Bukaanka Qaba Kansarka Ee Xaaska Leh Ayaa Cudurkan Uga Adkaysi Badan Kuwa Aan Xaaska Lahayn

0
568

Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dadka qaba cudurka Kansarka ee xaaska leh, rag iyo dumarba ay qolyaha aan guursan ee cudurkani ku dhaco uga adkaysi badan yihiin xanuunkan.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo Isniintii uu baahiyey wargeyska The Telegraph, waxaa diyaariyey cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda California, oo caddeeyey in celcelis ahaan Xaaslayaasha qaba cudurka Kansarka ee u dhintaa ay ka tiro yar yihiin kuwa isla cudurkan u dhinta ee aan iyagu xaaska lahayn, gaar ahaan ragga. Sababo la xidhiidha dhinaca nafsiyadda iyo xidhiidhka bulsho oo qofka xaslooni iyo niyad wanaag ku abuura.

Cilmibaadhistan oo socotay sagaal sano oo u dhexeeyey 2000 illaa 2009kii tijaabadeeda waxaa lagu sameeyey 800 oo kun oo qof, waxa kale oo lagu ogaaday in ay jiraan sababo kale oo iyaguna keena in dadku u kala nuglaadaan cudurkan iyo u adkaysigiisa, waxa aanay xuseen, duruufaha kale ee bulsho, meesha uu qofku ku dhashay iyo isirka uu ka soo jeedo qawmiyad ahaan arrimahaas oo dhammaantood saamayn ku yeesha u adkaysiga cudurka Kansarka.

Xeeldheerayaasha oo ka hadlay sababta guurku uu saamayn ugu yeesho dadka cudurkan qaba ayaa sheegay in taageerada bulsho iyo wehelku uu yahay fursadda fiican ee uu helo dadka qaba Kansarka ee xaaska lihi.

Marka dhinaca dumarka laga hadlayana waxa ay cilmibaadhistu ogaatay in dumarka xaaska ah ee qaba cudurka Kansarku ay nolosha iyo u adkaysiga uga nasiib badan yihiin dumarka aan xaaska lahayn ee iyaguna cudurkan qaba.

Maria Mattinz oo hoggaaminaysay cilmibaadhayaasha daraasadda sameeyey ayaa iyada oo siii iftiiminaysa natiijadan ay gaadheen waxa ay tidhi, “Dhakhaatiirta daweynaya dadka cudurka Kansarka qaba, waxaa la gudboon in ay daneeyaan in dadka aan guursan ee cudurkan qaba loo helo dad garab istaaga bulsho ahaan, inta ay daweyntu socoto”