Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Qaybta: 2aad)

0
279
  1. Candy Lightner: 34 sano jir sabab u noqotay in dunida laga mamnuuco in darawal sakhraansani gaadhi wado:

Candy Lightner oo dhalatay 1946 kii iyada oo 34 sano jir ah waxa ay aasaastay mid ka mid ah urur aad u awood badan oo u ololeeya sidii dalka Maraykanka looga soo saari lahaa sahrci mamnuucaya in dumarka hooyooyinka ahi ay babuurta kaxeeyaan iyaga oo sakhraansan.

Candy aabaheed waxa uu ahaa askari ka tirsan ciidamada cirka ee Maraykanka, hooyadeedna waxa ay ka mid ahayd shaqaalaha rayidka ah ee isla milateriga.

Markan ay qisadeeda isbeddel doon bilaabatay waxa ay hooyo dhashay saddex carruur ah oo laba hablood mataano yihiin, oo ku noolayd gobalka California ee dalkaas Maraykanka.

Sannadkii 1980 kii, ayaa mid ka mid ah labada hablood ee mataanaha ah oo 13 sano jir ahaa, waxaa jiidhay gaadhi uu waday darawal sakhraansani. Isla goobtii shilka ayaanay ku dhimatay.

Candy waxa ay baadhistii bilaysku ku sameeyey shilkan ka ogaatay in darawalkan inanteeda dilay, marar horena loo xidhay dembiyo uu galay isaga oo gaadhiga sakhrad ku wada, laakiin inta la xidhay muddo gaaban kaddibna la iska sii daayey. Sarkaal bilayska ka tirsanaa oo ay waraysatayna waxa uu u sheegay in la xidhi doono, laakiin aanay ciqaabtiisu aad u badnayn.

Shilkan oo ay Candy aad uga murugootay waxa uu ku abuuray dareen loo aayey oo ahaa in ay ka shaqayso sidii dalka looga mamnuuci lahaa in darawal sakhraansani uu gaadhi kaxeeyo.

Candy waxa ay abaabushay urur bulsho oo ay u bixisay hooyooyinka ka soo horjeeda gaadhi kaxaynta sakhraanka (Mothers against Drunk Driving). Waxa aanu ururkaasi abaabulay ololeyaal wacyigelineed oo aad u waaweyn, kuwaas oo ay dadka ku baraarujinayso dhibaatadan, kuna dhiirrigelinayso in arrintan laga soo saaro sharciyo aad u adag.

Sannadkii 1984 kii ayaa uu madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Ronald Reagan oo dareemay culayska ol’olahani waxa uu magacaabay guddi qaran oo arrintan baadhis ku samaysa kana soo tala bixisa, waxa aanu guddidaas ku daray hooyo Candy. Ugu dambayntii dadaalkaas Candy waxa uu sababay in la soo saaro sharciga mamnuucaya in qof sakhraansani uu gaadhi kaxeeyo.

Lakaiin Candy intaas kuma ay joogsan ee waa ay sii wadday ol’olihii ururkiina waxa ay ka dhigtay urur caalamiya oo xubno kala duwan ku yeeshay dalalka adduunka. Mar ay talefishanka CNN waraysi siisay Candy waxa ay sheegtay in xubnaha adduunka ku filqan ee ururkeedu ay saddexdii sano ee u horreeyeyba gaadheen laba milyan. Waxa aanu dadaalkeeda oo adduunka oo dhan ku faafay qasbay in dalalka aanu khamrigu sidiisa ugu mamnuuca ahayni ay shuruucda wadda maristooda ku daraan in aanu qof khamri cabsani gaadhi kaxayn karin.

  1. Maxamed Albu-Casiis: 26 jirkii noqday wadkii madaxda Carabta

Maxamed Albu-Casiis, waxa uu ka dhashay qoys danyar oo ka kooban 9 ruux, oo midkood naafo yahay. Aabihii waxa uu ahaa danyar muruqmaalnimo kaga shaqaysta dalka Liibiya, laakiin qaddarku kuma uu simin oo markii uu saddex sano oo keliay jiray ayaa uu dhintay.

Maxamed waxa uu waxbarashada ku soo dhigtay duruuf aad u adag, iyo dugsiyada ay danyartu wax ka barato. Illaa toban jir maalintii uu noqdayna waxa uu waxbarashada dhinac waday in uu u shaqeeyo soo saarista biilka qoyska, waayo adeerkii oo hooyadii dumaalay ayaa noqday bukaan aan shaqo awoodin. Markii dakhligii uu soo saarayey uu ku filnaan waayey waxa uu ku qasbanaaday in uu waxbarashada iskaga tago, si uu u helo saacado badan oo uu shaqeeyo. Inkasta oo ay warbaahintu aad u faafisay in uu waxbarasho jaamacadeed dhammaystay, haddana wargeyska Gulf news waxa uu ka soo xigtay walaashii Saamiya in aanay duruufuhu u saamixin in uu xitaa dugsiga sare dhammaysto.

Maxamed waxa uu shaqo ka waayey hay’ado kala duwanaa oo dawladda dalkiisa ah, kuwaas oo uu filayey in heerkiisa aqooneed ku filnaa in laga shaqaalaysiiyo, laakiin sifo aanu ku qancin qoysku ayaa uu ku waayey shaqooyinkaas.

Maxamed ugu dambayntii waxa uu bilaabay in uu iskii u ganacsado, waxa aanu suuqa khudradda ee magaalada Sayidi Buu-Sayid dhex dhigtay miis uu ku iibiyo khudradda cagaaran iyo midhaha. Sida ay qosykiisu sheegeen bishii dakhligiisu waxa uu ahaa $140, oo qoysku biil ka dhigto.

Nasiibdarro waxa ay dhibaato weyni kala haystay maxamed Albu-Casiis iyo dawladda hoose oo si joogto ah si ay jidadka u furto miisaska uga burburin jirtay dhalinyarada uu ku jiro ee jidadka hareerihiisa ku ganacsada, marar badanna ka kaba qaadi jirtay miiska ay alaabtu u saarantahay.

Arrintan oo khasaare joogto ah ku haysay, ciil badanna badday ayaa ugu dambayntii sababtay in uu maalin jimce oo bisha Diisambar 17 ahayd, sannadkii 2010 kii, dab isku hor qabadsiiyo xarunta degmada. Kaddib markii uu si aad ah uga cadhooday dawladda hoose oo kala wareegtay kaariyoon uu khudradda ku dul iibin jiray, iyo bilayska oo isagii dhibnaha ahaa dhib u geystay,

Qoyskiisu waxa ay sheegeen in iibsashada kaariyoonkaasi ay sannado badan ku qaadatay Maxamed, sidaa awgeed ay ku adkayd in uu ka hadhaa. Bilayska oo uu ashkato ugu tegey ayaa waxba ka dhegeysan waayey, weliba mid ka mid ah saraakiishii bilayska ee uu cabashada u sheeganayey oo ahayd gabadh lagu magacaabo Faadiya Xamdi ayaa si badheedh ah dadka hortiisa ugu dhirbaaxday iyada oo afka Faransiiska oo dalkaas aad loogaga hadlo ku tidhi, ‘Degage’ oo macnaheedu yahay, ‘Tag’. Waana kelmadda illaa maanta hal-ku-dhegga u noqotay dadyowga carbeed ee gadoodka kala hortegey madaxdooda xilka ku dhegta.

Isla maalintii uu Maxamed isgubay waxaa cirka isku shareertay cadhada ay dadweynaha dalka Tuuniisiya ka qabeen in dawladda oo gabtay waajibkii ka saarnaa shaqo u abuurka dhalinyarada, haddana intii shaqada samaysatay kula kacday falkan ay kaga burburisay ishoodii dhaqaale, in ay ugu darto bahdilaad iyo in dacwaddooda la dhegeysan waayey.

Waxaa durbadiiba jidadka dhammaan magaalooyinka dalka Tuuniisiya buux dhaafiyey malaayiin dad ah oo ku dhawaaqaya ereygii uu u dhintay Maxamed ee afka Carabiga ku ahaa, ‘Irxal’ oo macneedu yahay guur ama tag. 18 maalmood kaddib ayuu Maxamed u dhintay dhaawacyadii dabka ka soo gaadhay. Laakiin dhimbiishii kacdoon ee dabkii jidhkiisa dilay ka dhalatay waxa ay socotaa illaa maanta oo laga joogo ku dhowaad 9 sano. Waxa aanay galaafatay madaxweynihii Tuuniisiya, Madaxweynihii Masar, Madaxweyneyaashii Liibiya iyo Yemen oo iyagu uba dhintay sababtii kacdoonkaas. Waxa ay burburisay dalkii Suuriya oo dawladnimadii galbatay, waxaa maanta xasilooni darro siyaasadeed iyo xiisado ka taagan yihiin dalal badan oo carbeed, kuwo kalana waxa ay habeen iyo dharaar wadnaha farta kaga hayaan goorta uu iyaguna ku guban doonaan dhimbiishii Maxamed Albu-Casiis. Baro isbeddel dhaliyeyaal kale iyo cadadka dambe…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.