Baanka Adduunka Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan lagu taageerayo ganacsiga Somaliland

3
641

Hargaysa( Geeska )- Baanka adduunka ayaa Hargaysa ku soo bandhigay wajigii koowaad ee mashruuc naasnuujin ah oo loogu talo galay in lagu kobciyo korna loogu qaado ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland.

Mashruucan uu baanka adduunku kor ugu qaadayo ganacsatada reer Somaliland, waxa soo qaban qaabiyay madax ka tirsan baanka adduunka, waxaana si rasmiya u furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci, waxaana ka soo xaadiray wasiirada wasaaradaha ganacsiga, kaluumaysiga,deegaanka iyo ciyaaraha, sida oo kale waxa madashan lagu furaayay mashruucan kor loogu qaadayo awooda ganacsatada iyo xirafadaheeda ka soo xaadiray ha’adaha caalamiga ah iyo qaybaha kala duwan ee ganacsatada reer Somaliland.

Furitaanka wareegan koowaad ee barnaamijakan lagu kobcinaayo qaybaha kala duwan ee ganacsatada Somaliland, waxa ka hadlay Denis Dann, oo kamid ah masuuliyiinta baanka adduunka ee wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa, waxaanu sharaxaad ka baxiyay sida ganacsatadu uga soo qayb gali karto mashruucan kor loogu qaadayo shaqadooda,xirfadooda, isla markaasna maalgashi lagu taageerayo ganacsata loogu samaynaayo, waxaanu fursad ku tilmaamay taageerdan uu baanka aduunku u fidinaayo ganacsatada Somaliland.

Najiib Xasan Xaashi oo isna ka mid ah madaxda baanka adduunka ee Hargeysa ku sugan oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay faa’iidada uu mashruucan cusubi u yeelan doono bulshada reer Somaliland.

Wasiirka ganacsiga,warshadaha iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Cismaan, oo  ka hadlay furitaanka wareegan koowaad ee barnaamijkan lagu kobcinaayo ganacsatada waxa uu yidhi “ Barnaamijan waa mid lagu hurumarinaayo ganacsiyada gaarka ah, waxaanan halkan uga mahadnaqayaa bangiga aduunka oo barnaamijkan soo qaban qaabiyay sugid dheer iyo mudo dheer oo aanu dhawraynay kadib, uu inoo muuqdo maanta wajigii labaad, oo lagana gudbaayo xiligii qiimaynta loona gudbaayo wax qabadka. Waxayaabaha ugu muhiimsan ee aad maanta ii farxad galinyaaa waxa weeye dhaqaalahan lagu korinaayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo ah kii ugu danbeeyay, lakiin anigu aan jeclaa inuu ugu hireeyo. Waxa kale oo iyaduna qiimaynteeda leh barnaamijkan inuu saamaynaayo heerarka kala duwan ee ganacsiga, ilaa ganacsatada yar yar ee baahidoodu ay tahay 5000 doolar, ilaa ganacsatada waawayn oo ku diiwangashan ilaa 150’000 oo dolar, mana aha marshuucan mid ay ka faa’idaysan karaan dadka diyaarin kara ganacsiyo waawayn ee uu gaadhayo dhamaan qaybaha kala duwan ee ganacsatada.” Wasiirka ganacsigu wax uu hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “ Arimaha kale ee horumarinta ee leh xabkaha, kaluumaysiga ama  barnaamijyada kale ee anaga naga dadban  ee aanan lug ku lahayn hanoqtee, dhamaantood runtii waa barnaamijyo aad wax ugu taraaya dalka, waxaanan rajaynayaa oo aan ku dhiirigalinayaa qolada bangiga aduunka inay arintaas iyada ah tashi badana ka sameeyaan hay’adaha ku shaqada lehna ay kala xidhiidhaan.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci oo mashruucan lagu horu marinaayo ganacsatada  si rasmiya u furay, ayaa ku hanbalyeeyay baanka aduunka mashruucan taageerada ah, waxaanu bulshada Somaliland ku amaanay kuwo ganacsiga hibo u leh hadalkiisana waxa kamid ahaa “ Barnaamijakan quruxda badan ee uu soo diyaariyay bangiga aduunku, oo runtii wax weyn ka tari doona baahida ganacsatada, waxaan uga mahadnaqayaa Alle ka sakow bangiga aduunka oo runtii hawl adag soo qabatay, hawshaas oo u qaybsan laba qaybood, qayb ah dhismaha dawlada inay nagala shaqeeyaan iyo qaybtan ay maanta soo bandhigayaan ee xoojinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, aadbaanan ugu madnaqayaa.” Madaxweyne ku xigeenku  isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yhidhi “Waxay hawl wayn lnagala soo qabteen dekeda Berbera, oo ay ku soo sameeyeen qiimayn lagu balaadhinayay ama wax lagaga-qabanayay, runtiina way ku mahadsan yahiin arintaas oo dekeda oo kamid ahayd wajigii hore ee waxyaabaha ay nala qabteen.Waxa ay maanta muhiimada siinayaan inay koriyaan ganacsatada kii ugu yaraa ilaa kii ugu weynaa, ujeedada looga socdaana waxa weeyaan, in dadka reer Somaliland ay hibo u leeyahiin  ganacsiga oo mudadii 21-ka sano hayd ee uu dalku burburay, Somaliland-na la soo noqotay xornimadeeda ay dadku qabsadeen wax aad u balaadhan, iyada oo aynaan taageero ka helin beesha caalmaka oo aynaan bangiyo haysan, hadana waxbadan ayaynu qabsanay, waxay tana sii dhiiri galinaysaa in ganacsigeena la sii horumariyo.”

Barnaamijkan oo maalmaha soo socda la siiwadi doono laguna wacyi galin doono ganacsatada inay ka soo qaybqaataan sidii looga taageeri lahaa ganacsiyadooda, waxaana uu mashruucan dhiiri galindoonaa maalgashiga iyo kor u qaadista ganacsiga Somaliland.

Comments are closed.