Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Xididadii Loo Saaray Cabsidii Sababtay Digniintii Amni Ee Dawladaha Ingiriiska Iyo Maraykanka

0
574

 

Picture6Hargaysa( Geeska )-Wasiirka arrimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale ( Duur ), ayaa sheegay in hawlgalo ad-adag oo ay sameeyeen ay xididada ugu siibeen cabsidii dalalka reer galbeedku ay dhawaaqa ka soo saareen, waxaanu xusay inay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ah dad danbiyo ay soo galeen ay ku cadyihiin.

Sida oo kale waxa uu wasiirku sheegay in ay amaanka sare u qaadeen, ayna ka sugayaan dawlada Ingiriiska inay dhawaaqii ka soo yeedhay wax ka  badasho, ugu danbayntiina waxa uu wasiirku  culimada dalka u soo jeediyay inay ka hadlaan arimaha argagixisada si meesha looga saaro.

Sidan waxa uu wasiirku ku sheegay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen isaga iyo taliyayaasha ciidamada booliska, sirdoonka iyo socdaalka.

Taliyaha ciidamada booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isaguna ka hadlay hawlgaladaas ay sameeyaan, waxaanu shacbiga ugu baaqay inay todobaadada soo socda samayn doonaan hawlgalo ay gaadiidka kaga furayaan bacaha loo yaqaano Beersoosha oo uu sheegay in gabood laga dhigan karo.

Wasiirka arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale ( Duur ), oo ugu horayntii shirkaas jaraa’id ka hadlay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Habeenadan waxa socday hHHawlgalo adag, hawlgaladaasina shacabka saamayn ayay ku leeyahiin oo baadhitaano xoog leh ayaa dhacay, waxa dhacay dad badan oo la qabqabtay oo gacanta ciidamada amniga ku jira kuwaas oo goobo kala duwan oo dalka ah lagu qabtay Ilaa Laasacaanood ilaa magaalada Hargaysa, shacabkuna waa ay dareemayaan, markaas waxaanu u sheegaynaa dadweynaheena sharafta leh in hawlgalo amaanka lagu dardar galinaayay uun ay yahiin ee ay u dul qaataan. Dadkii la qabqabtay intii aan waxba qabin waa la sii daynayaa, intii la raadinaayay ee raadkooda lagu daba joogayna baadhitaan ayaa u bilaabmaaya, waxaana jira dad muwaadiniin ah oo gacanta booliska galay haddana ay sii dayntii u bilaabmatay dadkaana waxaanu leenahay ha dul qaataan, dad aad u badan ayaa la qabqabtay oo qiraal ay yahiin waxii ay gaysteen ama Somaliland haka gaystaan ama meel ka baxsanba haka gaystaane, waxaanan shacabka uga mahadnaqaynaa gacansiinta ay haay’adaha amniga ay gacan siiyeen oo wax kasta oo khalad ah oo dhacayna waanu ka cudur daarnaynaa nuxurka aanu u jeednayna waxa weeye in nabadgalayda la sugo.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “ Waxa xididadii loo saaray dhamaan cabsidii sababtay in dawladahaasu ay dhawaaqaas soo saaraan ka dib markii ay soo gudbiyeen, waxa laysla gartay cabsidaasi in aanay maanta ahayn mid jirta xog kale oo timaada oo mooyaane, dhamaan xogtii hore xididada ayay haay’adaha amnigu u siibeen iyagana waan ugu mahadnaqaynaa hawlgalkaas balaadhan ee ay sameeyeen, markaas hadda waxaynu sugnaa waa jawaabta ka soo yeedhaysa xafiiska arimaha dibada ee dawlada Ingiriiska oo markii hore  dhawaaqa soo saartay.”

Ugu danbayntii wasiir Duur waxa uu culimada dalka isaga oo la hadlaaya uu yidhi “ Waxa aan halkan farriin uga dirayaa culimada oo ah dadka kuwii khayrka iyo wanaaga faraayay waxay hayaan xog ka badan ta shacabka, waxaanay ogyahiin khalad kasta oo loo adeegsaday diin ama dad argagaxiso ah  ay adeegsadeen waxa dhacday in dadkii waawaynaa ee culimada ahaa dariskeena lagu dilo Somaliland may soo gaadhine, masiibada agteena ka dhacaysana maaha mid aynu ka fognahay laakiin Alle mahadii waanay ina soo gaadhin, inaga oo ka xun waa in ayanu taxadirkeeda yeelanaa, culimadana waxaan ugu baaqayaa waa inay si geesinimo leh ay uga hadlaan oo aanay qarsan masiibada ay leedahay argagaxisada aan cidna u tudhayn. Waa wakhtigii ay ka badheedhi lahaayeen ee ay culimadu ciidamada amniga u tilmaami lahaayeen wax kasta oo qalooc ah oo jira iyo qof kasta oo ay arkaan inuu wax u wado si ka duwan sidii alle diinta inoogu soo dajiyay, qofkasta oo shacabka ku faafinaaya fikir qaloooca waa wakhtigii ay ka badheedhi lahaayeen ee ay ka digi lahaayeen, waa wakhtigay baqdinta iska dhaafi lahaayeen waayo iyaga nabadgalaydoodii ayaa halis ku jirtaa maadaama oo ay cabsida dunidu ay ka qabto ay ula siman yahiin ama ay uga dhaw yahiinba, culimadu maanta iyaga oo wada jir ah haka hadlaan si aynu xididada ugu saarno fikirkaas qaloocan ee nabadgalyo darada abuuraaya.”

Wasiirka oo warbaahintu ay su’aashay in hawlgaladaas dadka lagu fuliyay  lagu qabtay qaar kamid aha ciidamada ammaanka waxa uu yidhi“ Waxaanu ognahay ilaa laba qof oo ciidamada kala duwan ka tirsan, laakiin wali iyaga waxba kuma cada dhulkii baadhista laga waday ayaa laga qabtay,hadii baadhis gaar ah ay gashana waanu eegi doonaa.”

Taliyaha ciidamada booliska sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo shirkaas jaraa’id ka hadlayaa waxa uu yidhi “Ciidamada amaanka oo feejignaan badan leh waxa ay baryahanba ku jireen hawlgalo aad iyo aad u adag oo ka badan intii hore,waxaanan amaan balaadhan u soo jeedinayaa shacbiga oo ciidamada garab taagan iyo ciidamadaba, waxa jira tiro dad ah oo laga qabtay Caasimada iyo gobalka Sool kuwaas oo aanu badh sii daynay maanta ( Shalay ), intii baadhistu ku socotayna aanu wali hayno. Waxaanan idiin cadaynayaa in Somaliland nabadeedu ay sugantahay, dadkaas baadhistu ku socotana waxa la horgayn doonaa sharciga qaarkoodna waa la horgeeyay maxkamadaha, Shacabkana waanu u soo gudbin doona marka baadhistaasu ay soo dhamaato waxii ka soo baxa, waxaana hawlgalkan laga gaadhay guulo wanaagsan.waxa kale oo aan halkan shacabka uga soo jeedinayaa inay bacaha beersoosha ee gaadiidka ay ka digtoonaadaan oo aanay ku xidhin gaadiidkooda waayo qofka hawl galayaa waa uu ku dhuuman karaa, toddobaadada soo socda ciidamadu hawl ayay ka qaban  doonaan, shacbiguna xaqbay u leeyahiin in lagu sii wargaliyo.”