Barbaarinta Ubadka: Ixtiraam Caqli Ilmahaaga Si Uu U Barto In Uu Si Madax Bannaan U Fikiri Karo Caqliga Dadkana Xaq-Dhowro (3)

0
628

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Risaalatul-Mar’ah, taas oo aynu ku eegayno qodobbo muhiim ah oo ay xeeldheerayaashu isku waafaqeen in ay lagama maarmaan tahay in lagu barbaarugsanaado marka ubadka, gaar ahaanna in waalidka laga rabo in uu ilmaha caqligiisa ixtiraamo.

5. Ixtiraamka caqliga ilmahaaga waxa ka mid ah in aad maskaxdiisa quudiso:

In aad ka jawaabto su’aalaha ilmahaagu ku weydiinayo, adiga oo uga jawaabaya qaab ku habboon da’diisa iyo maskaxdiisa, isla markaana aad ka ilaaliso in aad siiso jawaabo dheeldheel ama been ah, waxa ay ka mid tahay xuquuqda waalidka uu ilmuhu ku leeyahay, makaxdiisu si ay u korto.

Sidoo kale waa in waalidku uu ilmihiisa si saraaxad ah ugu sheegaa su’aalaha aanu jawaabta u haynin, waayo waxa ay khubarada cilminafsiga carruurtu sheegeen in tani ay ilmaha ku dhiirriglinayso in uu makaxdiisa dib ugu noqdo oo ka fikiro, isla markaana ku dadaalo in uu maskaxdiisa ka miiro habab kale uu jawaabta ku baadhi karo. Marka uu waalidku arko ilmihiisa oo baadhis ku jira waa in uu tuso in uu qudhiisuna u baahan yahay in uu wax ka ogaado oo ka faa’idaysto natiijada baadhistaa ka soo baxdo.

Waalidku waa in uu ixtiraamo rabitaanka maskaxda ilmaha, oo aanu mar kasta isagu ku qasbin waxa uu la jeclaado ama isagu dookhiisa ugu doorin. Sidoo kale waa in waalidku aanu xaqirin dookha ilmaha iyo rabitaankiisa xitaa haddii uu yahay dookh aan isaga qancin. Waa in aan ilmaha la xaqirin ama si yasid ah loogu jawaabin haddii la arko isaga oo ku riyoonaya ama ku hammiyaya arrin weyn oo markaas in uu helo ama dhabeeyo, ama in humaagga iyo malo-awaalka maskaxdiisu ka weyn yahay inta maskaxdiisak u habboon. Waalidku waa in uu ogaadka in xilliga carruurnimadu ay tahay marka ugu habboon ee la ogaan karo hammiga ilmaha iyo waxa uu ku fiican yahay in uu mustaqbalka barto ama ka shaqeeyo.

6.Ixtiraamka caqliga ilmaha waxaa ka mid ah in la baro naqdinta: Ilmaha waa in lagu barbaariyo naqdinta iyo diidista waxa aanu ku qanacsanayn, fikir ama talo, laakiin aanu uga jawaabin qaab muran iyo akhlaaq xumo ah, waxa ay taasi maskaxda ilmaha oo ay u diyaarinayso in uu wax naqdiyi karo isaga oo si caqli iyo xikmad ku dhisan u soo bandhigaya sababaha uu ku diiddan yahay. Weliba waalidku waa in uu ilmaha u ogolaado in uu isaga naqdiyi karo ilmihiisu, isaga oo aan ka tallaabayn xuduudkii xuquuqda waalidnimada.

7. Ixtiraamka caqliga ilmaha waxaa ka mid ah in lagu xidho Allihii abuuray: Waalidku waa in uu ku dadaalo in ilmihiisa uu baro diinta Islaamka, caqligiisana ku barbaariyo iimaanka Islaamka, oo aanu juhdigiisa ku koobin in uu dhiso muuqiisa, calooshiisana dhergiyo oo keliya.  Dhammaad