Beeshii Tiknikada Ku Dagaalantay Ceel-afweyn Oo Soo Wareejisay Tigniko Dagaal, Kadib Cadaadis Ay Xukuumadu Saartay

0
852

Ceel-afweyn(Geeska)-Beesha Baho oo ka mid ah labadii beelood ee ku dagaalamaayay deegaanka Ceel-aweyn ayaa si ramsi ah ciidamada qaranku ugu wareejisay sadex gaadhi oo tigniko hubaysan ah, waxaanay sheegeen inay u hogaansamayaan amarka dawlada.

Gaadiidkan dagaal ayaa dagaalkii ugu danbeeyay ee dhex maray labada beelood ee walaalaha la sheegay inuu ka qaybqaatay arintan oo cadho ka abuurtay Somaliland, taas oo keentay inay xuukamada Somaliland cadaadis ku saarto beeshaas inay soo wareejiyaan tignikada ay ku dagaalameen.                                     Ugu horayntii Jiif Qaacil Ibraahim Ismaacil oo ka hadlay hubkan ay ku wareejinayaan xukuumada waxa uu yidhi “ Hubka aanu halkan keenay hadaanu nahay reerka baho la yidhaahdo baabuurtaas aanu keenay waa tigniko anaga ayaa ahayn waxaanu ku iibsanay lacag aan iska gurnay waxaanuna u iibsanay in aanu iskaga ilaalno cadawga Puntlnad inagaga imanaaya Somaliland iyo shacabkeeda umaanu iibsan, waxaanu u iibsanay in aanu iskaga ilaalino cadawga nagaga imanaaya dibada, kaas baanu u biirsanay waana lacag aanu isku darsanay,nin ma lahayn meel xuna waa ay nagaga tiilay,Somaliland hadii ay nagaga dhagtay sadexaas gaadhi tigniko kalena ma haysano sadexdiina waa kuwaas.”                                          Sida oo kale Suldaan Yuusuf Cige  ayaa isaguna waxa uu halkaas ka yidhi   “ Anagu go’aan qadhaadh ayaanu qaadnay inaanu keeno tignikadaas waa nalaga hayaa, waxa kale oo aan halkan ka cadaynayaa dawladii Afweyne beelaha ninba waxbuu ka helay waxii aanu anagu ka helnay waanu dhiibnay waakuwaas ay maanta ciidanka Somaliland wataan, beelaha kale ee walaaladayo qayb ayaa haysta hubkaas hore ee aan wareejinay, waxaanu ku cadaynaynaa in wali ay beeshaas aanu walaalaha nahay gacanta ku hayaan kuna mushahar qaataan.”

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa yidhi “  Waxaanu wareejinaynaa gaadiidkii loo tirinaayay baho inay haystaan oo ay ku dagaalamayaan waanu soo wareejinay waydinkaas indhihiina ku arkaaya, amarka dawlada ayaanu ku keenay kuna wareejinay, sidaas ayaanuna uga amar qaadanaynaa, waxaanu sheegaynaa walaaladayada dirirta yar na dhex martay inaanu nabad ugu baaqayno oo aanu diyaar u nahay cid kasta oo nabadgalyo diyaar u ah waliba aanu ugu baaqayno.”    Taliyaha qaybta sadexaad ciidamada milatariga Ceel-afweyn Gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan ayaa xukuumada u guddoomay tiknikada dagaalka ee ay beeshani soo wareejisay ” Waa xaflad balaadhan beesha baho ee soo wareejisay hubkaas  iyo qoryahaas ay iyagu gacanta ku hayeen aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaynaa, khayr alle haydin siiyo cid kastaana waxa muhiim ah inay             wanaaga ka shaqayso, xukuumada talada haysaana hubkaas ay ku soo wareejisay beesha bahood ee ay ka shaqeeyaan odayaashii ganacsatadii, aqoon yahankii iyo salaadiintii ee ilaa heer wasiirada ah ay ka shaqeeyeen, xukuumada iyo taliska ciidanka ee aan maanta anigu wakiil ka hay taliyaha ciidanka Nuux Ismaacil taani anaguna hubaas si qalbi furan ayaanu idiin kala wareegnay, aad iyo aadna waad u mahadsantihiin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here