Ban Ki Moon Oo Warbixin Uu U Gudbiyay Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Khilaafka Ka Dhex Taagan Xukuumada Iyo Labada Xisbi Mucaarad

0
641

Picture9Newyork(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo saddexdii biloodba warbixin ku saabsan Somaliland iyo Somaliya siiya golaha ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa doorkan wuxuu qaybta Somaliland ee uu u gudbiyay golaha ammaanka uu kaga hdlay xidhiidhka xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucarad.

Warbixintan oo uu toddobaad ka hor Mr. Ban Ki Moon ka hor akhriyay Golaha ammaanka, wuxuu ku soo bandhigay eedo uu xisbiga UCID u jeediyay xukuumadda Somaliland oo ah in loo diiday inay qabtaan mudaraharaadyo salmi ah, “Somaliland, xidhiidhka u dhexeeya dawladda iyo mucaaradku wuu sii xumaaday. Xisbiga UCID waxay sheegteen  in loo diiday xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo ogolaanshaha inay qabsadaan banaan baxyo salmi ah oo lagaga soo horjeedo dawladda.  Halka guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ku dhawaaqay inuu taageersanyahay qabashada shir dood qaran ah, sida ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku.” Sidaas ayuu ku yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisa, qaybta uu kaga hadlay Somaliland.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, heshiis ka gaadheen qabashada shirka doodda qaran,  “18 December, wada hadalo ay yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiye Ciro, ayaa dhalay in heshiis laga gaadho qabashada shirka, iyadoo lagu wareejiyay inuu dhinac dhexdhexaad ahi shir guddoomiyo.”

Waxa kale oo uu ka hadlay Mr. Ban Ki Moon, wada hadaladii u dambeeyay ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya, “16-19 kii January, wareegii saddexaad ee wada hadalka u dhexeeya dawladda federaalka Somaliya iyo Somaliland ayuu Turkigu ku qabtay Istanbul. Labada wefti waxay soo saareen war-murtiyeed ay ku aasaaseen guddiyo wada jir ah oo Turkiga ka sii wada hawlaha, waxaanay isku raaceen in wada hadalada lagu qabtoy 90 maalmood gudahood. Intas waxa dheer war-murtiyeedku waxa lagu sameeyay guddi wada jir ah oo hawada maamusha. Waxa kale oo lagu cambaareeyay tacadiyadii uu gaystay taliskii Maxamed siyaad Barre, gaar ahaan kuwii uu u gaystay Somaliland.” Ayay tidhi warbixinta Ban Ki Moon.

Waxyaabaha kale uu Ban Ki Moon warbixintiisa kaga hadlay waxa ka mid ahaa saxafiyiin lagu xidhay Somaliland, isagoo sheegay in la xidhay afar suxufi oo reer Somaliland ah, kuwaas oo aanu magacyadooda iyo hay’adaha ay ka tirsanyihiin magacaabin.