Brussels (Geeska)- Saynisyahanno ka tirsan jaamacad ka jirta dalka Beljam ayaa ku guulaystay in ay curiyaan aalad tiknoolajiyadeed oo ay sheegeen in ay kaadida dadka u beddelayso biyo saafi ah oo la cabbi karo iyo biyo nafaqaysan oo beeraha lagu waraabin karo.
Aaladdan oo ku shaqaynaysa tamarta qorraxda, farsamo ahaanna loogu talogalay u adkaysiga duruufaha qallafsan ee dhulka qarfaha ah ayaa ay khubaradu sheegeen in ay anfacayso deegaannada miyiga fog ee adeegga bushadu aanu gaadhin iyo dalalka dunida soo koraysa ee aan awoodin in ay si joogto ah dadkoodu u helaan biyo nadiif ah, qalabka korontada iyo shidaalka ku shaqaynayana aan iska bixin karin.
Saynisyahannada aaladdan cusub ikhtiraacay oo ka tirsan jaamacadda faca-weyn ee Ghent oo ah jaamacad dawladdu leedahay oo la aasaasay sannadkii 1817kii, ardayda hadda dhigtaana ka badan yihiin 41 kun oo arday, waxa ay sheegeen in qalabkan cusub ee ay hadda sameeyeen uu u shaqaynayo si aad u fudud oo qof kastaa la qabsan karo. Sebastian Deraz oo cilmibaadhe ka ah jaamacaddan, ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa aanu ku guulaysannay in aanu soo kaadida ka soo saarno biyo nafaqaysan oo beeraha lagu shubo iyo biyo la cabbi karo, annaga oo adeegsanaysa hawl fudud iyo tamarta qorraxda” Sebastian Deraz oo sida ay aaladdani u shaqaynayso sii sharraxaya ayaa intaas ku daray, “Kaadida waxaa lagu ururinayaa taangi weyn, kadib waa la kululaynayaa iyada oo la adeegsanayo kululayso ku shaqaynaysa tamarta qorraxda, oo aaladdan ay sameeyeen ay wadato, kadibna kaadidaas oo kartay ayaa u gudbaysa qayb kale oo uu ku yaallo dahaadh kaadida u kala saaraya qashin iyo biyo”
Cilmibaadhayaasha aaladdan sameeyey ayaa muddo toban maalmood ah jaamacadda Ghent dhexdeeda ugu sameeyey bandhig tijaabo ah oo ay ugu magac dareen, “Cilmiga dartii u kaadi” taas oo qof kasta laga rabo in uu ku kaajo meel loogu talogalay oo ay ku xidhiidhsan yihiin dhuumo kaadida gaadhsiinaya taangiga sifaynta, waxa aana la soo bandhigay biyo kaadidaas laga sifeeyey. Sebastian Deraz oo ka hadlaya qorshahooda samaynta aaladdan kadibna waxa uu yidhi, “Ujeedadu waa in aanu aaladdan meelo kala duwan dhigno, sida garoomada ciyaaraha iyo gegooyinka diyaaradaha, si kaadi badan loo helo. Sidoo kale ujeedadayadu waa in aaladdan la gaadhsiiyo bulshooyinka dalalka soo koraya ee ku nool baadiyaha iyo dhulka qarfaha ah oo ay ku yar yihiin biyaha nadiifta ah ee la cabbo iyo dareeraha loo isticmaalo bacariminta beeraha”