Cirro Oo Siilaanyo Ku Eedeeyay Dambi Ah Khiyaamo Qaran, Madaxweyne Biixina Ugu Baaqay Inuu Is Casilo

52
3889

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa madaxweynihii hore Mr. Siilaanyo ku eedeeyay inuu galay khiyaamo qaran, waxaanu madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu is casilo.

Cirro ayaa hadalkan ka sheegay shir uu saxaafadda u qabtay khamiistii, laakiin xisbiga KULMIYE ayaa ka jawaabay eeddaas Cabdiraxmaan-Cirro.

Cirro, wuxuu yidhi “Siyaasaddu been maaha, male-awaal maaha, Shacabkaaga oo aad luggoyso  ood hagar-daameyso maaha,  danta dalkaaga iyo ta ummadaada oo aad ka saraysiiso danta shakhsiga ah  maaha, waxaa cadaatay in shacabka Somaliland Xukuumadihii KULMIYE  ee kala dambeeyey ay been iyo khiyaamo ku haasaawinayeen muddo ka badan sideed (8) sanno.

Madaxweyne hore Mujaahid Axmed Maxamed Siilaayo waa guddoomiyihii SNM ugu muddada dheeraa. Madaxweynaha Hadda Waa Mujaahid Muuse Biixi. Wasiirkiisa Arrimaha Guduhuna waa Mujaahid Maxamed Kaahin. Waxay ku doodi jireen hadana ku doodaan inay dalka cid kasta ugu lexo jeclo badan yihiin  maadaama  ay dhiigoodii u shubeen naxftoodana u hureen Somaliland. Ma dhabaa?.

Waxa xukuumaddii KULMIYE ee hore shacabka u sheegtay in ay heshiisyo la gashay dawladda ISUTUGGA IMAARADKA (UAE) ku saabsan horumarinta dekedda Berbera iyo inay siisay UAE saldhig militari. Xukuumaha KULMIYE caado ka dhigteen inay ku eedeeyaan xisbiga WADDANI inuu ka soo horjeedo maalgashiga iyo horumarka Somaliland.”

Wuxuu intaas raaciyay “Mowqifka Xisbigu wuxuu ahaa welina yahay in aanu taageerin heshiisyo  aan ummadda loo soo bandhigin oo suuq madow ah  oo in yar oo fara ku tiris ahi keliya ogtahay  oo mugdi badani  ku gadaaman yahay.

Xukuumad iyo Xisbi’ba Kulmiye waxay ku celcelin jireen, oo meel kasta iyo fagaarayaashaba kaga tiraabi jireen in Xisbiga WADDANI  Soomaaliweyn xidhiidh la’leeyahay, runtii  Xisbi ahaan waxaanu markasta u arkaynay in taasi gef iyo meel ka dhac ku ahayd wada-jirka shacbiga iyo Qaranimada Somaliland. Waxaa xisbi ahaan u  arkaynay in arrintaasi ahayd qiiq isku qarin KULMIYE samaynayey si uu shacabka indhahooda uga jeediyo falal dembiyeedyada  uu ku kacayey ee qarandumisnimada ahaa ee manta soo if baxay.

Dawladaha KULMIYE ee kala dambeeyey waxay dhegaha ka furaysteen inay ka jawaabaan ku cel-celintii Xisbiga WADDANI ee ahayd heshiisyadii aad gasheen shacbiga iyo baarlamaanka u soo bandhigaoo mugdiga ka saara.”

 

Wuxuu Cirro yidhi “Su,aasha muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi is weydiinayey waxay ahayd  waxa Madaxweyne Silaanyo iyo Madaxweyne Muuse maxay shacbigooda iyo baarlamaankooda uga   qaraniyaan  in la soo bandhigo heshiiyada sida sheegeen la galeen dawladda imaaraadka? Cida dhabta ee saxeexday waa ayo heshiisyadan ?

Ugu dambeyn waxa shacbiga reer Somaliland lahaa xukuumadaha KULMIYOW  Ummadda u cadeeya oo keena heshiisyada dhabta ahaa xilgii aad wax qarin karayseen waa dhamaaday. Walaahi wuu dhamaaday, oo bilaahi wuu dhamaaday!!!!!

Waxaase maanta cadaatay in Kulmiye shacabiga , Calanka iyo Ciidaba khiyaamay. Sirmo qabe allaa u sahan ah.

KULMIYOW Waxay huursadaanba hadimooyinkii ay dalkan iyo dadka ka gasheen waa kuwaas oogta ka cadaaday.

Qaranimadii iyo madax banaanidii Somaliland June 1960 ayaynu la ambanay.

Mar 2aad baa Madaxweyne Siilaanyo la ambaday. Wuxuu ka tegey taariikh madow.Qarankan iyo Madax banaanidiisi wuxuu u  gaystay dhaawicii ugu xumaa, Waxaa dhacday khiyaamo qaran. Shacbigiisa, calankiisa, ciidiidsa iyo himiladii shacbigiisa  wuu khiyaameeyey. Wuxuu ku bedeshay gooni isutaagi iyo Madaxbaaninidii Somaliland dhaqaale iyo dano shakhsi.

Heshiiyada dekeda iyo saldhiga Berbera oo dawladda Federaalka Somalia saxeexday ayuu uga dhigay in xukuumadda Somaliland la gashay dawladda UAE.

Jiritaanka warkanna  waxa cadeeyey Wasiiru Dawlaha Arrimaha dibedda ee UAE Anwar Maxamed Qarqaash oo waraysi toos ah siiyey BBC laanta afka carabiga 18/4/2018 . Hadalka Dawladda Imaaraatku waa dhab. Waa dhab.

Siilanyo wuxuu  jabiyey dastuurka , wuxuu khiyaameeyey shacbigii. Wuxuu himaloodii ku riday hog madow oo ay adkaanayso in dib looga soo saaro. Wuxuu muteystay in maxkamad la hor keeno oo lagu qaado khiyaamo qaran.

Madaxweyne Muuse Biixi cabdi waxa uu qayb ka ahaa shirqoolka iyo dhagarta KULMIYE u maleegay  shacbiga Somaliland. Marka hore xog ogaal buu u ahaa khiyaamada qaran ee Madaxweyne Siilaanyo u geystay dadkiisa iyo dalkiisa. Faylkii heshiiska dawladda Federaalku saxeexday Silaanyo wuxuu ku wareejieyey Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu haystay fursad qaali ah markuu kursiga Madaxweynaha ku fadhiistay oo ahayd inuu  saxo khaladkaas  ama shacbigiisa iyo barlamaankiisa u soo soo bandhigo khiyaamada qaran ee madaxweynihii ka horeeyey sameeyey. Midna ma sameyn. Wuxuu yidhi heshiisyadii dawladda hore gashay waan fulinayaa. Kuwaas oo ay maanta cadaatay inay noqdeen heshiisyo ka dhaxeeya dawladda Federaalka Somalia iyo dawladda Imaaraadka.

Wasiiru dawlaha Imaaraadku waxa uu sheegay inaanay wax heshiis la gelin Somaliland aqoonsaneyna ee ay aqoonsan yihiin qaranimada Somalia. Wuxuu yidhi safaarad iyo qunsuliyad toona kuma lihin.

Madaxweynuhu isaga oo kitaab quraan ah ugu dhaartay inuu daacad u yahay dalkiisa iyo dadkiisa hadana wuxuu been u sheegay shacbigiisa kana qariyey in heshiiyadaas ay Somalia saxeexday.”

Guddoomiye Cirro oo madaxweynaha la hadlayaa wuxuu yidhi “Su,aal : muxuuse Muuse isna  ku bedeshay inuu sidaas mujaahidku yeelo? Ma dano gaar ahbaa? Ma dano dhaqaalaa? Ma markii hore ayuu qayb ka ahaa shirqoolka oo faraa laga hayey?

Madaxweyne Muuse wuxuu jabiyey dastuurka. Wuxuu ku kacay khiyaamo qaran. Wuxuu ku kacay khiyamo qaran. Wuxuu ku kacay khiyaamo qaran. Wuxuu ku kacay high treason. Wuxuu ku kacay high treason. Wuxuu ku kacay khiyaamatal cudmaa. Wuxuu ku kacay khiyaamatal cudmaa.  Waxa u banaan   Muuse Biixi 2 arrimood oo keliya.

  1. Inuu casilo dadkana saaamaxaad weydiisto kuna dhawaaqo in la qabto doorashooyin madaxweyne oo cusub ( fresh presidential election).
  2. In lagu qaado khiyaamo qaran oo la lagu qaado maamuus ka xayuubin (impeachment). “

Ugu dambayn Wuxuu cirro yidhi “Ugu Dambayn ka xisbi ahaan waxaannu u cadaynaynaa shacbiga Somaliland in madax banaanida iyo qaranimada Somaliland tahay lama taabtaan.  Waxaan   bulshada Somaliland ugu baaqayaa in iyagoo mid ah ay meel uga soo wada jeestaan Heshiisyadaasi aan xalaasha ahayn ee qarankan u soo hooyey dhaawaca iyo bahdilka aanu galabsan ee loo hadoodilay.

Waxaan ku celinayaa mawqifka xisbigu ka taagan yahay hore iyo haatanba oo ah in aanaan taageersanayn, taageerina doonin damaca danaysiga iyo khiyaanadu ku lamaan tahay ee heshiisyadaasi, wuxuuse soo dhaweynayaa heshiis kasta oo loo maray dariiq sharci oo Somaliland dal ama shirkad la gasho.

Beenta way dhamaatay. Runtii baa ino hor timi. WADDANI xilgii ololaha waxa uu balan qaaday hadduu doorashada ku guuleysto inuu dib u eegis ku sameyn doona heshiisyada dekeda iyo saldhiga Berbera maadama aan marna shacbiga iyo baarlamaanka toona loo soo bandhigin. Taas baa kaliftay in KULMIYE ku eedayo WADDANI Somaliweyn.  Hase yeeshee, WADDANI marna ka gaban mayo runta inuu sheego.  Qaranka inuu daafaco.”

 

Jawaabta kulmiye

Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE aamac Ismaacil Cige(Jaamac Shabeel) oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa hadalka kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku sheegay mid xaqiiqada baalmarsan, waxaanu yidhi  “ Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi, ma jiro wax heshiis ah oo xukuumaddu hor keentay Golaha Wakiillada, heshiiska dekedda Berbera-na waxa uu sheegay inay wada galeen Somaliya iyo Imaraadka Carabtu ee aan Somaliland wax heshiis ah lala gelin. Waxaan la wada soconnaa in xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay Golaha Wakiillada oo uu Guddoomiye ka ahaa Guddoomiye Cirro u gudbisey taariikhdu markii ay ahayd, 9/08/2016, heshiis ku saabsan maamulka Dekedda Berbera, golaha wakiilladuna isaga oo gudanaya waajibkiisa ku cad Dastuurka Qaranka qodobka 53, xubintiisa 3-aad, waxa uu dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiskaasi. Guddoomiyihii Golaha Wakiilada ee xilligaasi, oo ahaa Cabdiraxmaan Cirro waa ninkii doodda, golaha wakiilada qaybinayey, isagoo cod geliyey oo u yeedhiyay golaha habka ansixinta loo marayo, go’aankii Golaha oo uu isagu saxeexayna waxa uu u gudbiyay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland ee hore Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland ee hadda joogaa Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu fulinayaa heshiiskii ay ansixiyeen golaha wakiillada ee Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha ka ahaa.Haddaba waxa nasiib-darro ah in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu maanta ku eedeynayo labadaa madaxweyne ee u kala danbeeyey Somaliland heshiiska dariiqaa cad ee sharciga ah soo maray.”
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Jaamac Ismaaciil Cige, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi , “Eedaynta uu maanta samaynayo Guddoomiye Cirro waxa ay xadgudb sharci iyo xaqiraadba ku tahay Golihii uu hoggaaminayey ee aqlabiyadda ku ansixiyay heshiiskan, waxana cad in Mudane Cirro dafirayo heshiiskaa dariiqa dheer ee sharci soo maray ee uu xog-ogaalka ka ahaa. Guddoomiye Cirro waxa uu eeddiisa daliil uga dhigtay hadalkii Wasiiru-Dawlaha arrimaha debedda ee Imaraaadka carabtu ku sheegay waraysigii Idaacadda BBC laanteeda afcarbiga, haddaba, waxaannu Guddoomiyaha WADDANI xusuusinaynaa in Somaliland ay tahay qaran madax-bannaan oo si iskeed ah Imaraadka Carabta ula gashay heshiiska dekedda Berbera kaas oo aan marna u dhicin si qarsoodi ah saxaafadda caalamkuna soo bandhigtay, kana cadhaysiiyey dhammaan inta neceb guulaha iyo horumarka Somaliland,” ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Shabeel.

Jaamac Shabeel, wuxuu yidhi  “Waxaad ogtihiin in guddoomiye Cirro marka ay timaaddo arrimaha horumarinta iyo tallaabooyinka caalamiga ah ee Somaliland hore u qaaddo uu la mawqif noqdo ama is barbar taago Maamulka Muqdisho oo aan marnaba oggolayn jiritaanka, iyo horumarka Somaliland, taasna waxaa idiin caddaynaya, go’aammada ay Somaliya ka qaadatay Heshiiskan, sida dawcwaddii ay u gudbiyeen Golaha ammaanka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, jaamacadda carabta, iyo go’aankii ay ka qaateen golohooda baarlamaanku, dacwaddaa iyo diidmadaa Soomaaliya waxay beeninaysaa in heshiiska ay kala saxeexdeen Imaaraatka Carabta iyo Soomaaaliya.”
Guddoomiyuhu wuxuu intaas raaciyay “Waxa iswaydiin leh, ma Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee la mawqifka ah dawladda Muqdisho ayaa khiyaamo qaran ku jira, mise madaxweynayaasha dalka u soo jeediyey indhaha caalamka ee fududeeyey in maalgashadayaasha Caalamiga ahi yimaaddaan Somaliland, waxana inoo caddaatay in haddii guddoomiye Cirro doorashada ku guulaysan lahaa, ilaahayba kama dhigine, uu maxkamad geyn lahaa xabsigana u quudhi lahaa halgamayaashii ummaddan naftooda u soo hibeeyey. Guddoomiye Cirro wuxu dafiray halgankii mujaahidiintii ay ka mid ahaayeen Maxmed Cali, Lixle, Koosaar, Dayib Guray, Yaasiin Dheere, Cabdiraxmaan Aw Cali Koodbuur, Cabdixakiim Sumuni, Axmed Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin (intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto).”
Waxa uu guddoomiye Jaamac Shabeel bayaamiyey xaaladdii uu ku jirey dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya sanadkii 1969-kii oo uu guddoomiye Cirro barbar dhigay Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta, waxana uu ugu horrayn bulshada la wadaagay sidii xaalku ahaa waqtigaas, waxana uu yidhi, “Guddoomiye Cirro wuxu sheegey in Somaliland marayso halkii uu dalku marayay 1969-kii.1969-kii gacan-ku- dhiigle Maxamed Siyaad Barre ayaa 1969-kii inqilaabay dawladdii la soo doortay ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal (AHUN),Tallaabadii u horaysay, waxa uu Siyaad Barre toogtay Janaraal Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo saraakiishii la socotay, waxa uu ka hor yimid Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo laayay culimaddii xaqa sheegtay.Waxa uu Siyaad Barre 20 sannadood umadda soo mariyay dil iyo burbur xanuun badan, waxana uu xaaqay dad iyo duunyo wixii Somaliland ku noolaa oo ilaa maanta aan laga bogsan, Somaliland oo xoriyadeedii la soo noqotay oo nabad ah, oo qabsatey lix doorasho oo laba ka mid ah Guddomiye Cirro isaga laftiisu ku tartamay, Somaliland waxa manta ka talisa dawlad si xor ah loo doortay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here