Barbaarinta Ubadka: Waa Ay Kala Duwan Yihiin In Ilmuhu Dhibco Sare Keeno Imtixaanka Iyo Inuu Noqdo Ruux Garaad Badan (Cabqari) Oo Hal-Abuur Leh (Q:2aad)

0
636

1Hargeysa (Geeska)- Ardaydani waxa uun ay xoogga saareen keliya fahamka iyo xafidsta xogta iyo cilmiga la siiyey, laakiin maskaxdooda kama ay soo mirin wax cusub, wax cusub ma’ay curin” Sidoo kale carruurtani inta badan waxa ay ku dadaalaan in noqdaan kuwo u dhego nugul u hoggaansanka xeerarka iyo tilmaamaha loo dejiyo in ay maraan, iskna dhowr in ay ku fikiraan samaynta jid ama hab iyaga maskaxdooda ka soo maaxda oo ay u maraan arrimahooda waxbarasho iyo inta badan guud ahaan nolosheeda.

Ellen Winner oo ah caalim looga dambeeyo cilminafsiga ayaa iyaduna mar ay isla arrintan ka hadlaysay waxa ay tidhi, “Cilmibaadhisuhu waxa ay muujinayaan in carruurtaasi inta badan noqdaan kuwo ku heer sarreeya shaqadooda una dhow in ay ka mid noqdaan hoggaanka ururrada ama haayadaha ay ka mid noqdaan marka ay weynaadaan, laakiin in yar oo ka mid ah ayaa lagu arkaa in ay curin leeyihiin ama wax cusub soo kordhiyaan” Ellen iyada oo tusaalaynaysa aragtideedan waxa ay intaas ku sii dartay, “Waa ay dhici kartaa in ay dhakhtarro heer-sare ah noqdaan, laakiin lagama filayo in ay isku dayaan in ay wax ka beddelaan nidaamka caafimaad ee jira, sidoo kale waa ay noqon karaan qareenno iyo sharci-yaqaanno, laakiin kuma jiro dadaal ah in ay xeerarka iyo nidaamka sharci ee jira wax ku soo daraan”

Sidee aynu ilmaheenna uga dhigi karnaa hal-abuur?

Cilmibaadhis kale ayaa isbarbar dhig ay ku samaysay qoysaska dhalay carruurta hal-abuurka iyo curiska leh, ama fikir kacaan ama abaabul uu ku jiro iyo qoysaska carruurtoodu caadiga yihiin, waxaana soo baxday in qoysaska ubadkoodu ay caadiga yihiin ay yihiin kuwa inta badan ubadka mariya nidaam, shuruuc iyo xeerar noloshooda xakameeya, tusaale ahaan xilli go’an oo ay duruusta dugsiga ka shaqeeyaan, xilli go’an oo ay seexdaan iwm. Laakiin qoysaska ubadka hal-abuurka ah dhalay waxa ay noqdeen kuwo xeerar iyo xakame kooban ku haya hab-nololeedka oo inta badan fursad u siiya ilmaha in uu isagu arrimihiisa maamulo iyaguna dusha sare uun kala socda.

Natiijada ay khubaradu gaadheenna waxa ay noqotay in; ilmaha oo fursad loo siiyo in uu isagu jeexdo hannaan u gaar ah oo uu u fikiro isaga oo aan iska dhowrayn xakamayaal iyo xeerar dejisan oo jebintooda uu ciqaab ku mudanayo ay inta badan ilmahaas ka dhigto mid hal-abuur leh. Laakiin khubaradu waxa ay ka digeen in tan macnaheedu aanu ahayn in waalidku faraha ka qaado la socoshada iyo u laqimista akhlaaqda iyo anshaxa guud, sida ay sheegtay Teresa Amapal oo ah caalim ku xeeldheer cilminafsiga oo ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka.

Daraasado kale oo lagu sameeyey qoysas ubadkoodu ay hal-abuur yihiin si loo ogaado habka ay barbaarintoodii u mareen ayaa iyaguna daahfuray in qoysaskaasi ay ka sinnaayeen in ubadka ay siiyeen fursad uu ilmuhu ku abuuri karo hab-nololeed u gaar ah oo uu arrimihiisa waxbarasho, sida ciyaarta iyo ka shaqaynta waajibaadka u maraan. Xeeldheerayaasha daraasadahan sameeyey waxa ay isku waafaqsan yihiin in mar kasta qoysasku ay kaalin ku leeyihiin mustaqbalka ilmaha, waxa aanay hoosta ka xariiqeen in qof kasta oo hibo curin iyo hal-abuur u lihi uu aalaaba yahay mid yaraantiisii dhiirrigelin weyn ka helay qoyska, oo ku garab taagnaa in ay noqdaan ubad guulaysta oo qayrkooda ka sarreeya, laakiin haddana mar kasta ilmaha dareensiinayey in uu xorriyad u haysto in maskaxdiisa uu ka keeno hannaanka uu u maaraynayo nolol maalmeedkiisa. Taas ayaana ka mid ah sababaha mustaqbalka u fududeeya in maskaxdiisu ay ka fikirto horumar iyo hab-abuurka. La soco…