Abu-Dhabi (Geeska)- Boqolkiiba 15 ka mid ah dadka dunida maanta ku nool ayaa si joogto ah uga cawda madax xanuun ah nooca loo yaqaanno dhan-jafka oo ah in madaxa qayb ka mid ahi ay si daran u xanuunto. nasiib darraduna waxa ay tahay in dadkani aanay garanayn sababta runta ah ee ku keenta dhibaatada. Laakiin ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay jiraan sababo ka hortaggooda ama dabiibistoodu aad u fududdahay oo qofka ku keeni kara in madaxa qayb ahaani aad u xanuunto.
Sababaha ay dhakhaatiirtu sheegayaan in xaaladdan oo dad badan dhib ku haysa keeni karaan waxaa ka mid ah noocyada cuntada ee uu qofku cunayo.
Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Aljazeera ayaa soo ururinaysa lix ka mid ah cuntooyinka ugu caansan ee qofka ku keena in madaxa qayb ahaani xanuunto.
5. Hilibka warshadaysan:
Hilibka la warshadeeyo (Hilibka Qasacadaysan) waxaa inta badan lagu daraa maaddooyin ka ilaaliya qudhunka iyo wixii dhib u keenaya, laakiin maaddooyinkaas oo ah isku-dhisyo kiimiko ayaa sababa in xididdada dhiiggu ay balqaan ama intooda dabiiciga ah ka ballaadhaan, taasina ay hoos u dhigto xawligii uu u baahnaa wareegga dhiiggu, waxa aanay qofka ku keenaan madax xanuun dhanjafka oo kale ah oo aad u daran.
4. Kaafiyeenta oo jidhka ku yaraata (Caffiene)
Caadi ahaan jidhku waxa uu u baahan yahay xaddi ka mid ah maadadda Caffiene oo aalaaba laga helo Bunka, Shaaha iyo noocyo cabbitaannada kale ka mid ah, laakiin waxaa la aaminsan yahay in maadaddan qudheedu haddii ay jidhka ku badato ay dhibaato caafimaad leedahay, sida wadne xanuunka iyo dadka dhiigkarka ama kelyo xanuunka leh oo ay Caffeine dhibaato gaadhsiin karto.
Caffeine waxa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in ay joojiso ama daweyso madax xanuunka waana sababta mararka qaarkood dawooyinka madax xanuunka loogu daro qaddar Caffiene ah, laakiin haddana waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in marka uu qofku si aad ah oo joogto ah u cabbo Caffiene in ay ku keento hurdo la’aan iyo xasilooni darro nafsi ah, madax xanuun aad u daranina uu ka dhasho.
3. Asiidha:
Asiidhku waxa uu khalkhal ku keenaa isku-dheelli tirnaanta maadadda Hydrogen ee dhiigga ku jirta, taasina waxa ay sababtaa madax xanuun dhanjafka oo kale ah. Taas oo macnaheedu yahay in isticmaalka badan ee cuntada asiidhku ku jiraa ay qofka ku keento madax xanuun xoog ah.
2. Shaglaydhka:
Sida la ogyahay Shagyladhku waxa uu ka samaysanyahay Maadadda Cacao. In kasta oo ay daraasado kala duwani sheegeen in Shaglaydhku (Chocolate) u fiican yahay dadka wadne xanuunka leh, haddana waxaa jira in cilmi ahaan haddii uu jidhka ku bato uu keeno in ay intooda dabiiciga ah ka balqaan xididdada dhiiggu, taasina ay keento madaxa oo si aad ah dhinac ahaan qofka uga xanuuna.
1. Sonkorta samayska ah:
Caafimaad ahaan waxaa la aaminsan yahay in sonkorta dabiiciga ahi ay leedahay dhibaatooyin aad u badan oo caafimaadk. Si gaar ah sonkorta isticmaalkeeda waxaa looga digaa dadka qaba macaanka. Maadaama oo sonkorta loo diiday dadkan isla markaana macaanku ka mid yahay wax yaabaha aanu aadmuhu ka maarminna waxaa jira sonkor sancaysan oo laga reebay maaddooyinka la aaminsan yahay in ay dhibaato caafimaad leeyihiin, kuwaas oo loogu talogalay in lagu beddesho sonkorta dabiiciga ah, Aspartame iyo Neotame. Khubarada caafimaadku waxa ay ogaadeen in isticmaalka badan ee sonkortani uu keeno madax xanuun dhanjaf ah.