Warbixin: Weriye Cabdalle Cali Yuusuf
Borama(Geeska)-Dadka shacabka ah ee ku nool Boorama ayaa dareeno kala duduwan ka bixiyay xuska maalinta shaqaalaha Aduunka ee 1da May oo ku beegnayd shalay, munaasabadan ayaa waxa ay ku soo beegantay waqti uu heelka shaqo la’aanta ee Boorama uu aad u sareeyo, isla markaana ay shaqo la’aantu noqotay hanta ka mid ah hantida dad dhalinyaro u badan.
Qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada oo uu weriye Cabdalle Cali Yuusuf, shalay la kulmay ayaa yidhi “ Waa maalin farxad leh, waxa aan hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha Somaliland, waxa aan ku faraxsanahay shaqada aan hayo iyo dareenka fasaxa ah ee shaqaalaha Somaliland”.
Tan mid ka duwan ayuu qabay muwaadin kale oo ay saxaafadu la kulantay waxana uu yidhi “ Dalkeena gaar ahaan Boorama 70% waa bilaa camal dhalintu, sidaasi aawadeed hadii la xuso iyo hadii kale waa isku mid, ma jirto cid ay xiiso gaar ah u samaynayso arintaasi.
Dareenka ku aadan shaqo abuurka iyo shaqo la’aanta ayaa waxa ay si toos ah inta badan u taabtaan dhalinyarada, waxana xaalku uu yahay mid laba ah, dhalintii kal hore ka baxday Jaamacaddahu waxa ay waayo arag u yihiin SHAQO LA’AAN, sidan waxa u sheegay saxaafada arday sanadkii hore jaamacadaha ka soo baxay waxana uu yidhi “ Halsano ayaa laga joogaa markii aan soo qalinjabiyay wax shaqo ahna ma hayo waxa ugu badan ee aan raadiyaana waa shaqo”.
Sidoo kale ardayda sanadkan soo baxaysa ayaa iyaguna qaba dareen salka ku haya walwal, waxana sidan u xaqiijiyay shabakada arday dhigta jaamacadda waxana uu yidhi “ Waxa ugu wayn ee aan ka walwalaa waa shaqo sidaan u heli lahaa, waxa wax badan I sii niyad jabinaya kuwii iga horeeyay oo aan shaqo haynin, waa mushkilad aan habeen iyo maalin ka fikiro”.
Dhinaca kale xildhibaan Cabdiwahaab Bashiir oo ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Boorama ayaa qaba tan mid ka duwan, waxana uu yidhi “ Waa hubaal shaqo la’aan way jirtaa balse sida laga dhigayo ma aha, arintu waa mid laba dhinac ah, ardayda jaamacaddaha ka soo baxaysa waxa loo baahan yahay inay la yimaadaan fikiro ay shaqo ku abuurayaan, anagana waxa waajib naga saaran yahay inaan ku garab galno fikiradaas caafimaadka qaba ee shaqo abuurka, anagu qofwalba oo soo qalinjabiya shaqo ma siin karno, waa in ay dhalintu shaqo abuurka ka qayb qaadataa”.
Dhalinyarada badan ee saxaafada la kulamay eek u nool Boorama ayaa waxa ay ka siman yihiin in shaqalaantu ay ku hagi doonto mushkilad kale oo ah Tahriib, hadii aanay xukuumadu wax ka qaban, waxana ay xukuumada ku dhaliileen sida ay wax u maamulayso, iyaga oo xusay in loo baahan yahay in ay la timaado barnaamijyo ku aadan dhalinta oo shaqo abuuraya.
Si kastaba ha ahaatee, waxa laga joogaa mudo 3 sano ah markii ay dad dhalinyaro u badan ay u codeeyeen xisbiga talada haya ee KULMIYE iyaga oo markaasi ku hamiyay in uu isbedel dhinaca shaqada ah oo ku xardhanaa buugii CAGAARKA ahaa ee Kulmiye ay timaado, balse wali ma dhicin, rajooyinkaasi oo dhana waa kuwo gabaabsi ah, waxana ay u muuqdaan kuwo gabalkoodu sii dhacayo.