Booliska Iyo Guddiga Doorashada Oo Ka Hadlay Dad Lagu Qabtay Kaadhadhka Cod Bixinta Doorashada

24
3190

Hargeysa(Geeska)-Ciidanka booliska Somaliland ayaa soo bandhigay saddex qof oo lagu qabtay iyaga oo ka iibsanaaya magaalada Hargeysa kaadhadhka codaynta ee doorashada, kaadhadhka ay ciidanka booliska haatan shaaciyeen inay saddexdan qof ku qabteen ayaa ah 62 kaadh.

Ciidanka boolis ayaa arintan ku tilmaamay mid horseedi karta nabadgalyo xumo baaxad weyn oo aan haatan loo baahnayn, waxaanay xubnahan sheegeen inay horgayn doonaan maxkamahada dalka. afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis oo dhacdadan faahfaahinaayay waxa uu yidhi“Ciidanka booliska Somaliland waxay shalay gacanta ku soo dhigeen saddex eedaysane oo dumar ah kuwaas oo dadka kaga urursanayey kaadhadhka codbixinta  xaafada Axmed Macalin Haaruun, dadkaasi waxay ku gafeen  xeerka doorashooyinka madaxtooyada ee golaha deegaanka ee Xr Lr 20 kaas oo soo baxay sanadkii 2001-dii, saddexdaas eedaysane waxay dadka danyarta ah kaga urursanayeen kaadhadhka oo ay ku lahaayeen waxaanu idin siinaynaa rubucyo raashin ah iyo biyo, waxaanay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen 62 kaadh oo ah kuwii codbixinta ah iyo saddexdaas eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah xeerka nidaamka doorashooyinka madaxtooyada, Siday sheegeen eedaysanayaashu waxay ka shaqaynayeen xafiis ku yaala degmada Gacan Libaax, waxaanay kala sheegteen inay yihiin gudoomiye, xidhiidhiye iyo xoghayn.”

Afhayeen Faysal Xiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sida oo kale ciidanka boolisku waxay soo qabteen hal nin oo dadka ka diiwaan geliyey xaafada Daami kaas oo aanay ogayn guddida doorashadu, waana dambi, nimanka waxaas samaynayaa waa niman khal khal galinaya amniga qaranka.”

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa isaguna ka digay falal xumayn kara amaanka waxaanu yidhi “Sida aynu ognahay ollolihii doorashadu waa gaba gabo oo waa dhaw yahay, si wanaagsan oo nabad galyo ah  ayaanay ciidanka booliska iyo asxaabtuna uga hawl galay, waxa kale oo inagu soo kordhay khaladaad badan oo keeni karta in nabad galyadu khatar gasho oo ay ka mid tahay kaadhadh la urursanayo oo laga ururinayo dadkii lahaa, taasina nabad galyo xumo weyn ayey keenaysaa.”

Taliye Fooxle oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan idiin sheegayaa cidii lagu qabto arinkaas in sharciga la marin doono oo waliba talaabo adag laga qaadi doono, noocaasina umada masiirkeedii, qaranimadii iyo nabad galyadii ayey baabiinayaan.”

Guddiga doorashada

Geesta kale guddiga doroashada ayaa arrintan ku tilmaamay dhibaato. Guddoomiya guddiga doorashada Mr. Cabdiqadir Iimaan ayaa uga  digay xusbiyada qaranka arrintan, waxaanu u digay sidoo kale cid kasta oo ku lug leh, waxaanu yidhi “Waxa fajiciso nagu noqotay xalay(habeen hore )  oo aanu komishanka xaruntiisa ku shiraynay oo ay noo soo galeen jananadii qaranku lahaa badankoodii iyaga oo noo sida fariin dhiilo ah oo xun oo run ahaantii wax laga xumaado ah inuu xisbi ku kaco, inuu shaqsi ku kaco, inay kooxi ku kacdo inay burburiso astaantii qarankani uu lahaa, waayo kaadhkan lagu codaynayaa waa astaankii qaranka isaga ayaa iska leh oo lacag ayaa kaga baxday 20 milyan oo dolar ka badan, inaan soo gaadhno inaan kaadhkaas helno tacab iyo maskax baa gashay, wadanka oo dhan ayaa loo jeediyay in aynu doorasho xor ah oo xalaal ah qabsano oo hal qof iyo hal cod ah, waxa nasiib daro ah in xalay(Habeen hore ) la qabtay Hargeysa gudaheeda oo aanu is lahayn dadka ugu ilbaxsan ayaaba degan in kaadhadhkii dadka masaakiinta ah laga urursado ee uu xaqa u lahaa ee astaanta qaranka ahayd  oo loo adeegsado sifo sharci daro ah, waxa halkan noogu yimi war sheegaya in dumar xaafad xaafadaha Hargeysa ka mid ah ay iibsanayeen kaadhadh oo sifo sharci daro ah ku iibsaday oo dadkii ka gurtay 62 kaadh oo la qabtay oo gacanta booliska ku jirta maanta inay xisbiyadu waxaas ka waantoobaan miyaanay ahayn, inay taageerayaashooda ka wacyigaliyaan miyaanay ahayn, maanta waxaynu u diyaar garoobaynaa in aynu doorashadaas ku galno in inta ugu badan ee doorashadaas gashaa codkeena,magaceena iyo maamuuskeena iyo tiradeenba badinaysay maanta dadkii haddii laga guro oo la daadiyo oo la gubo aad iyo aad ayaanu komishan ahaan uga xunahay waa arin aanu ka argagaxnay.”

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxaanu farnay ciidanka iyo janankoodaba  in la qabto loona gudbiyo maxkamad  sida ugu dhakhsaha badan, qof kasta oo lagu qabtaana maxkamad ayaanu u gudbinaynaa  waana xadhig adag. qof kasta oo sameeyana ka saamixi mayno sharciga ayaanu gaynaynaa waxuu mutaystana waa uu marayaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here