Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada

0
497

 

GolahaHargeysa(Geeska)-Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay ansixiyay xeerka Takaaliifta amniga madaarrada Somaliland.

 

Fadhigii maanta ee Golaha wakiiladda oo uu Gudoominayay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa Golaha ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xubnood ee aqalkaasi ka kooban yahay.

46 Xildhibaan ayaa ogolaaday ansixinta xeerka Takaaliifta amniga madaarrada, 2 Xildhibaan ayaa diiday, hal mudane ayaa ka aamusay guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka takaaliifta amniga madaarrada dalka ee 10-ka Dollar ee lagu soo rogay kabaabka diyaaradaha.

Ansixinta xeerkan ayaa ka dambaysay ka dib markii ay ku qanceen qodobadda uu xeerkani xambaarsan yahay oo ay ka mid tahay in Madaarrada dalku uu kor u qaadayo adeegooda sugida nabad-gelyadooda. waana guul weyn oo u soo hoyatay qaranka. waxaana 10-kan dollar ee lagu soo rogay rakaabka diyaaraha maamulaya Haay’adda NASHA.

Sidoo kale, waxa Wasaaradda Duulista iyo hawaddu ay awooda saartay horumarinta iyo casriyaynta adeegyadda madaarrada.