Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Qaybta: 7aad)

0
1162

Inkasta Oo Uu Duruufo Saboolnimo Oo Adag Ku Jiray, Haddana Waxa Uu Ku Guulaystay In Uu Deegaankiisii Waxbarasho U Bilaabo

Inta badan hayaanka waxbarashada oo daal iyo kharashba uu qofku u maraa. Waxa uu dhalinyarada ku beeraa dareen ah in sida keliya ee ay ku illaawi karaan ay tahay, dhammaadka waxbarashada kaddib ay raadsadaan shaqo mushahar ka helaan. Marar badanna waxaaba dhacda in saboolnimadu ay qofka ka reebto tareenka waxbarashada kuna kallifto in uu yaran ku shaqo tago.

Xasan Macyuuf oo ka mid ahaa ardaydii sannadkan dhammaysatay waxbarashada dugsiyada sare ee dalka Ciraaq, isagu jidkaas waa uu ka baydhay. Xasan oo qoyskiisu ka soo jeedo tuulo aad u sabool ah oo ku taalla Koonfurta dalka Ciraaq waxa uu go’aansaday in midhaha koowaad ee waxbarashadiisa uu u huro ubadka deegaankiisa ee saboolnimada iyo dhulka ay deggen yihiin oo ka fog magaalooyinku, sababta u noqdeen waxbarasho la’aantooda.

Xasan inkasta oo uu qudhiisu saboolnimo ku soo barbaaray duruufo aad u adagina ay ku xeernaayeen waxbarashadiisa, haddana waxa uu dadaalkiisa ku gaadhay in uu waxbarashadii dhammaysto oo weliba uu imtixaankii dhammaadka dugsiga sare noqdo, ardayga ugu sarreeya dalka Ciraaq oo dhan.

Xasan qoyskiisa saboolka ah ayaa uu kula noolyahay guri xaaladdiisu aad u liidato, oo dugsiga sare ee uu wax ka baranayey u jira 11 kiilmoomitir. Inkasta oo uu marar badan isticmaali jiray baaskiil, haddana marar kalaba duruufuhu waxa ay ku kallifi jireen in uu lugtiisa ku yimaaddo dugsiga, gaar ahaan maalmaha roobku jiro ama cimiladu xuntahay ee aanu baaskiilku socon karin, ama cilladi kaga timaaddo baaskiilka.

Buugaag badan ma’ uu haysan oo inta uu dhaqaale ahaan awoodayo ayaa koobnaa, shandada uu ku gurtaana waxa ay ahayd bacda badeecadaha yaryar ee suuqa lagu rito. Gurigu ma’ uu lahayn laydh uu habeenkii duruusta ku akhristo, sidaa awgeed waxaa ilays uu wax ku akhristo u ahaa faynuus yar oo guriga ka dhexeeyey.

Duruufahaas oo dhami haddana guusha kama ay hor istaagin oo Xasan waxa uu natiijadii kama dambaysta ahayd ee imtixaanka dhammaadka dugsiga sare keenay boqolkiiba 99.86.

Dhibcaha uu keenay oo markii la shaaciyey dadka badankooda ka yaabiyey, waxaa dareenka dad badan si gaar ah u taabtay duruufaha ku xeernaa wiilkan yar, ee haddana aan caqabadda ku noqon waxbarashadiisa. Arrintaas ayaa sababtay in Xasan uu hadyado kala duwan ka helo dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dugsiga, waalidka, hay’ado madax bannaan iyo kuwo dawladeed, shirkado ganacsi iyo dadyow kala duwan.

Xasan waxa uu helay hadyado inta maaliyadda noqotay ay gaadhay 50 Milyan oo lacagta Diinaarka ee dalka Ciraaq ah.

Waxa kale oo kastabaa ha laga fisho, laakiin cidina isma ay lahayn wiilkan da’da yare e nolosha saboolnimo ku soo koray, ayaa lacagta sidaas u badan isaga oo aan naftiisa waxba ka siin u hibayn doona hawl samafal.

Waxa uulacagtan dusgi waxbarasho kaga dhisay tuulaha uu ku soo barbaaray oo uu niyadda ku hayey dhibaatadii waxbarasho la’aaneed ee ka jirtay iyo sida ay jaahilnimadu u dhaawacday horumar iyo tallaabo kasta oo wanaagsan oo ay qaadi lahaayeen. Waxa uu go’aansaday in carruurta tuulihiisu aanay waxbarashada u marin silicii isagu maray, in aanay kiiloomitirro u lugayn waxbarashada ee ay iyaga oo gurigooda ka soo kacay daqiiqado kaddib yimaaddaan.

Tallaabada uu Xasan qaaday waxa ay horseedday in samafalayaal tiro badan ay xiiseeyaan inay ka caawiyaan dhammaystirka dugsigaas iyo in weliba hawlgelintiisa. Xasan waa isbeddel dhaliye da’yar oo tallaabo uu qaaday oo bilowgii ay dad badani ka biyo diideen, ku helay magac iyo xurmo. Dhammaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here