Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Q: 8aad)

0
931

29 jirkii bilaabay nidaamka bilayska ee baadhista dambiilaha

Qarnigii 19-naad waxaa adduunka ku soo batay dhagarta iyo dembiyada isugu jira madaniga iyo kuwa ciidamada labadaba. Maadaama oo aanay shuruucda adduunku xoogaysan, dadka wacyigooda la xidhiidhaana uu weli bilow ahaa, waxaa aad u batay dembiilayaasha ka baxsanaya xabsiyada iyo kuwa inta la sii daayo mar kale dembiyo falayey. Waxaa sii caawinayey diiwaanno rasmiya oo aanay dawladuhu u haynin dadka iyo waraaqaha aqoonsiga oo aan jirin, sidaa awgeed qofku awood u leeyahay in uu magaalo kale tago, kaddibna magaca iska beddelo. Arrintaasi waxa ay culays badan iyo dhakafaar ku keentay bilayska dawladihii kala duwanaa ee adduunka.

Dhibaatadaas taagnayd waxaa bilowgii xalkeeda iba furay Alphonse Bertillon oo ahaa Faransiis sannadkii 1853 kii dhashay. Waxa uu hal-abuuray farsamo bilow u noqotay kacaan dhab ah oo beddelay guud ahaanba nidaamkii baadhista iyo hubinta dambiilaha ee bilayska adduunka.

Alphonse Bertillon waxa uu marka hore bilaabay barashada caafimaadka, laakiin 16 jirkiisii waa uu iskaga tegey kaddib markii ay barashada caafimaadku ku adkaatay, dhibco hoosana uu keenay imtixaannaadkii. Sannadkii 1879 kii ayaa uu bilaabay in uu shaqadada ka caawiyo aabihii oo ka tirsanaa saraakiisha bilayska ee magaalada Paris.

Alphonse Bertillon markii u muddo la shaqaynayey bilayska ee la arkay in uu gacan ka geysan karo shaqada, waxaa loo xil saray in uu nidaamiyo kana warhayo faylasha dembiilayaasha, iyo in uu hayo diiwaanka dadka saldhigga ku jira.

Xilliyadaas bilaysku markii ay dhibaato badan kala kulmeen aqoonsiga dembiilayaasha hore ee inta ay xidhaan, mar labaad dembi ay galeen loo soo qabtay, waxa ay adeegsaan jireen bir ay dabka geliyeen oo ay qofka dembiilaha ah sida xoolaha sumad ugu sameeyaan. Arrintani waxa ay Alphonse Bertillon ku abuurtay dareen xooggan oo uu kaga fikiray in uu helo hab sidaas ka fudud oo qofka dambiilaha hore aha lagu aqoonsan karo. Fikirkaasi waxa uu xasuusiyey cashar uu ku bartay waxbarashadii caafimaadka, oo sheegayey in aadamuhu dhammaantii ku kala duwan yahay cabbirka madaxa. Isaga oo aragtidaas ka duulaya ayaa uu hindisay qalab bir ah oo lagu cabbirayo madaxa qof kasta oo bilaysku eed ama dambi u xidho, kaddibna diiwaanka bilayska loogu hayo, si marka la sii daayo, haddii uu mar kale dembi galo loo garto in uu hore dembiile u noqday, xitaa haddii uu beddelo magaca ama calaamado kale oo uu leeyahay.

Alphonse waa uu sii horumariyey aragtidii uu helay; cabbirkii ku bilowday madaxa oo keliyana waxa uu ku sii daray cabbiro kale oo dhammaantood xoojinaya, waxaa ka mid ah in la cabbiro joogga qofka, cabbirka dhererka sankiisa, farihiisa gacmaha, ballaca baabacooyinkiisa gacanta, cabbirka lugtiisa, dhigihiisa iyo cabbirka madaxa ee ay arrintani ku bilaabatay.

Alphonse oo sii horumariyey hindiseyaashiisani waxa uu muddo kaddib ku soo daray nidaamka bilaysku isticmaalo illaa maanta ee loo yaqaanno sawirista dembiilaha. Kaas oo ah in qofka dembiilaha ah laga qaado sawir wajahaadda iyo dhinac ah. Waxaana halkaas ka bilowday nidaamka la magac baxay ‘Anthropometry’ oo ah erey afka Giriigga ah oo macnihiisu yahay cabbirka qaybaha kala duwan ee jidhka qofka.

Hal-abuurka Alphonse waxa uu aragti cusub geliyey habka aqoonsiga dambiileyaasha, laakiin intaas kuma uu koobnayn, waxa uu sida oo kale wax weyn ku darsaday awoodda iyo farsamada ilaysak uu sawirka la qaadayaa u baahan yahay, si uu muuqaalkiisu u noqdo mid si fiican u muuqda.

Si tallaabo tallaabo ah ayaa uu u fiday isticmaalka nidaamka cabbirka xubnaha jidhka ee baadhista bilaysku, bilowgii waxa uu ku fiday dalka Faransiiska, dugsiyada tababarka bilayska ayaana ku daray casharrada muhiimka ah ee ay baraan bilayska gaar ahaan qaybaha khuseeya baadhista dembiileyaasha.

Barnaamijkan fidistiisii waa ay sii socotay, illaa uu gaadhay in uu noqdo habka keliya ee ay isticmaalaan dhammaan hay’adaha dembi baadhista ee dalalka Yurub iyo Maraykanku.

Waxa kale oo uu habkani bar bilow u noqday in xeeldheereyaashii kala duwanaa ee cilmigu ay ka fikiraan sii horumarinta habkan iyo hal abuurro kale oo iyaguna caawin kara dembi baadhista iyo aqoonsiga dembiilayaasha. Iyada oo ay ku soo biireen hababka kale ee ay ka mid yihiin, sawirka indhaha, faraha, iyo baadhista goobaha dembigu ka dhaco, si loo raadiyo qofka dembigaas geystay ee goobta aan joogin markaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here