“Boqor Buurmadaw, Waa Nin Adyada Badan, Waxtarna Leh”

50
2915

Axmed Xaaji Cali Cadami

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaanshandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa sheegay in aad looga feejignaado hadalada naxdinta ku ah qaranimada Somaliland, waxaanu xusay in hadalkii ka soo yeedhay Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaraadka uu ahaa hadal aad looga naxo, balse ay haboonayd in aad loo hubsado, waxaanu soo dhaweeyey jawaabta ay Xukuumaddu ka bixisay, ee ay ku beenisay in Xasan Sheekh uu DP World u saxeexay Dekadda Berbera.

Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xadhiga Boqor Buurmadaw waxaanu tilmaamay in Madax-dhaqameedka looga baahan yahay inay aad uga fiirsadaan hadalada ay ku hadlayaan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waxay ahayd inta aan hadal la iska tuurin, waxaynu u baahan nahay in wax la hubsado, Cadawga Somaliland in arinkan soo kordhay uu ku farxay waa run, kuwa inaga inaga mid ah oo halkan jooga ayaan iyaga laftoodu aan Somaliland rabin,marka hore ha la is weydiiyo ninkan Wasiirul Dawlaha ah ee hadlay qaabkee ayuu u hadlay,  ilaa berigii waa loo tagayey Imaraadka, oo intaas oo Wasiir ayaa u tagay, oo Madaxda Qaranka ayaa u tagay, oo markii u dambaysay waa kii Madaxweynuhu tagay, ee sida wanaagsan loo qaabilay, qoladan Waddani badh-badhaadhnay ayey qaadayaan, ee yeynaan badhbadhaadhnay daciifa kaga hor tagin,warkaas naxdinta leh, ee inagu soo kordhay, mar haddii Xukuumaddu beenisay waan soo dhaweeynayaa”.

Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey xadhiga Boqor Buurmadaw iyo hadalkii ka soo yeedhay ayaa yidhi “Ciidamada ha la kala qaado, waa nabada ha la adkeeyo, oo waa nabada ha la meel mariyo, oo dadku ma kala maarmi karo, oo cidi cid ma muquunin karto, oo dagaalka nabad ha lagu bedelo, waxaas oo dhami waa luuqad la ogol yahay, Shirkan uu Boqor Cismaan ka qayb galayna Shir dhaqan buu ahaa, ee Shir Qabiil iyo Shir Siyaasi midna muu ahayn,nin madax-dhaqameeda ayaa lagu doortay, Madaxdhaqameedka afkiisu ilaalin buu u baahan yahay, ee maaha inuu hadal iska yidhaahdo, ee waa inuu ka fiirsadaa wuxuu ku hadlayo, wixii hadal ah ee meel mar noqon karaya ayaana looga baahan yahay inuu ku hadlo, mar haddii la xidhay Boqor Cismaana, Madax-dhaqameedna uu yahay, waana la xukumi karaa, cafisna waa loo fidin karaa, Boqor Cismaan Buurmadaw, waa nin  adyad badan, waxtarna leh,bina’aadankuna wuu khaldamaa ee Boqor Cismaan sii dayntiisa, cafiskiisa iyo dambi ku qaadistiisa waxay ku xidhan tahay Madaxweynaha iyo Madaxtooyada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here