“Been Abuur Iyo Dacaayad Shacabka Loo Sheegaa Waa Mid Aan Cidna Waxba U Tarayn”

0
630

Picture3Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa si adag uga uga hadlay hadalo muddooyinkii danbe laga faafiyey oo ku saabsanaa in uu kulan qarsoodi ah la qaaday madaxweynaha dawlada Somaliya Md.Xasan Sh.Maxamuud. iyo sida oo kale in uu warqad uu ku taageeraayo qaadashada nidaamka faderaalka ah u diray dawlada Finland, waxaana uu wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur cad ah iyo sida oo kale dacaayado mar marsiiyo loogu doonaayo sidii xukuumadu ay muddo kordhin u samaysan lahayd, isaga oo sida oo kalena carabka ku adkeeyey in dacaayadaha noocan oo kale ah ee ay yihiin kuwo aan sii raagayn isla mar ahaantaana aan cidna u fiicnayn in dacaayadaha noocan oo kale ah laga faafiyo, waxaana kale oo uu sheegay in xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu diyaar u yahay doorashooyin ku qabsooma si xor iyo xalaan ah.

Md.Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa hadalkan ka sheegay qoraal kooban oo ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Interner-ka, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in dacaayadaha noocan oo kale ah ay yihiin kuwo gef ku ah caqliga iyo garaadka shacbiga reer Somaliland isla mar ahaantaana la doonayo in laga dhaadhiciyo waxyaabo been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

“Been-abuur kasta & Dacaayado loo sheego Shacabka Qiimaha leh ee Somaliland waa qaar aan Cidna wax u tarayn, siina raagayn. hadii lays leeyahay Dacaayado ayaa Shacab wax lagaga dhaadhicinayaa ama lagu soo jiidanayaa, taasi waa mid gaf ku ah Caqliga & Garaadka Shacabkeena. Shacabkeenu wuxuu usoo joogay waqtiyo doorashooyin oo badan iyo Xisbiyo aan Kalsooni badan ku qabin Codka Shacabka.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro). Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Waddani uu mar walba ixtiraamayo axsaabta iyo guud ahaanba mas’uuliyiinta qaranka Somaliland, waxaana uu dhayda ka cadeeyey in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay sida uu sheega doorashooyin aan xag-xagasho lahayn oo u qabsooma si xor iyo xalaal ah. :“Xisbiga WADDANI wuxuu markasta ixtiraamayaa dhamaan Axsaabta Qaran & Masuuliyiiinta Qaran dhamaantood, Waxaanuna diyaar u nahay Doorasho Xor oo Xalaal ah oo aan Xagxagasho lahayn.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).