Xaakim maxkamad ku taal waddanka Mareykanka ayaa xabsi daa'in ku xukumay nin Soomaali ah doorkii uu ku lahaa afduubka doon Mareykanku lahaa iyo markab ganacsi oo laga lahaa Jarmalka.
Maxammad Saali Shibin ayaa waxa danbi budhcad-badeednimo, afduub iyo inuu dad heystay lagu helay bishii April. Waxa uu ahaa ninkii wada hadalka u qaabilsanaa budhcad-badeedda intii ay heysteen markabka. Afar qof oo Mareykan ah ayaa ku dhintay oo lagu dilay doonta.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa masuuliyiinta Mareykanku u aqoonsan yihiin inuu yahay budhcad-badeedkii ugu khatarsanaa ee abid la xidho.