Bal Wareerkan U Fiirso: Agaasime Xil Qaran Oo Uu La Wareegay; Shalay Lagu Wargeliyay Inaan Isaga Loo Magacaabin

1
535

Hargeysa(Geeska)-Sheeko soo jiidatay dareenka rayul caamka intii maqashay ayaa shalay ka dhacday wasaaradda ganacsiga, ka dib markii shalay xafiiska wasaaradda ganacsiga laga saaray  Mr. Maxamed Sheekh Cumar Xasan, oo dhawaan xilka agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga kala wareegay agaasimihii hore, ka dib markii uu magaciisa ka dhex arkay liiskii agaasimayaasha guud ee la isku bedelay. Waxaana lagu wargeliyay inaanu  isagu ahayn agaasimaha guud ee wasaaradda loo soo magacaabay, balse masuulka la magacaabay uu yahay nin kale oo ay saddexda magac wadaagaan.

Mr. Maxamed Sheekh Cumar Xasan, ayaa maalmo ka talinayay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, laakiin subaxnimadii hore ee shalay ayay masuuliyiinta wasaaradda ee ka saraysaa ku wargeliyeen inuu warqad cadaynaysa inuu yahay agaasimaha guud ee wasaaradda  ka soo qaato madaxtooyada, waxaanu soo bandhigay digreetadii ku soo baxday warbaahinta ee uu magaciisu ku jiray. Hase yeeshe taasi ma noqon mid madaxda wasaarada qancisa waxaana lagala wareegay hantidii iyo maamulkii xafiiska uu mudada ka ahaa agaasimaha guud. Sidaasna wuxuu ku waayay xilkii uu maalmaha kooban hayay. Masuulka la magacaabay ayaa isna la sheegay inuu ku maqanyahay dalka dibadiisa.

In magacyada dadku isku khaldamaan maaha wax lala yaabi karo, waxase mucjiso ah sida ay masuulkan maalmaha kooban kursiga ku fadhiyay ugu suurtogashay inuu si rasmi ah ula wareego xilka agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga oo ah xil qaran, waana hal xidhaale u baahan inay madaxtooyadu ka jawaabto. Waxase lagu xidhiidhin karaa qas iyo jahawareer ka jira xukuumadda dhexdeeda, sababtoo ah waa markii u horaysay ee taariikhda Somaliland uu xil qaran la wareego masuul aan ahayn qofkii loo magacaabay. Marka dhinaca amniga iyo sirta dawladnimo laga eegana waa arrin halisteeda leh in qof shacab ahi si fudud ula wareego mid ka mid ah xilalka qaranka.

Comments are closed.