Shantii boqol ee sano ee u dambeeyey adduunka waxaa boqol sano oo kasta dillaacayey fayras aafo ku noqda aadamaha oo inta uu si ba’an u faafo dadku u le’daan. Iyaga oo galaaftay nolosha dad tiradoodu ka badan tahay intii ku dhimatay dagaalladii adduunka ee koowaad iyo labaad.
Sannadkii 1720 kii magaalada Marsiiliya (Marseille) ee dalka Faransiiska waxaa ka dillaacay daacuun la baxay ‘Daacuunkii weynaa’, waxa aanu maalmo yar gudahood ku dilay dad ka badan 100 kun oo qof.
Boqol sano kaddib xanuunkaas hore oo ahayd sannadkii 1820 kii, waxaa dillaacay xanuunka Kelooraha oo dalalka Indooniisiya, Taylaan iyo Filibiin ku dilay dad tiradoodu ka badnayd 100 kun oo qof.
Boqol sano kaddib, oo ahayd sannadkii 1920 kii, nooc ka mid ah Fayraska hargabka sababa oo khatara ah ayaa ka dillaacay dalka Isbayn. Fayraska Isbayn dadka u dhintay tiradoodu waxa ay ka badnayd 100 milyan oo qof. Adduunyaduna waxa ay awoodi weyday in ay joojiso.
Boqol sano kaddib, oo ah sannadkan aynu ku jirno ee 2020 kana waxaa adduunyada ka dillaacay Fayraska weli loo taag la’yahay ee Coronavirus, oo saamayn ku yeeshay dhaqaalihii, bulshadii, diblumaasiyaddii iyo guud ahaan noloshii adduunyada oo dhan.
Fayraskan oo aad u awood badan ayaa uu adduunka oo dhami weli ku mashquulsanyahay sidii dawo loogu heli lahaa.
Coronavirus oo weli tirada dadka uu ku dhacayaa ay kordhayso, inta illaa hadda la ogaaday waxa uu ku dhacay in ka badan 3 milyan iyo badh qof, oo ku dhowaad rubuc milyan ay dhinteen.
Arrinta su’aasha yaabka leh abuurtayna waa lambarka 20 ee qarni kasta oo afartaa qarni ka mid ah ku jiray, oo adduunka ula kowsaday xanuun dad aad u tiro badani u dhintaan.
Arrinta se intaasba ka weyni ee awoodaha Alle awoodaha Alle muujinaysaa waa in Fayras le’eg 150 ka mid ah hal mitir oo hal bilyan oo jeer la qaybiyey (150 Nanometer), in uu khatar ku hayo guud ahaanba noloshii ka jirtay adduunka oo baaxaddiisu dhantahay 550 milyan oo kiiloomitir oo isku wareeg ah.