Boqolkiiba 59 Maqaallada Uu Qofku Innagula wadaago Baraha Bulshadu Waa Kuwo Aanu Isaguba Akhriyin

25
3836

Washingont (Geeska)- Baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ku waxa noqdeen madalo lagu wadaago xogta iyo wararka xiisaha leh iyo dhacdooyinka dareenka qofka taabanaya. Qof kasta oo shabakadahan isticmaalaa waxa uu marar badan boggiisa ku sii faafiyaa qoraallo cilmiya, warar siyaasi ah iyo aragtiyo kala duwan oo uu filayo in dadka ay barahan saaxiibka ku yihiin xiisayn doonaan. Waxa aana aad u dhacda in dadku ay dib u sii faafiyaan, qormooyin cilmiya iyo maqaallo kala duwan oo ay saaxiibbadood la soo wadaageen.

Waa ay fiicantahay in cilmiga iyo wax kasta oo xiise leh ama macne samaynaya la’ la wadaago saaxiibbada iyo guud ahaan bulshada, laakiin waxa ay arrintan yeelatay ceeb weyn oo ah in xogtan iyo wararkani aanay waxtar u yeelan dadka lala wadaagayo ama dadka dib u sii baahinaya. Sababtuna waxa weeye, dadka oo caado ka dhigtay in ay qoraalka dib u sii baahinaya ama dadka la wadaagaya iyaga oo aan iyaguba akhriyin waxa ku qoran, balse uu xiise geliyey keliya cinwaanka soo jiidashada leh ee qoraalka sumadda u ah.

Cilmibaadhis dhowaan arrintan lagu sameeyey, ayaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 59 maqaallada iyo qoraallada ay dadku inagula wadaagaan barahooda bulshadu ay yihiin kuwo aanay dadka inala wadaagayaa laftigoodu ogeyn waxa ku gudo jira, oo aan ahayn cinwaanka oo ay xiiseeyeen.

Warbixin arrintan ka hadlaya oo lagu baahiyey shabakadda internet ka ee Science news ayaa is weydiinaysa sababta qofka ku riixi karta in uu dadka la wadaago maqaal aanu isaguba akhriyin. Isaga oo og in qofka uu la wadaagay ee akhriyayaa marka uu arkaba uu u fahmayo in uu saaxiibkan innala wadaagay uu isagu akhriyey oo uu ku arkay arrin muhiim ah ama xiise geliyey oo uu dadka ku xeeranna la jeclaystay. Waxa uu maqaalku arrintan ku sababaynayaa:

Kow: Maskaxda bani’aadamka oo inta badan baraarugsanaantu ay ku yartahay, taasina ay keenayso in marka koowaad ee ishu ku dhacdo cinwaanka quruxda badan iyo ereyada xiisaha badan ee qoraalka lagu bilaabay, uu u qaadanayo in uu yahay maqaal qiimo badan. Waxa uu qofku aaminsan yahay in cinwaanku uu calaamad run ah u yahay nuxurka qoraalka ku guda jira. Waxa se la ogaaday in nolosha casriga ah ee mashquulka badani ay yaraysay dhugmadii maskaxda, dadka badankoodana ku beertay dhaqanka ah in arrimaha oo dhan si kor ka xaadis ah loo eego, si aan waqti badan loogu lumin.

Laba: Mashquulka badan ee nolosha casriga ah iyo dabeecadda wahsiga oo dadka ku soo badanaysa ayaa sabab u noqda in qofku uu tahli kari waayo ama waqtiba u waayo, akhriska maqaalka uu cinwaankiisa xiiseeyey, laakiin waxaa weli ku jirta xiise ah in uu saaxiibbadii iyo dadka ku xeeran la wadaago muhiimadda uu u malaynayo in uu maqaalkani xambaarsan yahay.

Saddex: Is muujin iyo qofka oo xiisaynaya in saaxiibbadii, dadka uu maamulo iyo dadka ku xeeran uu tuso in uu yahay qof wax-akhriska la saaxiib ah. Laakiin runtu ay tahay in aanu akhriska ku fiicnayn. Waxa uu aaminsan yahay in maqaallada cilmiga ah iyo qormooyinka muhiimka ah ee uu dadka la wadaagayaa ay ka bixinayaan sawir fiican. Waa xeelad uu isku soo jeedinayo indhaha saaxiibbada, magacna kaga dhex samaysanayo.

Haddaba, marka aynu intaas ka xusno sababaha qofka ku kallifaya in uu maqaalka isaga oo aan akhriyin dadka la sii wadaago, oo ah sababo qofka ka imanaya. Waxaa laga yaabaa in qofka qormadan si dhugmo leh u akhriyayaa uu is weydiiyo su’aalo la xidhiidha sababta marka horeba keenta in qofku uu cinwaanka awgii, maqaal aanu akhriyin ka helo ama xiiseeyo, waayo in uu marka hore maqaalka jeclaado ayaa sababtay in uu dadka la wadaago? Si aynu su’aalahaas jawaab ugu helno waxa aynu soo qaadan karnaa dhawr sababood:

Xoogga cinwaanka

Xoogga iyo soo jiidashada cinwaanku leeyahay ayaa ah sababta ugu weyn ee qofka ku kallifta in uu xiiseeyo maqaal aanu akhriyin:

Qaab-dhismeedka iyo xulashada ereyada:

Bishii Afaraad ee sannadkii 2017 ka, idaacadda waddaniga ah ee dadweynaha, (National Public Radio – NPR) ee dalka Maraykanka ayaa boggeeda Facebook waxa ay ku faafisay maqaal ay cinwaan uga dhigtay, “Waa maxay sababta uu [Dadka] Maraykan wax-akhriskii uga tegey?” Maqaalkani waxa uu ka mid noqday maqaalladii loogu sii-faafinta ‘Share’, xiisaha (Like) iyo faallaynta badnaa muddooyinkaas. Laakiin arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in maqaalkani uu ahaa cinwaanka oo keliya, oo marka qofku uu furo aanu jirin wax qoraal ah oo ku qorani, marka cinwaanka laga tago.

Waxa ay arrintani caddayn fiican u noqotay in quwadda cinwaanka iyo xiisaha uu samaynayaa ay yihiin waxa ugu weyn ee maqaalka, buugga ama qoraalka xiise u abuura. Sidaa awgeed ayaa dadka qoraalka ka warramaa ay ugu doodaan in qaab qoraalka iyo macnaha cinwaanka ku duugani uu yahay furaha ugu weyn ee guusha u horseeda qoraalka.

Cinwaan dareen hore toosinaya ama boog hore taabanaya:

Haddii cinwaanku uu ka hadlayo arrin taabanaysa dareenka qofka oo tusaale ahaan toosinaysa boog ama dareen hore u jiray, waxa uu noqonayaa cinwaan miisaan leh. Waxa ay dadku aad u xiiseeyaan cinwaannada xidhiidhka la leh faham xeeldheer oo ay hore u haysteen. Halka laga yaabo in aanay xiisayn cinwaannada abuuraya faham burinaya ama carinaya fikiradda ay qabaan iyo fahamka ay hore u sii haysteen. Sidaa awgeed dadka qoraalka xariifka ku ahi waxa ay cinwaannadooda u ereyeeyaan qaab aanu akhristuhu marka koowaadba u arkayn in uu xambaarsan yahay aragti tiisa ka soo horjeedda, xitaa haddii ay run tahay in uu ka hadlayo aragti tiisa ka soo horjeedda.

Maqaallada ugu badan ee ay dadku sida degdegga ah iyaga oo aan akhriyin ula wadaagaan saaxiibbadooda baraha bulshaduna waa kuwa leh cinwaanno noocaas ah.

Dhibta ka dhalanaysa cinwaannada xiisaha abuuraya

Xogta oo yaraata

Dhaqanka ah in qofku uu bulshada la wadaago qoraallada aanu isaguba akhriyin, waxa ay sii kordhinaysaa in ay faafaan maqaallo aad u tiro badan balse tayo yar, oo laga yaabo in dadkii tirada yaraa ee isku dayi lahaa akhriskoodu ay ku jaahwareeraan waqtina u kala waayaan. Taasina waxa ay keenaysaa wax-akhriskii oo hoos u dhaca. Waana sabab khatar ah oo abuuraysa xogtii iyo aqoontii oo hoos u dhaca.

Majaro habaabin

Faafinta qormooyin iyo maqaallo aan la akhriyin waxa ay caawinaysaa in warfidiyeenka iyo dadka wax qoraa ay fursad u helaan in ay dadka maskaxdooda xadaan ama siyaabo qaldan ugu jiheeyaan ujeedooyin taban oo ay leeyihiin.

Hal erey oo cinwaanka ku jira ayaa awood u leh  in uu maskaxda jiheeyo oo uu abuuro aragti ka duwan ta runta ah ee ay tahay in uu qoraalku abuuro. Waxaa dhici karta in ereygaas cinwaanka ku jira ama qaab-dhismeedkiisu uu dadka ku abuuro faham xitaa kii maqaalka looga jeeday ka duwanaan kara, ama sifo qaldan looga faa’iidaysto.

Khatarta ugu weyn ee ay leeyihiin cinwaannada noocan ah iyo in qofku uu maqaalka aanu akhriyin si degdeg ah dadka ugula wadaago baraha bulshada, ayaa ay khubaradu sheegayaan in ay abuurayaan aqoonta iyo waxbarashada oo faafi waaya.

Ugu dambayntiina, akhriste waxa aan adiga kaaga mahadnaqayaa in aad soo dhammaystirtay akhriska qoraalkan, kana mid noqotoay boqolkiiba 41 keliya ee akhristayaasha ka mid ah ee ay khubaradu sheegeen in ay akhriyaan nuxurka uu xambaarsan yahay maqaalka ay cinwaankiisa xiiseeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here