Ismaaciil Mire Oo U Jawaabay Wasiirka Arrimaah Gudaha

0
754

 

Hargaysa( Geeska )- Ismaaciil Mire  oo ka mid ahaa xildhibaandii hore ee golaha wakiilada, ayaa wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur ku dhaliilay inuu ku sheego hoggaamiye qabiil hoos galay siyaasiga Xasan Ciise Jaamac, waxaanu ka sheekeeyay kaalintii uu dalka ka soo qaatay  dib u dhiskiisa.

Siyaasigan oo xalay warbaahinta u waramay, wuxuu yidhi  “ Waxaan yara gocday inaan ka jabaawo doodii foosha xumayad ee Idaacada VOA  lagaga doodaayay ee dhanka amniga, jawaabtiina runtii waxa baxiyay Boobe Yuusuf Ducaale, waxaan ka jawaabay waxa uu tilmaamay  wasiir Duur in gudoomiyaha Xaqsoor Mj.Xasan Ciise Jaamac inuu galiyay qabiil dabada, waxaan xaal ka siinayaa bahda Xaqsoor oo dhan  iyo inta Xasan Ciise Taageertaba, waxaanan wasiir Duur xasuusinayaa habeenkii doorahadu aroorta oo kale dhaci doonto aniga iyo Xasan Ciise inaan u tagnay iyo qolyo kale oo wada socona, sidii aanu uga suurta galin lahayn in muwaadiniinta badhan iyo dhahar  ay codeeyaan ee buuxiyay shuruudii doorasho lahayd oo dhan  ee ururadina ay xildhibaanadoodii ay ka soo sharaxeen oo sanaaduuqdiina loo soo diyaariyay lana geeyay xarunta gobalkaas ee Ceerigaabo.” Isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Isla habeenkaas waxaan wasiir Duur Xasuusinayaa isaga oo ay ku haweliyaan xafiiskiisa Cali Kubado oo komishanka ka mid ahaa iyo taliyaha ciidamada booliska Fadal inuu wasirku ku meeraystay arimo nabadgalyo daro, waxaanan ku nidhi waar ciidankuba sow muwaadiniin maaha miyaa la gaadhsiiyo in uu gaadhsiiyana waanu isku ogayn oo waa uu naga balan qaaday oo markhaatiyo lahayd.Waxaan leeyahay wasiir Duurow marka uu Xasan Ciise ku doodaayay sidaas ee habeenkaas uu ilaa iyo labadii habeenimo aanu laba jeer ugu soo noqonay ma qabiil buu waday mise qaran ayuu doonaayay, waxaad ka yeeli doontana umadaad u sheegi,  Puntland doorashadii dawladaha hoose ayay qabanaysaaye markay Badhan iyo dhahar sanaaduuqda keensato.”

Maxamed Mire waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday  “ Xasan Ciise nin qabiil adeegsada ka weyn, waxa uu ahaa ninkii gudoominaayay shirkii gooni isku taaga Somaliland ee isugu yeedhay beelaha oo dhan, waana madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay dalkan, maantana Xaqsoor Somaliland inuu dhamyastiro xuduudaheeda ayuu u waday, maantana nin la yidhaahdo qabiilbuu hoos galay ka weyn.”