Baahida Loo Qabo Isbedalka Uu Wado Xisbiga Waddani

0
1296

Cabdiwahaab Daahir Khaliif

waxaa inagu soo fool  leh  doorashadii  madaxtooyada somalialand  oo dhici  doonta insha AllAh 11/13/2017. dhamaan  haldoorka iyo  Aqoonyahanka  somaliland waa inay  ka foaadaan  qabyaaladda  aanay cidna  ku raacin. Xaalada dalku  maanta ku jiro waxay tahay  xaalad  kale  guur ah  dalkuna  isbedal  ayuu  u baahanyahay waa  in loo  gurmado xaaladaha  adag  ee maanta  dalka ka jira taasina  waxaa  lagaga  bixi karaa  waa isbedal . waxaan ugu  baaqayaa  dhamaan  inta  jecel  horumarka in maanta  halkan  la taaganyahay  hore  Looga sii  socdo waa  inaan  ka fogaano  qabyaalad somaliland  maanta way  kasoo  gudubtay  wakhtigii lagu  dooranlahaa  qabyaalad maanta  dalku  waxa  uu  u baahan  yahay in  Dunida inteeda  kale lagu  soo  xidho. iyo  saaxiibadii  somaliland ee inaga  tagtay

somaliland waxay  taagantahay  wakhtigii  dunida loo  iib  gaynlahaa. taasina  waxay  ku  xidhantahay  cida  maanta aad  doorataan mustaqbalka umadan  waa  inaad  heshaan  hogaamiye ku  hogaamin  kara aqoonta iyo waayo aragnimo diblamaasi.

xaalada  dalku  maraayo  maanta waxaa  wax ka bedali  kara  waa  xisbiga  waddani. Haday tahay sixir bararka. iyo shaqo la’aanta iyo dhamaan baahiyaha   aasaasiga. waxaan  u sheegayaa  dhamaan  inta  jecel horumarka ee  bulshada qaybaheeda kale duwan. Sida, madaxdhaqmeedka, culumada diinta iyo Aqoonyahanada qaybaheeda kale duwan waa  in aanay marna  ku dooran qabyaalad oo  doortaan cida  maanta bulshada  somaliland  waxay  u  baahantahay   wax ka qabanaysa isku  duubnideenana  waa inaan  ilaalinaa  Nabad galyada somaliland wixii  wax u dhimaya  waa inaan  meel  uga soo  wada  jeedsanaa qaranimada  iyo  madaxbanaanida  jamuuriyada  somaliland.