“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay; Yaanay Kuu Furin Cid Aan Hadhoow Kuu Rari Doonin”

1
4008

Picture6Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga mucaaradka ah UCID Muj.Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa soo dhaweeyay Golaha Wada Tashgi iyo Toosinta Qaranka isaga oo xukuumada u soo jeediyay in aan la sharaysan golahan oo uu ku tilmaamay inay ka soo baxayaan talooyin loona baahan yahay talooyinkooda.

Sida oo kale waxa uu xukuumada iyo golayaasha ku dhaliilay in aanay talada dalka u jihayan dhanka wanaagsan loona baahnaa inay xaalada dalka iyagu soo bandhigaan oo la tashiyo sameeyaan,sida oo kale waxa uu ka hadlay hadal haynta in xubnahaas xadhig ay xukuumadu la damac santahay. Wuxuu mawaadiicdan kaga hadlay waraysi uu siiyay Geeska Afrika.

Muj.Cali Guray ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya  aragtidiisa golahan waxa uu yidhi“Dad yidhi wada tashi ayaanu halkaas isu taagaynaa wax xun maaha diinta islaamkuna wada tashiga waa ay ina faraysaa, wada tashiguna xuduud malaha oo lama odhan karo golayaasha iyo xukuumada ayuunbaa wada tashiga lala samaynayaa, markay wada tashiga timaado islaamaha wadatashiga waa laga dhagaysanayaa intaas oo nin oo qiimo leh oo wada tashi wadana wax loo sharsanaayo anigu garanmaayo.Golahan sharci daro maaha oo wax ku jabaaya samayntiisa ma jirto,hore ayaa loo sameeyay golaha salaadiinta ee miyaa kuwaasba la joojiyo maaha haayad dhisan oo shaqaynaysa ee waa mid si dadban shaqadaas wada tashiga u qabanaysa. Haddii aanay ka qayb galayn doorashooyin oo aanay lahayn xisbi arfaad ayaanu nahay maaha sharci daro.”

Sida oo kale Muj.Cali Guray  waxa  ka hadlay aragtidiisa hadal hayanta in xubnaha golaha wada tashiga iyo toosinta la’la damacsan yahay xadhig waxaanu yidhi “Waa nasiib daro,waayo cida xidhaysaa waa cidii shalay Gaboose iyo Maxamed Xaashiyo lahayd qalad ayaa lagu xidhay xaqna waa ay u leeyahiin inay isku abaabuli karaan xisbi siyaasadeed,cidii shalay ogalayd Qaran oo maanta xilkii qabatay hadii ay tidhaado cid isku abaabulaysa urur bulsho iyo mid siyaasadeed midna ma jiro waxay noqonysaa uun mid u markhaati furaysa cadaalad darada dalka ka jirta dhibina waa ay ka dhalanaysaa oo cida masuuliyadeeda yeelanaysaa waa cidii ku kacday falkaas.”

Ugu dambayntii mujaahid Cali Guray waxa uu talooyin u soo jeediyay xukuumada gaar ahaan madaxweyne Axmed Siilaanyo “Xukuumada waxaan u sheegayaa in ragan iyo kuwo kale oo laga yaabo inay samaysmaanba ay buuxin doonaan kaalinta ay iyadu banaysay, wada tashiga inay iyadu horgashaabay ahayd inay dadka isugu yeedhaabay ahayd oo in dhibaatooyinka taagan qiimayntooda ay sadexdan gole ay hormuud ka noqdaan bay ahayd,laakiin waynu ognahay in golahii wakiiladuna uu imika kolba qolo ku shinbira waaq leeya la odhanaayo,golahii guurtiduna kaba sii daran, markaas golahan waxa uu ka dhashay gaab ay baneeyeen xukuumada,golayaasha  iyo xataa anaga oo mucaaradka ah.waxaan kula talin lahaa xukuumada markaad aragtaan dhibaato ay sameeyeen uun wax ka dhaha laakiin xukuumadu hada’ha joojiso waxan ay wado,fidna walayaal ayaa ku dhex jira golaha wasiirada iyo golaha wakiiladaba,waxaanan madaxweynaha leeyahay yaanay kuu ra’rin cid aan hadhaw kuu furi doonin oo dadka ha ku gafin hana ku gar daroon.”

Comments are closed.