta Akhrisku Waxay Muhiim U Yihiin Mustaqbalkooda

0
739

Cilmibaadhisaha laga sameeyey waxtarka uu akhrisku aadamaha u leeyahay, waxa ay ka marag kaceen muhiimadda uu carruurta da’da yar u leeyahay akhrisku, waxa aanay si gaar ah hoosta uga xariiqda faa’iidada ay leedahay in waalidku uu ubadkiisa hurdada ka hor wax u akhriyo.

Qormadan waxa aynu ku soo koobaynaa cilmibaadhis uu Mark Kelly ku sameeyey faa’iidooyinka akhrisku u leeyahay ilmaha, kuwaas oo ay k mid tahay:

  1. In hurdada ka hor ilmaha qiso loo akhriyaa waxa ay dejisaa maskaxdiisa, oo ay illowsiiso daalkii iyo hawlihii kala duwanaa ee maalinnimada uu ku soo qaatay, taas oo caawinaysa in uu hurdo xasiloon seexdo.

Ra’yi ururin la sameeyey sannadkii 2015 kii waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 83 carruurta hurada ka hor uu waalidku buug u akhriyo ama sheeko uga sheekeeyaa ay ku raaxaystaan in sheekadaas cod dheer loogu akhriyo. Halka boqolkiiba 68 ka mid ah ay farxaddooda ugu weyn tahay waqtiga ay hurdadad ka hor la sii qaadanayaan waalidkood, oo ah inta uu waalidku u sheekaynayo ama buugga u akhriyayo. Waa fursad uu waalidku u helayo in uu ilmihiisa u gaar yeelo, ilmuhuna ku dareemayo jacaylka waalidku u hayo, iyo in uu danaynayo.

  1. Buug u akhrisku ilmaha waxa ay ku tababartaa dhexgalka iyo la sheekaysiga dadka waaweyn, iyo in ay ku dhac u yeeshaan in aragtidooda iyo su’aalaha ay qabaanba ay waalidka u bandhigaan.

Waxa ay bartaan macnaha walxaha iyo hadallada kala duwan, oo qaarkood ay awood u yeeshaan in ay si hoose u dhugtaan, waxaa kordha awooddooda hadalka iyo cabbiridda fikirkooda; sida doorashada ereyada, iyo ku dhawaaqista saxda ah.

  1. In ilmaha yar hurdada ka hor wax loo akhriyaa, wxa ay ku dhiirrigelisaa wax akhriska iyo in marka ay weynaadaan uu akhrisku ka mid noqdo caadooyinka aanay joojin. Waxa kale oo ay ilmaha ku abuurtaa xiisaha wax qoraalka. Labadaas arrimood oo muhiim u ah qofku marka uu weynaado.
  2. Wax u akhrisa ilmuhu waxa ay xoojisaa malo-awaalka iyo hal abuurka ilmaha. In ilmuhu uu fahmo qisada loo sheegayo, dadka jilaya iyo kaalinta uu mid kastaa leeyahay, iyo isku xidhnaanta sheekada ee bilow illaa dhammaad, waa jimicsi maskaxeed oo bacariminaya hal abuurka ilmaha. Waxa aanay u furtaa maskaxda oo uu awood u yeesho in uu meel dheer wax eegi karo, iyo in uu lafagurka iyo falanqaynta amuuraha horyaalla barto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here