Hargeysa (Geeska)- Da’ kasta oo uu ilmuhu gaadho, haddana hooyadii waxa uun ay u aragtaa in uu yar yahay weli, laakiin waxa ay ceebtu dhacaysaa marka dareenkaas hooyadu uu ilmaha ku soo guuro oo isaga oo Laba, saddex iyo Afar tobnaadba jira uu haddana weli isu arko in uu yar yahay, ama aragtida waalidkii iyo talooyinka hooyadii ku darsan waayo aragti iyo mararka qaarkood in uu waafajiyo waaqaca jira, iyada oo aan ahayn in uu caasiyayo.
Dabeecaddaasi waxa ay ku badan taay ilmaha marka hore kool-koolin xad ka bax ah lagu soo ababiyo, laguna beero ruux tusaysa in aanu waalidkii ka maarmi karin oo noloshiisa oo dhami ku xidhan tahay, waana ay kala duwan tahay in qofku waalidkii adeeco iyo in uu u arko in aanu kelidii si madax bannaan hawlihiisa u wadan karo, si gaar ah waxa ay arrintani khatar ugu tahay mustaqbalka wiilasha, oo looga baahan yahay in ay iyagu hoggaanka u qabtaan noloshooda qoysnimo ee mustaqbalka.
Sida lagu xusay warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay shabakadda The Huffington Post hooyada ayaa ah ruuxa saamaynta badan ku yeelata dabeecadaha ilmaheeda, tusaale ahaan hooyooyinku waa laba nooc mid uun; hooyo aad u dabacsan iyo hooyo awood iyo xukun jecel, labada jeerbka qaladaadka ay hooyadaasi gasha waxaa dhibtooda dambarsada ilmahooda wiilka ah, haddii aynu sii iftiiminno. Hooyada aadka u dabacsani waxa aanay ka daalin in ilmaheedu si kasta oo uu u weynaado aanay mar keliya ka joojin daryeelka waalidnimo iyo gacan qabasho, waxa aanay taasi ilmaha ku abuurtaa ku tiirsanaan uu la weynaado o ogaadha xitaa in isaga oo da’diisu ay weynaatay haddana uu arrimihiisa maamulan kari waayo, dhaawaciisana dawaysa in uu dawaystana tahli waayo, aakhirkana ay ku dambayso in noloshiisu burburto, oo ay ugu horreyso in uu arrimaha qoyskiisa iyo dhismihiisa ku guulaysan waayo.
Haddii ay hooyadu tahay hooyo awood iyo talada in ay iyadu hayso jecel, waxa ay mar kale sabab u noqotaa burburka mustaqbalka wiilkeeda, waayo waxa ay isku daydaa in ay mar kale sii waddo awooddeeda oo arrimaha qoyskiisa iyadu ka taliso, noloshiisa gaarka ahnamaamuho.
Labadan nooc ee hooyooyinka ahiba waxa ay khatar ku yihiin mustaqbalka ilmahooda, waxa aanay ku barbaariyaan dabeecado iyo hab-dhaqan aanu qoyskiiska iyo noloshiisa oo dhan ku wadan karin.
Qaladkan ma’ la daba qabatayn karaa?!
Waa ay adag tahay in si sahal ah qaladkan barbaarintii ilmaha ku soo bilowday la saxo isagaoo weynaaday, waxa aana khubarada cilminafsigu aaminsan yihiin in sixidda la isku dayaa ay arrinta sii xumayn karto. Si kastaba ha ahaato ee waxaa la xakamayn karaa khasaaraha ka dhalan kara hab-dhaqannada dadka labadan hooyo soo barbaariyeen.
Waxa se iyaduna muhiim ah in marka horeba hooyada lagu baraarujiyo in ilmaheedu u baahan yahay in mustaqbalka uu noloshiisa isagu maamulo, in jacaylka hooyadii waajib yahay laakiin uu xaq u leeyahay in uu cidda uu doono ee kalana jeclaado xidhiidh dhinacyada nolosha ku salaysanna la yeesho, hooyada iyo dadka kale ee ku xeeranna ay waajib ku tahay in ay dhowraan xidhiidhadiisa iyo noloshiisa gaarka ah, illaa ah u arkaan in ay khatar ku jirto.
Hoyada waxaa ku waajib ah in ay ilmaheeda ku dhiirrigeliso in uu arrimihiisa qaar gaar u maamusho iyo I ay ku ammaanto ficil kasta oo uu sameeyo oo muujinayo madax bannaanidiisa.