Boqor Dadkiisu U Sujuudi Jireen Oo U Geeriyooday Murugada Ey Uu Hore U Waajibiyey In Magaceeda Marwo Laga Horreysiiyo

0
672

1Bangkok (Geeska)- Khamiistii toddobaadkii dhowaa oo ku beegnayd 13kii Oktoobar 2016ka waxaa 89 jir ku geeriyooday boqorkii dunida ugu muddada dheeraa oo ahaa boqorka dalka Thailand. Boqor Bhumibol Adulyadej (Buumibol Adulyadaaj) oo kursiga boqortooyada ku fadhiyey 70 sano oo ka soo bilaabanaya 19 jirkiisii oo ahayd 1946kii, waxaa kursiga ka dhaxlay wiilkiisa oo isaguna 64 gu’ baarka ka jray.

Haddaba boqorka oo sannadkan u dambeeyey aanay xaaladdiisa caafimaad aad u fiicnayn ayaa la sheegay in uu aad uga sii daray Sagaalkii bilood ee ugu dambeeyey, kadib markii uu aad uga murugooday dhimashada eyad uu lahaa. Eyadan Tongdaeng oo uu boqorku aad u jeclaa ayaa uu hore amar adag ugu soo saaray in dadka reer Thailand ee wax ka qorayaa ay magaceeda ka horreysiiyaan ereyga ‘Khun’, oo macnihiisu yahay ‘Marwo’ qolka uu deggen yahay boqorku meel ku dhow sariirtiisa ayaa uu eygani ku lahaa qol (Qafis yar) oo si aad u heer sarraysa loogu qalabeeyey, waxa aanay lahayd dhakhtar u gaar ah oo xayawaan, iyada oo sidoo kalana muwaadiniinta dalka Thailand sharcigu ka mamnuucay in eydooda ay u bixiyaan magaca eyadda boqorka. boqorka iyo eeyaddiisana waxa ay dadku ula macaamili jireen qaab cibaado u eego.

Majaladda caanka ahee Forbes oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa sannadkii 2014ka boqorka ku dartay liiska maalqabeenka dunida,waxa  aanay hantidiisa ku qiyaasay 30 Bilyan oo doolar oo uu ku jiro qiimaha dhul gaadhaya 14 Kiiloomitir oo isku wareeg ah oo uu ku leeyahay badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Bangkok iyo saamiyo uu ku leeyahay shirkado waaweyn oo sibidhka soo saara, iyo kuwo ka shaqeeya dhinaca maaliyadda, sida bangiyo, waxa uu sidoo kale boqorku lahaa hanti macdan ah oo aad u badan, laakiin sida warbixintan uu Geeska Afrika turjumay hoosta ka xarriiqayso, boqorka Thailand waxaas oo dhan waxa uu ka jeclaa eyaddiisa.

Filim iyo buug laga qoray eyadda boqorka iyo 37 sano oo lagu xukumay nin caayey:

Eyaddan waxa hore looga sameeyey filim Kartoon ay si cad uga soo dhex muuqanayso iyada oo la joogta qasriga, sannadkii 2002diina waxaa eyaddan oo keliya laga qoray buug 84 warqadood ah oo ku qoran afka Thailand. Buuggaas oo afka ingiriisigana loo turjumay ayaa ‘The Story of Thong Daeng” buggan oo ka hadlaya dhammaan xogta ku saabsan eeyadan oo kalgacalka boqorku u qaba ka gaadhay heer, sannadkii ina dhaafay muwaadin u dhashay dalkaasi maxkamad milateri ku mutaystay aflagaado la sheegay in uu eyga u geystay, tan iyo markii uu buuggu soo baxay illaa sannadkii 2015ka waxa uu ahaa buugga loogu iibsiga badan yahay dalka Thailand.

Muwaadinkan oo lagu eedeeyey in uu Facebook ku faafiyey ereyo xaqiraad ku ah boqoraddan ayaa ay maxkamadda milaterigu u aqoonsatay in cayda eygu ay u dhiganto boqorka oo la caayey, waxa aanu ku mutaystay 37 sano oo xabsi ah.

Eyayadani maalintii ay dhimatay waxa ay boqortooyadu ka soo saartay war-murtiyeed murugo badani ka muuqato oo lagu soo xidhay ereyo ka mid ah buugga uu boqorku eeyadisa ka qoray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, “Waxa ay ahayd eeyad ixtiraam mudan, oo ka duwan eyda kale, waxa ay taqaannay anshax wanaagga iyo ilaalinta baratakoollada, weligeed ma’ay fadhiisan meel u muuqanaysa in ay boqorka ka sarrayso, xitaa marka uu lagga gashado madaxa ayaa ay hoos u dhigi jirtay labada dhegoodna hoos ayaa ay u laabi jirtay ixtiraam awgeed” Eyada boqorkasawirradeeda waxaa lagu dhejin jiray waraaqaha taariikhda laga eego, boodhadhka farshaxanka ah ee guryaha, xafiisyada iyo meheradaha lagu qurxiyo, sidoo kale waxa lagu sawiray waraaqaha astaanta ah ee dusha lagaga dhejiyo bushqadaha boosta lagu dirayo. Dhimashadeediina waxaa loo sameeyey jinaasad leh hab-maamuus qaran oo rasmi ah, waxa aana dalka looga baroor diiqay saddex maalmood oo calanka hoos loo dhigay.

Boqorka dalka Thailand ayaa dalkiisa ka leh hab-maamuus u eeg cibaado, waxa aanu caan ku yahay in marka la arko ay dadku u sujuudaan inta uu dhaafayana jiifaan sujuuddaas ay illaa beerka dhulka dhigayaan, maadaama oo dalka Thailand aanu ka mid ahayn dalalka dunida ee la soo gumaystayna, maalinta qaranka ee dalkaasi waa maalinta uu dashay boqorka geeriyooday.

Boqortooyada dalka Thailand waa mid dastuuri ah oo aanu boqorku wax waajibaad iyo shaqo ah ku lahayn dawladda, taas oo la mid ah tan boqortooyada dalka Ingiriiska oo boqoradda dalkaas Elizabeth II ay geerida boqorkan kadib noqonayso boqoradda ugu muddada dheer dunida.