Baarlamaanka Ingiriiska Oo Wasiir Xukuumadooda Ka Tirsan Weydiiyay Inuu Dawladaha Somaliland, UAE Iyo Sucuudiga Kala Hadlay Saldhiga Milatari Ee Berbera

0
727

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa xukuumadooda Ingiriiska weydiiyay inay wax wada hadalo ah kala yeelatay masuuliyiinta Somaliland, Imaaraadka Carabta amaba Sucuudiga arrintan ku saabsan saldhiga milatari ee Berbera laga siinayo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo ah xildhibaan taageera qaddiyadda Somaliland, ayaa wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo bariga dhexe Tobias Ellwood weydiiyay inuu masuuliyinta dawladahan wax wada hadal ah kala yeeshay aasaaska saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo inuu ka samaysto Berbera.

Wasiir Tobias Ellwood, ayaa ku jawaabay sidan  “Wax wada hadalo ah kalamaan yeelan dawladda Somaliland, Imaaraadka Carabta amaba Sucuudiga aasaaska saldhiga milatari ee Imaaraadka ee Berbera.”

Su’aahan iyo jawaabtan xildhibaanka iyo wasiirka dhex martay, ayaa inkastoo ay tahay mid kooban haddana waxa ay muujinaysaa heerka uu gaadhay warka saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo inuu ka samaysto magaalo xeebeedka Berbera.