Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (9)

0
528

Waqtigaas laga bilaabo Aaya Soofiya waxa ay noqotay xarun Islaami ah oo xurmo gaar ah ay muslimiinta adduunka oo dhami u hayaan, astaanna u ah guusha ballaadhan ee furashadii Qustantiiniya. Turkiga gudihiisa waxa ay ka noqotay masaajidka ugu weyn magaalada Istanbuul illaa sannadkii 1616 kii oo la dhisay masaajidka kale ee Suldaan Axmed oo lagu naanayso masjidka Buluugga ah. Inkasta oo aanu dhismaha Suldaan Axmed aanu hoos u dhigin muhiimadda dhinaca cibaadada ee uu masaajidka Aaya Sooiya ku lahaa quluubta Muslimiinta illaa laga soo gaadhay sannadkii 1931 kii, oo uu aabihii iyo madaxweynihii jamhuuriyadda Turkiga Mustafa Kamaal Ataturk soo saaray wareegto sharci ah oo uu ku mamnuucay in masaajidka Aaya Soofiya lagu tukado, ka hor intii aanu sannadkii 1934 kii u beddelin hoyga hiddaha iyo dhaqanka.

Sannadihii siddeetamaadkii qarnigii hore ayaa ay hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo hiddaha iyo dhaqanka ee UNESCO u aqoonsatay hanti hidde iyo taariikheed caalamiya. muddadaas wixii ka dambeeyeyna waxa ay bartilmaameed u noqotay dalxiiseyaasha caalamiga ah oo sannad kasta ku dhowaad 4 milyan oo ruux oo isugu jira muslimiin, kiristaan iyo diimo kale ay lacag ku bixin jireen in ay soo arkaan dhismahan magaciisu 15 ka qarni kaalinta hore kaga jiray hadal haynta aadamaha.

Masaajidka Suldaan Axmed oo ku yaalla jihada kale ee isla barxadda masaajidka Aaya Soofiya ayaa dhismihiisa iyo dhismaha masaajid kale oo badanba laga soo dheegtay hannaanka dhisme ee isla kaniisadda Aaya Soofiya, marka laga tago in aan qaab kaniisadeed loo ekeysiin. Suldaan Axmed waxa kale oo ku lammaan dugsiyo lagu barto shareecada Islaamka. Si madaxbannaan ayaa aynu uga warrami doonnaa Suldaan Axmed iyo masaajidkiisa.

Ma jirtay gacan shisheeye oo ku lug lahayd in Aaya Soofiya Matxaf laga dhigo?

Waxaa jira doodo badan oo la xidhiidha sababta keentay in dawladdii Mustafe Kamaal Ataturk ay Aaya Soofiya ka dhigto Matxaf. Waxaa ka mid ah in ay qayb ka ahayd qorshihii ay dawladdu Calmaaniga kaga dhigaysay dalka, ama reer galbeedka ugu muujinaysay in ay ka baydhay jidkii dawladihii ka horreeyey ee dhinaca Islaamka loo tirinayey, oo ay ka mid tahay dawladdii Maxamed Al-Faatix ee Kaniisadda Aaya Soofiya u beddeshay masaajidka. Madaama oo ay dareenka dadweynaha ku adkayd in masaajidka dib looga dhigo kaniisad ayaanay dawladdaasi qaadatay go’aanka ah in diimaha oo dhan laga dhexeysiiyo oo laga dhigo Matxaf. Waxaa iyaduna jirta dood marar badan soo noqotay oo tilmaamaysa in ay jireen gacmo shisheeye oo ka dambeeyey in Aaya Soofiya laga qaado xurmada masaajidnimo, in ay taasi jirtana waxa ay xujo uga sii dhigtaan saxeexa wareegtada lagu beddelay masaajidnimada Aaya Soofiya oo ay sheegaan in aanu ahayn kii runta ahaa ee Kamaal Ataturk.

Shabakadda dalka Ingiriiska ee ‘Middle East Eye’ oo warbixin ka qoray go’aanka sannadkii 1934 kii matxafka lagaga dhigay Aaya Soofiya oo in ka badan Shan qarni lagu tukanayey.

Yildiray Ogur oo warbixintaas qoray waxa uu sheegayaa in bilowgaba fikirka masaajidka Aaya Soofiya matxafka lagaga dhigay uu ka dhashay jir 12kii Julaay 1929 kii ka dhacay mid ka mid ah huteellada ku yaalla jidka xoriyadda ee magaalada Istanbuul. “Shirkan oo la qabtay habeennimadii maalintaas waxaa ka qaybgalay 8 ka mid ah maalqabeennadii ugu caansanaa dalka Maraykanka, waxaana ka soo baxay in la abuuro Maxadka iskaashiga Bisantiiniyiinta iyo Maraykanka”

Yildiray Ogur waxa uu sheegayaa in maskaxda ka dambaysay fikirkaas masaajidka lagaga dhigay hogya hiddaha iyo dhaqanku uu ahaa Thomas Whittemore. Waa aqoonyahan u dhashay Maraykanka oo si aad ah u jeclaa hiddaha iyo iyo dhaqanka Bisantiiniyiinta. Ilo xog-ogaal ahina waxa ay xaqiijinayeen in uu iskaashi la lahaa wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA. Iskaashigaas oo la soo bilowday markii uu sirdoonka Maraykanka agaasimaha ka ahaa Allan Dulles (Feebarweri 26, 1953 – Noofambar 29, 1961) oo xidhiidh gaar ahi ka dhexeyn jiray.

Thomas Whittemore waxa uu xidhiidho aad u qoto dheer la lahaa dad aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin maalqabeenno waaweyn oo Maraykan ah, amiirro Ruush ah, arrimaha yaabka leh ee lagu yaqaannayna waxaa ka mid ahaa in uu ahaa nin ku dheggen ku dhaqanka diinta Kiristaanka iyo haddana nin ragga-ragga wax mooda ahaa.

Thomas Whittemore waxa uu guushiisii ugu horreysay soo hooyey soddonaadkii qarnigii 20-naad markii ay dunida ka dhacday dhibaatadii dhaqaalo xumo, xilligaas oo uu ku guulaystay in uu maalqabeennadii Maraykan ee la saaxiibka ahaa ku qanciyo muhiimadda ay leedahay badbaadinta aasaarta taariikhiga ah ee Bisantiiniyiinta ee yaallay magaalada Istanbuul. Dadaalkii uu guushaas kaddib galay Thomas Whittemore waxa uu ku gaadhay guul ka sii weyn oo ahayd in uu dawladdii xilligaas ee Turkiga fasax uga helay in uu baadho asaarta iyo raadadka taariikheed ee Aaya Soofiya oo ay ka mid yihiin samayska sawirrada iyo farshaxanka kala duwan ee ku xardhan derbiyadeeda.

Golaha wasiirrada ee Turkiga ayaa 7dii Juun 1931 kii soo saaray go’aan arrintan xidhiidh la leh oo ay saxeexeen Mustafe Kamaal Ataturk oo ah aasaasaha jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga iyo Mustafa ?smet ?nonu oo ah janaraal Turki ah oo markii dambe noqday madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Turkiga muddadii u dhexeysay 1938 kii illaa 1950 kii.

Sida ku cad dhukumantiyo ku kaydsan Aarkiifiyada Maxadka Iskaashiga Bisantiiniyiinta iyo Maraykanka, danjirihii Maraykanka ee Ankara joogay xilligaas oo ahaa Joseph Grew ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay in Thomas Whittemore uu rukhsaddan ka helo dawladda Turkiga.

La soco…