Basaasidda Dadka Lagu Daba Jiro Iyo Qalabyada Casriga Ah

0
1658

Turjumaddii: Kamaal A. Cali

 

Qarniga 21-naad waxaa dunida sirdoonka ku soo kordhay tabo cusub oo loo adeegsado dagaalka lagu hayo ururrada Islaamiga ah, waxaa ka mid ah:

– Basaasidda xidhiidhada isgaadhsiinta: Basaasidda noocan ah waxaa ugu horreeya in la dhegeysto talefannada laga dirayo goobaha lagu tuhmayo in ay ururradani awood ku leeyihiin ama laga maleegi karo colaad ka dhan ah Maraykanka, waxaa sida oo kale uu sirdoonku haystaa lambarro dad iyo ururro gaar ahi isticmaalaan oo uu joogto u dhegeysto.

Si dhegeysiga talefannadu u guulaysto waxa uu sirdoonka Maraykanku sameeyey qaamuus aad u weyn oo uu ku ururiyey ereyada ay tahay in la dhegeysto soo hadal qaadkooda. Tusaale ahaan haddii talefannadan la dhegeysanayo laga maqlo ereyada, ‘Islaam, Xarakada, Qur’aan, Muxammed (SCW), Jihaad, Fiqi, Siiro, Xadiis… iwm waxa uu sirdoonku markaba bilaabayaa in uu raadiyo cidda talefanka ereyadaas laga maqlay isticmaalaysay iyo cidda ay la hadlaysay waxa aana lagu samaynayaa dabagal dheer oo lagaga gungaadho niyadda iyo shaqada runta ah ee ay ciddaasi leedahay.’ Waxaa iyaguna jira magacyo dad gaar ahi leeyihiin oo talefannada la isu dirayo haddii laga maqlo, markaba sirdoonku u aqoonsado in ay cid cadow ahi talefankaa isticmaalayso, sidaa awgeed dabagal dheer lagu sameeyo, waxaa magacyadaas ka mid ah, ‘Ibnu Taymiyah, Xasan Al-Bannaa, Al-Akhwaan Al-muslimuun, Jamaacatu Jihaad, Al-Jamaacatul-Islaamiya, Usaama, Sheekha, Digtoorka,  Al-Qaacida…” iyo magacyada ururrada islaamiga ah ee hadba halka lagu jihaysan yahay ka hawlgala.

Waxa uu sirdoonku samaystay qalab casri ah oo awood u leh tirinta iyo ugaadhsiga kelmadaha marka hore la baro. Waxa uu tiriyaa inta jeer ee labada qof ee wada hadlayaa kelmadahan la raadinayo isticmaaleen iyo midkooda aad u isticmaalay. Kadib cajaladaha iyo waraaqaha uu ku diiwaangeliyo mishiinkan waxaa loo dhiibaa khubaro farsamo oo ku xeeldheer arrimahan. Xeeldheerayaasha xogtan mishiinku duubay loo gudbinayaa waxa ay ka tirsan yihiin sirdoonka, waxa aanay ka kooban yihiin tobannaan isugu jira farsamayaqaanno, gorfeeyeyaal iyo turjumaanno.

Farsamadan uu sirdoonku ku ugaadhsanayo ereyada iyo kelmadaha dadka xidhiidhayaa ay isticmaalaan kuma koobna talefannada ee waxa kale oo uu sirdoonku dhexgalaa oo la socdaa xidhiidhada dhinaca internet ka ee qoraal ama cod la isugu dirayo.

– Basaasidda codadka: Habka labaad ee uu sirdoonka Maryakanku u maro dabagalka ururrada iyo shakhsiyaadka Islaamiga ahi, waa in kombiyuutar sirdoon oo loogu talogalay garashada codadka lagu sii duubo codadka dad gaar ah oo lagu daba jiro, gaar ahaan dadka jihaadiyiinta ah ama loo tirinayo in ay xidhiidh la leeyihiin ama dhaqaalaha ka kaabaan, iyo guud ahaan dadka lagu dabajiro. Kombiyuutarkan casriga ah waxaa la barayaa curiyeyaasha codka dadka lagu daba jiro iyo baadi soco dhawaqooda, kadib waxaa lagu xidhayaa dhammaan talefannada ka baxaya ama soo gelaya deegaanka ama dalka qalabkaas lagu waajahay. Waxa uu Kombiyuutarkani awood yaab leh u leeyahay in marka codkii la baray uu talefan ku hadlo, lambarka iyo talefanka uu doono ha isticmaalo ee, in uu duubo codkaas iyo hadalladaas qofkaas iyo qofka la hadlayaa is weydaarsanayaan.

Waxa ay arrintani meesha ka saaraysaa in qofka la raadinayaa ku baxsado talefanno kala duwan oo uu isticmaalo, meelaha sida aadka ah uu sirdoonka Maraykanku ugu isticmaalay qalabkan waxaa ka mid ah Afqaanistaan, Baakistaan. Jeejniya, Boosniya iyo gobalka Wasiiristaan ee dalka Baakistaan.

– Dabagalka Afka: Habka saddexaad ee sirdoonku u adeegsado la socoshada xidhiidhada uu samaynayo qofka lagu daba jiraa waa in kombiyuutarka sirdoonka lagu xidho talefannada degmada ama dalka ka baxaya oo dhan, kadibna loo sheego in uu qabto qof kasta oo ku hadlaya luuqadda hadba loo diro. Tusaale ahaan haddii la doonayo in la dhegeysto xagjirka Carabta ah ee ka hawlgala Soomaaliya, waxaa mishiinkan loo sheegayaa in uu qabto cod kasta oo Afcarabi ku hadlaya.

Habkani waxa uu aad uga shaqaynayaa goobaha cidda la raadinayaa ay ku hadasho af ka duwan afka dadka dalku ku hadlaan.

– Basaasidda talefannada gacanta: Markii isticmaalka talefannada gacantu uu dunida ku faafay oo ahayd intii ka dambaysay sannadkii 1990-kii, waxa ay bilowgii hore dadku aamineen in aanay suurtogal ahayn in la dhegeysto talefannadan aan xadhiga lahayn ee ku xidhiidhaya fallaadho hawada maraya hawada, waxa ay aqoonta dadku is-tustay in maadaama oo nidaamka GSM ay isticmaalayaan ay adag tahay in codkooda la duubo. Run bay ahayd in bilowgii xaalku ku adkaa qolyaha xiisaynayey in ay talefannada dadka dhegeystaan oo wakaaladaha sirdoonka ah, laakiin dadka fahamsan ama la socday tiknoolajiyadda dunida waxa aanu shaki ku jirin in ay imanayso maalin si sahal ah loo dhegeysan karo isgaadhsiintan, waana ay timid.

CIA waxa ay markiiba qaadday tallaabo ay xal u arkaysay, oo ahayd in shirkadaha soo saaraya madaxyada talefannada gacanta ay ku qasabto in ay samayska talefanka ku daraan kaadhadh aad u yaryar oo ku dhisan madaxa talefanka awoodna u leh in marka qofku uu ku hadlayo talefanka ay ishaarooyin la dhegeysan karo u diraan cidda ku daba jirta oo qalabkii qaabili lahaa signalladaas haysata. Fikirkani waa uu shaqeeyey oo muddo ayaa ay sirdoonnada u suurtogashay in iyaga oo habkan adeegsanaya ay dhegeystaan talefannada gacanta, laakiin muddadaasba waxaa socday muran iyo doodo sharci oo la xidhiidha ogolaanshiyaha ay shirkadaha talefannada gacanta sameeyaa ogolaadeen in ay qalabkan sirdoon ku rakibaan madaxyada ay soo saarayaan. Goor dooddani xoog badan tahay, shirkado badan oo talefannada soo saaraana ka gaws-adaygeen in ay qalabkan yar ku dhejiyaan talefannadooda iyaga oo u tudhaya suuqooda awgeed, ayaa uu xaalku mar keliya is beddelay.

Warwarkii sirdoonku ka qabay dhegeysiga talefannadan casriga ah ee gacanta lagu qaadanayo waxaa bogsiiyey shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Rode Schwarz, kadib markii ay samaysay qalab cusub oo ay u bixisay IMSI-Catcher. Waa xarfo laga soo gaabsaday ereyo afka ingiriisiga ah oo noqonaya, ‘Internetional Mobile Subscriber identity’ kadibna la raaciyey kelmadda Catcher oo macnaheedu yahay ‘Qabte’ isku darka magaca qalabkan waxa aynu ku macnayn karno ‘qabtaha (Qalabka qabanaya) Aqoonsiga adeegsadeyaasha talefannada gacanta ee caalamiga ah’ Sida magacaba ka muuqata waxa uu adeeggan IMSI suurtogelinayaa in la garto xogta ku qoran cidda talefanka lagu daba jiro isticmaalaysa iyo in si dhib yar loola socon karo xidhiidhadiisa gudaha iyo dibadda labadaba. Waxa yaab leh in adeeggan cusubi uu ku samaysan yahay kaadhka SIM Card ka loo yaqaanno ee talefanka loo isticmaalayo (Lambarka).

Sida caadiga ah marka aad gaadhka iibsato inta madaxa talefanka gacanta (Mobile) gelaysa waxa aad ku dhex arkaysaa lambarro ku qoran oo inta badan 14 lambar ah, kuwaas ayaa ah kuwa u taagan ee uu akhriyayo nidaamka ama kombiyuutarka talefanka lagu dabagelayo. Lambarkani waxa uu ku jiraa nidaamka shirkadda, waxa aanu suurtogelinaya in la soo gudo geli karo si xogta qofka isticmaalaya loo helo.

Sida oo kale qalabka dhegeysiga ee sirdoonku waxa uu awood u leeyahay in marka uu aqoonsado talefanka gacanta ee laga hadlayo isaga oo adeegsanaya nidaamka aynu soo xusnay uu markiiba helo dhammaan hirarka cod ee ka soo baxaya talefankan, kadibna uu cod la maqli karo u beddelo.

Sirdoonka Jarmalka oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyey ee ka faa’idaystay nidaamkan cusub oo aan koobnaanayn in uu dhexgalo hadallada la isku weydaarsanayo talefannada gacanta, balse uu sida oo kale ku guulaystay in uu garto halka ay kala joogaan labada qof ee wada hadlayaa, waxa kale oo uu sameeyey qalab casriya oo awood u siinaya in uu sirdoonku qofka la isticmaali karo sameecadda talefankiisa gacanta. Sida caadiga ah talefanka gacantu waxa uu leeyahay sameecad ah tan codka qaadaysa isla markaana qofka soo gaadhsiinaysa codka qofka uu la hadlayo, laakiin qalabkan sirdoon ee cusubi waxa uu keenayaa in hadalkii uu qofku yidhi aanu gaadhin qofka uu la hadlayo oo keliya balse uu sida oo kale isku mar si isku mid ah codka ugu diro qofkii iyo mishiinka ay adeegsanayaan sirdoonku, dhinaca kalana codkii ay sameecaddu soo qaadaysay ayaa ay sidan labada dhinacba mar ugu wada diraysaa.

Nidaamkan casriga ah ee Jarmalku bilaabay waxa uu markiiba u gudbay wakaaladda Aminga Qaranka ee Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA iyo wakaaladda sirdoonka dibadda ee CIA.

Horumarkan farsamo ee uu sirdoonku gaadhay waxa uu aftaxii horeba sahayday hoggaamiyeyaal muddo sirdoonno kala duwani ku daba jireen oo haatan la helay xeelad lagu khaarajin karo. Waxaa ka mid ah oo uu qalabkan cusubi sababay dilkii markii hore lala wada yaabay ee lagu khaarajiyey halyeeygii reer Falastiin, Yaxye Cayaash oo muddo dheer ay MOSSAD dili kari weyday iyo madaxweynihii Jeejniya Daa’uudayeef oo uu Ruushku dilay. Labadan masuulba dilkooda waxaa loo isticmaalay talefankoodii gacanta oo lagu qarxiyey iyada oo la adeegsanayo farsamada aynu soo sheegnay. Waxa kale oo uu habkan casriga ahi sabab u noqday in dawladda Turkigu ay gacanta ku dhigto hoggaamiyaha Kurdiyiinta gooni-goosadka ahaa oo muddo dheer sirdoonka Turkigu raadinayey, kadib markii talefanka gacanta oo uu ku hadlay xilli uu ku socday shir ay Kurdiyiinta baarlamaannada Yurub ku jiraa isugu imanayeen. Cabdallah Ojlaan waxa uu hadalkaas talefankiisu sirdoonka Turkiga u sahlay in ay gartaan halka uu joogo, waxa aanay taasi sabab u noqotay in hawada sare lagu afduubo oo isaga oo indhaha ka xidhan Turkiga laga soo dejiyo.

In talefanka gacantu uu galaaftay Cabdalla Ojlaan waxaa sii fashiliyey, wasiirkii arrimaha dibadda ee Giriigga oo markii uu sirdoonka Turkigu afduubeen Cabdalla Ojlaan isaga oo cadhaysan yidhi, “Imisa jeer ayaa aanu doqonka xun (Ojlaan ayaa uu u jeedaa) u sheegnay in aanu talefankiisa gacanta isticmaalin”

– Fallaadhaha (Laysar): Hababka kale ee casriga ah ee ay sirdoonnadu u adeegsadaan dhegeysiga cidda ay ku daba jiraan waxaa ka mid ah codbaahiyeyaasha laysarka leh oo illaa maanta ah qalabka ay sirdoonnadu ku dhegeystaan sheekada iyo wada hadalka ka dhex dhaca qolalka xidhan. Fallaadhaha laysarka ayaa daaqadda ama meel kale oo dalool leh laga soo gelinayaa qolka ay ku shirayaan ama sheekaysanayaan dadka dadka lagu daba jiraa.

Fallaadhahaasi marka ay gudaha u galaan qolka waxa ay samaynayaan falcelin dib ugu soo noqonaysa halkii ay ka baxeen iyaga oo sida hirar suurtogelinaya in hadalku uu ka soo gudbo daaqadaha quraaradda ah ee qolka iyada oo aan la furin. Hirarkaas ayaa la duubaa kadibna iyada oo tiknoolajiyad la adeegsanayo dib loogu beddelaa codkii ay sideen ee dadkii qolka dhexdiisa ku sheekaysanayey oo weliba si saafi ah loo maqli karo.

Arrinta yaabka leh ee fallaadhahan laysarku suurtogelinayaan ayaa ah in marka codka ay soo duubayaan ay u dheertahay in ay sheegayaan qalab kasta oo electarooni ah oo qolka gudhiisa yaalla.

– Qalabka TX: Waxaa isna jira qalab kale oo casri ah oo lagu magacaabo TX. Markii qalabkan cusub la hal-abuuray waxa uu meesha ka saaray baahidii ay sirdoonnadu u qabeen in talefannada gacanta lagu rakibo kaadh yar oo suurtogelinaya in la dhegeysto. Qalabka cusub ee TX waxa uu suurtogelinayaa in iyada oo meel aad u durugsan la joogo haddana si sahal ah loo dhexgeli karo talefanka gacanta ee qofka la doonayo, isaga iyo cid kale midna iyaga oo aan dareemin in talefankaas la dhegeysanayo ayaa ay sirdoonku si sahal ah u dhegeysanayaan.

Qalabka TX waxa kale oo uu awood u leeyahay in talefanka gacanta ee guriga yaallaa uu isu beddelo qalab war-lalis oo talefannada iyo xitaa sheekada caadiga ah ee qolkaas dhexdiisa ka socota u diraya wakaaladda sirdoonka ee isticmaalaysay TX ka. Marka aanu talefanka gacantu shaqaynayn qalabka TX waxa uu awood u leeyahay in uu kordhiyo hirarka talefanka ee daciifka noqonaya marka aan la adeegsanayn si ay u suurtogasho in uu diro xogta looga baahan yahay.

– Qalinka basaasiinta: Qalabka kale ee casriga ah ee ku soo kordhay dunida sirdoonku waa qalab codka duubaya oo jeebka la gashanayo, waa mishiin yar oo u eeg sanduuq uu qalin ku jiro, marka qalinka la’ soo saaro iyada oo la iska dhigayo in wax la qorayo, ayaa uu durbadaba bilaabayaa in uu codka goobtaas ka jira oo dhan duubo, marka qalinka halkiisa lagu celinaya waa uu demeyaa qalabkaasi.

Qalabkan oo aad loo casriyeeyey ayaa muddooyinkan dambe ay basaasiintu ugu isticmaal badan yihiin, waxa aanay ku doorteen tayada codka uu duubayo, isticmaalkiisa oo fudud, culays la’aantiisa uu jeebka sida qalinka caadiga ah ugu jirayo iyo isaga oo aan u baahnayn in qofka afkiisa lagu dhoweeyo oo awood u leh in isaga oo jiibka iskaga jira uu si tayo leh codka qofka u duubo.

– Kamaradaha qarsoon: Waxa sida oo kale jira kamarado lagu soo koobay isha wax duubaysa oo keliya, kuwaas oo awood u leh in ay sawirro tayo leh qaadaan kadibna u diraan xarun dhexe oo uu yaallo kombiyuutar ay ku xidhan yihiin, inta badan kamaradahan waxaa si qarsoodi ah loogu dhejiyaa kombiyuutarrada, muraayadda talefishanka, marwaxadaha qolka ku xidhan iyo saacadaha gidaarka lagu dhejiyo.

Janaraal Caydiid iyo baadi-goobkii CIA

 

Janaraalkii Soomaaliyeed ee Maxamed Faarax Caydiid oo dagaal qadhaadh ciidamada Maraykanka kula galay sakadaha magaalada Muqdisho, kuna guulaystay in uu diyaarado dagaal ka soo rido iyo in uu maalin keliya 18 askari oo Maraykan ah ku dilo dagaal fool ka fool ah oo ay ciidamada Maraykanka iyo maleeshiyadiisii hubaysnayd iskaga hor yimaaddeen Muqdisho, ayaa ka mid ah dadka ku guulaystay in ay ka qarsoomaan sirdoonka Maraykanka iyo qalabkiisa casriga ah.

Maraykanku waxa uu Janaraal Caydiid madaxiisa saaray lacag ciddii geeri iyo nolol keenta, laakiin muddo dheer oo la raadinayey kadib ugu dambayntii ciidamada Maraykanku waxa ay ka baxeen Soomaaliya iyaga oo aan weli helin wax dhibaato ahna gaadhsiin Janaraal Caydiid.

Haddaba baadhitaannada sirdoon iyo daraasaynta lagu sameeyey dhacdadan waxaa laga fahmay in mid ka mid ah sababa ugu waaweyn ee Janaraal Caydiid u suurtogeliyey baxsigu ay ahayd isaga oo ka badbaaday noocan sirdoon ee aynu qormadan kaga sheekaynaynay oo ah basaasidda iyo dhegeysiga talefannada iyo xidhiidhada kala duwan ee qofka ama ururka la raadinayaa adeegsanayo.

Dhammaan hay’adihii sirdoon ee Maraykanka iyo dalalkii kale ee xilligaas Soomaaliya ciidamadoodu joogeen waxa ay ku guuldarraysteen in ay helaan raadka Janaraalka, sababtuna waa in aanu isticmaali jirin talefanka gacanta iyo guud ahaan qalabka tiknoolajiyadda oo xilligaas aan Soomaaliya ka jirinba.

Arrintani waxa ay farriin cad u noqotay cid kasta oo ay sirdoonnada caalamiga ah is hayeen, waayo waxa ay ku baraarugeen in haddii ay ka dheeraadaan isticmaalka talefannada gacanta, internet ka iyo guud ahaan qalabka isgaadhsiinta ee casriga ah ay u dhowdahay in ay sirdoonka muddo dheer ku qaadato in ay helaan halka uu rasmi ahaan joogo, waayo sida keliya ee ay markaas adeegsan karaan ayaa ah habkii soo-jireenka ahaa ee basaasiinta caadiga ah la adeegsan jiray.