Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Risaalatul-Mar’ah, taas oo aynu ku eegayno qodobbo muhiim ah oo ay xeeldheerayaashu isku waafaqeen in ay lagama maarmaan tahay in lagu barbaarugsanaado marka ubadka, gaar ahaanna in waalidka laga rabo in uu ilmaha caqligiisa ixtiraamo.
2. Xeer iyo Xakame
Sida ay nafta aadamuhu xorriyadda ugu baahan tahay, si la mid ah ayaa ay ugu baahan tahay xakame qabta, sida uu qofku ugu baahan yahay in uu si cadaalad ah u helo xuquuqdiisa ayaa uu sidoo kalana aad ugu baahan yahay in uu ka soo baxo waajibaadka saaran, arrimahan oo haddii midkood la waayo aanu kan kalana wax macno ah samaynayn.
Marka ay sidaas tahay, in waalidka loogu baaqo in ay ixtiraamaan garaadka iyo caqliga ubadka, laguna barbaariyo qancinta iyo doodda, macnaheedu ma’aha in ilmihii dabarka iyo hoggaankaba laga furayo, xeerarna aan loo dejin karin ficilladiisa, sidoo kale macnuhu ma’aha in aan ilmaha tilmaam iyo mararka qaarkood amarro lagu barbaarinayn, waayo intaas laga tagaa iyada ayaaba ah xaqii uu waalidka ku lahaa oo meel lagaga dhacay, maadaama oo maskax ahaan aanu weli gaadhin heer uu danihiisa si fiican u wada garan karo una maamuli karo hawlihiisa. Waxa uun loo jeedaa in ilmaha wax la weydiiyo, laguna barbaariyo in isaga oo xor ah oo aan baqanayn uu difaaco aragtidiisa iyo waxa uu doonayo.
Waayo-aragnimada noloshadabulshada laga dhaxlay ayaana ka marag kacaysa in guriga guuulaystaa uu yahay kan ay xubnaha qoyskiisu dhammaan ku socdaan kuna dhaqmaan xeerar iyo xakameyaal iyo nidaam.
3. Hab-dhaqanka ubadka in lagu xakameeyo jacayl:
Dr. Maxamed Qudub, oo ka hadlaya barbaarinta fiican ee diinta Islaamku guud ahaanba u dejisay dadka, waxa uu qoray, “Manhajka Islaamka ee dhinaca barbaarintu ma’aha mid cabudhinaya qofka doonistiisa iyo xiisihiisa, waayo taasi waxa ay qofka ka qaadaysaa firfircoonida iyo diirranaantii looga baahnaa, waxa aanay luminaysaa tamartii ku jirtay iyo qofnimadiisiiba, shaqo niyad uma qabanayo, dhulka xikmaddii Alle u keenay ee ahayd in uu cammirana ma gudan karo. sidoo kale manjahka Islaamku ma’aha in qofka dabarka iyo hoggaankaba loo furo, oo noloshiisu ay bilaa xakame noqoto, waayo taasi waxa ay iyaduna luminaysaa tamartiisii iyo xitaa karaamadiisa bani’aadamnimo. Sida ugu habboni waa in qofka xakame jiraa oo tan iyo carruurnimada lagu barbaariyaa in noloshu ay leedahay xakame oo mararka qaarkood wax ay doonayso ama xiise gaar ah u qabto aan laga joojinayo, laakiin ubadka waa in taas la dhacsiiyo iyada oo aan ul iyo ciqaab la adeegsanayn. Waayo ujeedadu ma’aha in ilmaha laga aargoosto, balse waa in la jeclaysiiyo in jeclaysiiyo danta loo sheegayo”
Ciqaabta ilmuhu ma’aha waxa ugu horreeya ee ay tahay in lagaga jawaabo qaladaadka ka dhaca, balse waxaa ka mudan in talo iyo tusmayn wax loogu sheego, si dabacsan loo fahamsiiyo qaladka uu galay iyo sababta uu qalad u yahay, haddii kale waxa ilmaha ku beermaya jacayl uu u qabo in uu tijaabo waxa loo diidan yahay, iyo in uu waalidkii u arko ruux qallafsan oo ay tahay in aanu ku dayan.
4. Ku barbaari qancinta:
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ilmaha dareensiiya in waalidku uu caqligiisa ixtiraamayo waxaa ka mid ah in lagu barbaariyo qancin, oo tusaale ahaan laga qanciyo dalab kasta oo laga rabo, ama amar kasta oo la farayo. Waalidku waa in ilmaha uu fahamsiiyo sababta amarkan uu u siiyey, sababta uu shay ugu diiday, sababta uu arrin ku culus ugu dirayo iwm.waa in loo cadddeeyey oo si caqliga ilmuhu uu garan karo oo da’diisa u qalanta loo fahamsiiyo.
U sheeg ilmahaa in shayga aad farayso in uu sameeyo, sida waxbarashada iwm. Culays iyo dhibaato badan uu leeyahay oo aad ogtahay, laakiin mustaqbalka uu noqon doono ruux ehelkiisa iyo bulshadiisuba ku indho doogsato. Ilmuhu waxa uu jecel yahay in uu sameeyo een fiicnayn weydii dooddiisa uu ku difaacayo samayntaas, kadibna qanci oo si uu fahmi karo oo aan dagaal iyo cadaawadi ka muuqan dooddiisa u buri. Laakiin haddana khubarada cilmiga bulshadu waxa ay ka digayaan in taas macnaheedu aanu ahayn in shay kasta ilmaha loo sababeeyo, haddii kale waxaa dhacaysa in waxyaabo aan sabab uu fahmi karo loo haynin oo nolosha ka mid ah uu ku qanci waayo oo waalidka ku adeeci waayo. Si haddaba aad ilmahaaga ugu barbaariso in aanay waajib kugu ahayn in aad wax kasta oo aad farayso ama ka diidayso sabab cad ugu raaciso, waayo marar badan ayaa aanu waqtigu saamayn ama aanay ogolaanayn duruufta markaas taagan, sida tusaale ahaan halka aad joogto iyo dadka kula jooga, haddaba ku dadaal in mararka qaarkood aad si badheedh ah uga warwareegto sababaynta, waxa se aad ilmaahaga bartaa in marka aad shay u sababayn weydo uu u fahmo in shaygaasi sabab uu ku qanci karo leeyahay, laakiin duruuf uun kaa hortaagan in aad sheegtaa ay jirto, sidaa awgeed uu iska joojiyo. Waana mararka jacaylka uu waalidku ilmaha gashaday shaqaynayo ee uu ilmuhu sababta aad u sheegi weyday ku illaawayo jacaylka iyo kalsoonida uu kugu qabo.
Waxaa iyaduna muhiim ah in waalidku uu barto oo daraaseeyo tarbiyadda habboon ee ilmaha uu ku waajahayo, waana in uu ogaado in marxalad kasta oo da’da ilmuhu maraysaa ay wadato dabeecado iyo hab-dhaqanno u gaar ah oo ay tahay in waalidka qudhiisuna la jaanqaado oo aanu u arkin in isbeddelkani ku yimid xumaan ilmaha ku soo korodhay iyo dhaqan xumo dheeraad ah oo uu la yimid. Waxa ay ugu daran tahay xilliga uu ilmuhu kacaan noqdo (Da’da u dhexeysa 14 illaa 18 sano) oo ilmaha lagu arko isbeddelka ugu weyn, sababtuna tahay mid abuur ah oo la xidhiidha hormoonnada ilmaha oo xilligaas isbedellada ugu waaweyn ee dhinaca koritaanka ahi ku dhacaan. Waa xilliga ilmaha laga dareemo isfahmi waa, ixtiraam yari iyo dhego adayg badan, sidaa awgeed waa in waalid kastaa u sii diyaar garoobo sidii uu xilligaas ula qabsan lahaa ilmaha dabeecadihiisa soo kordhaya una samaysan lahaa xakameyaal iyo shuruuc kuwii carruurnimada ka duwan, iyo hannaan kii hore ka fog oo uu kula macaamilo ilmaha. Hadalka oo kooban waa in waalidku ilmaha islabeddelo si uu ula jaanqaadi karo, una xakamayn karo.