Inta badan casrigan aynu joogno marka laga sheekaynayo isbeddel dal ama taariikheed waxaa markaba maskaxda aadamaha ku soo dhaca halgamaa hub u qaatay, maalqabeen lacag adeegsaday iyo aqoonyahan qalinkiisu caawiyey, iyo ugu yaraan waayoarag khibraddiisa ka faa’iideeyey. Laakiin waxa ay taariikhda laftigeedu ka marag kacday in ay jiraan dad aan intaas midna ahayn oo haddana ku guulaystay in gacamada ay taariikhdu marayso ka leexiyaan jihadii ay hore ugu qulqulayeen.
Waa dan yar ama da’ yar, waxbartay ama aan aqoon badan lahayn, hooyooyin guri joog ah ama xoogsato qaadaa-ma-dherge ah, oo ficillo iyo falal ay ku kaceen, ay si kedis ah taageero iyo soo dhoweyn uga heshay umaddahooda, ama cid kale u noqotay farriin baraarujisay oo sabab u noqotay in ay huriyaan dhimbiil isbeddel horseeda.
Caitlin O’Connel oo ah qoraa iyo bare ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Standford ayaa mid ka mid ah qoraallada xiisaha badan ee ay sida joogtada ah ugu faafiso majaladda Reader’s Digest waxa ay sumad uga dhigtay, ’15 qof oo dadka caadiga ah ka mid ahaa oo taariikhda beddelay’.
- Tim Berners-Lee: Afar iyo soddon jirkii adduunyada isku xidhay
Tim Berners-Lee oo ahaa injineer culuumta kombiyuutarka bartay oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa sannadkii 1989 kii isaga oo 34 sano jir ahaa, waxa uu la yimi soojeedin cilmi oo suurtagelisay isku xidhnaanta xogaha kombiyuutarka ku jira ee loo yaqaanno ‘Hypertext’ oo ah nidaamka inoo suurtageliya in aynu gujinno ‘Link’ kaddibna uu is furmo ama inoo gudbiya bogga shabakadda internet ka ee xogta aynu raadinaynaa ay ku jirto.
Tim ujeedadiisu waxa ay ahayd in uu curiyo hab cilmibaadhayaasha u helo gole ay xogta ku wadaagi karaan iyaga oo aan meel wada joogin balse internet ka isu maraya. Gole uu qofku xogta dhigo, kaddibna ay oollayso si qof kasta oo doonaa marka uu doono u heli karo. Natiijada ugu dambaysay ee dadaalka Tim ka dhalatayna waxa ay noqotay waxa aynu maanta u naqaanno shabakadda adduunka ee Internet ka, loona soo gaabiyo, WWW.
Farsamada iyo hal-abuurka Tim waxa uu isku xidhay adduunka daafihiisa, waxa aanu suurtageliyey habka innagu qasbay in nooc kasta oo hawleed, oo maanta aynu qabanayno, uu internet ku u noqdo bud dhig iyo tixraac aynu ka raadinno wixii inaga caawin lahaa. Tim, imika waa macallin culuumta Kombiyuutarka ka dhiga jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska.
- Rosa Parks: Dawaarleydii midabtakoorka jebisay
Cawaysnimadii ay kow ahayd bisha Diisamabar sannadkii 1955 kii, waxaa xabsiga loo taxaabay gabadh Maraykan-Afrikaan ahayd, kaddib markii lagu eedeeyey in ay jebisay xeer u yaallay gobalka Alabama ee dalka Maraykanka oo dhigayey in haddii basaska dadweynuhu ay buuxsamaan, ay qasab tahay in rakaabka madowga ah ee baska saarani ay kuraasta u banneeyaan rakaabka caddaanka ah, ee meel ay fadhiistaan waaya. Waxa kale oo uu sharcigu dhigayey in dadka madowga ahi ay baska qaybtiisa dambe oo keliya fadhiisan karaan.
Gabadhaasi waa Rosa Parks oo diiday in ay qaadato amarka darawalka ee ahaa in ay kursiga u bannayso qof caddaan ah. iyada oo uu xilligaas dalka Maraykanka ka jiray midabtakoor aad u awood badan. Isla markaana ay sideedaba u adkayd in qof madow ahi uu hadal ka soo celiyo amar uga yimi qof caddaan ah, xitaa haddii aanu ahayn kii addoonsanayey. Goobaha waxbarashada, rugaha caafimaadka, xarumaha adeegga dadweynaha iyo meel kasta oo qofku u baahdana dadku waxa ay u kala lahaayeen caddaan iyo madow. Haddii ay wadaagaanna waxa ay u kala mudnaayeen caddaan iyo madow.
Diidmada maalintaas ay samaysay Rosa Parks oo la sheegay in ay aad u dallaanayd oo shaqo ay ka soo rawaxday, waxa ay ka mid tahay dhimbiilihii huriyey guuxii takoor diidka ahaa ee dadka madow, markii ay qisadeedu faaftay waxaa ku dhiirraday dad badan oo madow ah oo diiday in ay u addoonsamaan caddaanka, maalintaas laga bilaabana waxaa loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dadka abuuray dareenkii addoonsi dii dee adduunyada oo dhan wax ka beddelay, iyo ku dhiirrashadii difaaca xuquuqda aadanaha.