Barnaamij Bilaash Ah Oo Qofka Shaqo Doonka Ah Ka Caawinaya Diyaarinta Warqad CV Oo Xirfadi Ka Muquato

0
870

Picture9Hargeysa (Geeska)- Hadda kadib ruuxa shaqo-doonka ah ee aanay hore ugu sii diyaarsanayn warqadda caddaynta waxbarashada iyo waayo-aragnimada shaqo uma baahan doono in uu isticmaalo barnaamijka Word ka ee ku jira Microsoft, oo isagu bixiya CV saambal ah oo wax ka beddel badan u baahata, dhib badanna qofku kala kulmo. Waxaa hawshaas lagaga nasan doonaa tusaaleyaal iyo saamballo badan oo ay sameeyeen baro internet ka ah oo arrintan u gaar ah, kuwaas qofka u badbaadinaya waqti badan, shaqada u fududaynaya isla markaana si xirfadi ka muuqato ugu qoraya warqadda CV-ga.

In kasta oo ay barahaas qofka ka caawiya CV-ga qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin lacag, waxaa jira oo dad badani ay ku nasan karaan , barta Internet ka ee www.visualcv.com oo qofka u sahlaya curinta CV-ga, isla markaana siinaya saamballo badan oo uu kala dooran karo. Marka uu qofku galo bartan aynu kor ku soo xusnay waxa uu bilowgaba ka furanayaa akoon (Bog) iyada oo aan wax lacag ah laga rabin, kadib waxa uu toos u bilaabi karaa in uu isticmaalo. Isaga oo weliba ku soo dhoweysan kara Google Chrome haddii uu ugu jiro kombiyuutarka, si ay ugu fududaato in uu dhaqso u isticmaali karo mar kasta oo uu u baahdo.

Qorista CV gu waxa ay ka mid tahay caqabadaha ugu badan ee ay la kulmaan dadyowga ku cusub shaqo-raadintu, qaabka ay qoraan ayaana marar badan sabab u noqda in ay waayaan shaqadaas oo uu ka helo qof keliya kaga badiyey qaab-qoraalkiisa CV-ga.