‘Beyefendi’ Erodgaan: Dabin-Ka-Bood Xariif Ku Ah Xodxodasha Mucaaradkiisa, Oo 14 Doorasho Ku Adkaaday

32
2561

Kamaal Marjaan

Muddadii 15 ka sano ku sinnayd ee uu xukunka hayey, waxa uu hoggaamiyaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ka soo dabbaashay caqabadihii iyo taakooyinkii ugu adkaa ee ka hor iman karayey hoggaamiye loo doortay dal. Waxa ugu yar ee hortaagani waxa uu ahaa in siyaasadda guunka ah ee abid ka soo talinaysay dalkiisu ay tahay mid aanu isagu aragtida ay ku dhisantahay aaminsanayn.

Erdogan muddadii uu siyaasadda Turkiga ku soo jiray waa uu ka soo gudbay caqabado badan, oo ay kow u ahayd in socodbaradkii horeba la xidhay isaga oo markaas uun qabtay xilkiisii ugu horreeyey oo ahaa duqa magaalada Istanbuul, dibadbaxyo badan, oo qaarkood la aaminsan yahay in ay ahaayeen kuwo gacmo shisheeye sii hurinayeen iyo dabinkii u dambeeyey oo ahaa iskudaygii afgembi ee sannadkii 2016 ka oo in la dilaa qorshaha ku jirtay, ayaa uu dhammaantood ka soo dabinbooday.

Erdogan oo aad mooddo in uu waqtiga la baratamayo ayaa si aad u xiise badan uga faa’iideeyey fursadaha soo maray, waxa uu qaaday xayiraadihii ay calmaaniyaddu saartay dhaqannada diinta islaamka, oo ay ugu horreyso in jaamacadaha iyo xafiisyada dawladda dumarka xidhan karaan xijaab. In carruurtu dugsiga ka hor Qur’aanka barato iyo arrimo la mid ah. Dhinaca kalana, waxa uu dhisay kaabeyaashii dhaqaalaha, waxa aanu hirgeliyey isbedello dhaqaale oo horumar xawli ku socda geyeysiiyey dalka.

Tallaabooyinka Erdogan waxa ay soo nooleeyeen ruuxdii iyo ku abtirsigii Islaamka ee dadka Turkiga, oo boqolkiiba ku dhowaad 90 ah muslimiin. Waxa kale oo ay si yaab leh kor ugu soo qaaday hankii muwaadinka Turkiga; waxaa galay qab, waxa aanu xisaabtamay in uu dalkiisu ka mid noqon karo quwadaha caalamiga dhaqaale ahaan iyo cudud ahaan labada, illaa heer kuwo badani u arkaan in ay suurtagal tahay in dib loo soo celiyo kaalintii uu Turkigu dunida ka gaadhay xilligii Cusmaaniyiinta.

Haddii uu waayahaas oo dhan ka soo gudbay iyada oo awoodihiisa maamul ee dastuuriga ahi kooban yihiin, marka loo eego shaqada uu qabta. Maanta waxa uu ku guulaystay in uu mar kale madaxweyne ka noqdo dalka Turkiga oo ku dhaqmaya dastuur cusub oo madaxweynaha siinaya awoodo u sahli kara in uu si buuq yar ku hirgeliyo isbedellada iyo tallaabooyinka maamul, dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu doonayo in uu shanta sano ee soo socda ku hoggaamiyo Turkiga, kaddib markii ay dadkiisa mar kale siiyeen rukhsadda hoggaaminta.

Dadka u dhuundaloola siyaasadda Turkigu waxa ay sheegayaan in madaxweyne awood fulineed lihi ay ahayd riyada uu abidkiiba hiigsanayey mudane Erdogaan, waana sababta uu u galay khamaarka ahaa in xilkiisa oo 18 bilood ka dhiman yihiin uu galo doorasho waqtigeeda laga soo horumariyey, iyada oo ay dad badan oo mucaaradkiisa dibadda iyo gudahaba ahi u arkayeen in uu khamaarkaas ku guuldarraysanayo.

Erdogan waxa uu fure u ahaa isbedello taariikhiga ah oo dalkiisa ka dhacay tan iyo markii xisbigiisu uu talada dalka qabtay, kaddib 79 sano oo uu dalka ka talinayey nidaam calmaani ah, oo xubin kasta oo dawladda ka mid ah gacan bir ah ku hayey. Arrimaha uu taariikhda ku galayana waxaa ka mid ah, in Erdogaan oo ah 64 jir, aan qarsan mabaadii’diisu, aanu abidkii doorasho ku guuldararysan, tan iyo markii uu talada qabtay oo ahayd sannadkii 2003 illaa doorashadii u dambaysay ee toddobaadkan dhacday.

Soo fanashadii masraxa

Xisbiga Erdogan ee AK oo ay isugu tageen rag ahaa ubixii ka dillaacay xisbigii ay kooxaha ‘Calmaaniyaddu’ curdin dhadhisay sannadkii 2001 ee la odhan jiray, ‘Fazilet Partisi’ ayaa noqday sallaankii u dambeeyey ee uu ku gaadhay higsigiisii hoggaamiyenimo ee uu halganka dheer u soo maray.

Rajab Dayib Erdogan oo lagu tilmaami karo iskoris; waxa uu halganka noloshiisa ka soo bilaabay jidadka magaalada Istanbuul oo uu ku iibin jiray cabbitaanka liin dhanaanta iyo quraaca sisinta laga sameeyo oo dalkaas ‘Simit’ looga yaqaanno. Si dakhliga yar ee uga soo baxa uu ugu kabo baahiyaha noloshiisa.

Waxa uu wax ka bartay diinta Islaamka, gaar ahaan Qur’aanka xiftigiisa, waxa kale oo uu shahaadada koowaad ee heerka jaamacadda ku qaatay cilmiga maamulka. Waxa aanu aad u xiisayn jiray ciyaarta kubadda cagta, oo haddii aanu aabihii ka joojin, uu ku sigtay in uu noqdo xiddig u ciyaaraha kooxaha caanka ah ee Turkiga.

Erdogaan waxa uu siyaasadda ku bilaabay da’ aad u yar. ?saga oo gu’ga Lix iyo tobnaad tirsanaya, welina dugsiga sare ku jira ayaa loo doortay guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbigii Badbaadada qaranka, Millî Selâmet Partisi, oo uu hoggaaminayey Najmuddiin Arbakaan, oo ahaa raysalwasaarihii ugu horreeyey ee Islaamiay ee dalkaas hoggaamiya.

In kasta oo xisbiyada uu ku biirayey ee islaamiga ah ay Calmaaniyaddu dagaal kula jirtay, haddana Erdogaan waxa uu ahaa ma daale, marka uu albaab ka xidhmaba, irrid labaad furta. Markii xisbiga badbaadada laga xidhay waxa ay isaga iyo in badan oo taageerayaashii xisbigaa ahaa, mar kale sannadkii 1984 kii isugu yimaaddeen xisbigii Fazilet Partisi’, waxa aanu madax ka noqday laanta xisbigaas ee Istanbuul. Halgankiisa waa uu sii waday oo uu ku guulaystay xildhibaan baarlamaan, doorashadii dhacday 1991kii, laakiin sababo la xidhiidha aragtidiisa Islaamka ayaa nidaamkii Calmaaniyadda ee dalkiisu uu uga hor istaagay in uu ku fadhiisto kursigaas baarlamaanka.

Erdogan waxa uu magac fiican ku helay dhismihii maamul ee uu u dejiyey laantii Istanbuul ee xisbiga. Qaabdhismeedkaas oo markii dambe noqday mid lagaga dayday oo ay xisbiyadii kale oo dhamina u dhiseen laamaha heer gobal iyo magaalo ee xisbiyadooda.

Si ka duwan sida lagu yaqaanno Islaamiyiinta badankooda, Erdogaan muddadii uu madaxa ka ahaa faraca xisbiga ee magaalada Istanbuul waxa uu aad u dhiirrigeliyey, siyaasad ahaanna u xoojiyey in dumarku ay siyaasadda ka qaybgalaan. Qaabdhismeedkaas, dadaalkaas iyo kaalinta uu dumarka siiyey ayaana sabab u noqday in xisbiga Fazilet uu muddo si isdaba joog ah ugu guulaysto sanaaduuqda Istanbuul ee doorashooyinka kala duwan. Erdogaan oo noqday xiddiga siyaasadda Istanbuul waa uu ugu dambayntii sannadkii 1994 kii ku guulaystay doorashadii duqa magaalada Istanbuul.

Dad badan oo kuwa ka soo horjeeda ah ayaa markii uu duqa Istanbuul noqday bilaabay in ay dadka ku cabsi geliyaan in uu magaaladan oo diimaha Kiristaanka iyo Yuhuudduba joogaan uu ku soo rogi doono shareecada Islaamka. In kasta oo uu fasaxay xijaabka oo dumarka loo diiddanaa, gaar ahaan shaqaalaha xafiisyada dawladda, isla markaana uu tallaabooyin kale oo dhinaca diinta ah qaaday, haddana waxa uu dadkii kala duwanaa tusay in uu yahay qofkii ku habboonaa hoggaaminta magaaladan muhiimadda dhaqaale, dhaqan iyo dhuleed leh.

Xabsigii

Muddadii uu ahaa duqa magaalada Istanbuul, dadkii Erdogaan ka soo horjeeday iyo kuwii taageersanaaba waxa ay isku waafaqsanaayeen in uu nadiifiyey magaalada kana dhigay magaalo cagaaran. In uu tayada iyo helidda biyaha iyo laydhka horumariyey, in uu la dagaalamay musuqmaasuq oo siyaasiyiinta Turkiga ee xilligaas badankooda dhaqan u ahaa iyo in uu qabtay hawlo kale oo badan oo magaalada looga bogay, haddana waxaa kooxaha calmaaniyadda ka cadhaysiiyey iskuday uu doonayey in uu iibka khamriga ka joojiyo maqaaxiyaha magaalada.

Sannadkii 1997 kii ayaa Erdogaan khudbad uu fagaare dadweyne isugu soo baxay ka jeediyey waxa uu hadalkiisa ku soo daray tuducyo ka mid ahaa gabay Islaamiya oo calmaaniyadda dalku mamnuucday waxa aanu ku mutaystay xabsi 10 bilood ahaa. “Masaajidda ayaa saldhigyo noo ah .. Qudbiyada ayaa noo ah koofiyad bir ah (kullad), minaaradaha masaajiddu waa warmahayaga, muuminiintuna waa askartayada …” gabaygan oo ay ereyo macnahaas lihi ku jireen ayaa ay dawladdu ku sheegtay in uu yahay qas abuur iyo aragtida calmaaniyadda oo laga horyimi. Erdogaan xukunka xabsiga ah waxaa u dheeraa, in uu qasab ku wareejiyo xilka duqa Istanbuul iyo in siyaasadda laga mamnuuco muddo shan sano ah.

Ugu dambayntii xisbiga AK oo uu Erdogaan hoggaaminayey ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2002, doorashadii dawladaha hoose ee 2004 ayaa uu mar kale xisbigu guul weyn ka gaadhay, kaddib markii uu noqday xisbiga ugu weyn ee 12 magaalo oo ka mid ah 16 ka magaalo ee waaweyn. La soco qayb kale…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here