Badhasaab xigeenka Togdheer Oo Ka Hadlay Xaaladda Amni Ee Gobalka

0
702

 

Burco(Geeska)– Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolkaasi Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalo dhinaca amniga ah oo ciidamada booliska magaalada Burco ay habeenadii u danbeeyay wadeen  kuwaasi oo ay ku qabqabteen tiro dad ah .

 Guddoomiye ku xigeenka oo u waramay Geeska Afrikaisagoo ku sugan magaalada Burco ayaa ka warbixiyay deegaamo cusub oo la doonaayay in la magaaleeyo oo ay joojiyeen isla markaana ay kormeer ku tageen masuuliyiin uu hurkacaayay .“ Booliisku way jiraan hawlgalo ay sameeyeen habeenadii u danbeeyay ,waxaaney ka fulinayeen goobaha lagu caweeyo ,xaafadaha iyo jidgooyooyinka-ba ,sidaa awgeed iyadoo aynu ku naalo mandaqad burbursan ,oo ay inala darisyihiin  waxyaabo badan oo khaddar ah  ,sida Al-shabaab oo kale oo lagaga adkaaday goboladii koonfureed si waxyaabahaasi oo dhan looga hortago ayaanu maamul’ahaan iyo ciidan ahaanba laban-laabnay xoojinta amniga gobolka “ Sidaasi ayuu yidhi Badhasaab ku xigeenku waxaanu intaasi ku daray  .”.Sida caadiga ah bilaysku marka uu hawlgal sameeyo cidkastoo dareen leh ,sida dadka habeenkii soo jeeda waxa la halmaama iyo cidkastoo laga shakiyo waa la qabtaa markaa dadkaasi la qabqabtay way badanyihiin qaar-na waa la sii daayay qaar-na baadhis ayaa ku socota oo ka hordhicimaayo  “.

Geesta kale Ku simaha Guddoomiyaha  gobolka Togdheer ayaa ka warbixiyay deegaamo cusub oo la doonaayay in la magaaleeyo oo ay joojiyeen waxaanu yidhi “ Runtii deegaamada cusub ee aanu soo maray aniga iyo taliyaha boolisku dhinaca waqooyiga ee buuro layda ayay ahayd waananu joojinay ,deegaamaynta cusub-na degreeto madaxweyne ayaa ka taala ,meelkastoo deegaamayn cusub ah oo sharci daro ahna waanu baabiinaynaa mana aqbali-doono maamul’ahaan talaabaanu ka qaadaynaa ,maalmaha soo socdana waxaanu doonaynaa in aanu deegaamo kale ku bax-no  “ Sidaasi ayuu badhasaab ku xigeenku mar labaad yidhi .

Waxaanu bulshada gobolka Togdheer ku dhaqan usoo jeediyay in ay  ka qaybqaataan talaabooyinka ciidamada amnigu wadaan ee nabadgelyada lagu xoojinaayo isla markaana cidii ay ka shakiyaan la socodsiiyaan laamaha u xilsaaran dhinaca nabadgelyada .