Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (7)

0
532

Tallaabooyinka uu Suldaan Maxamed qaaday si uu caadi ugu soo celiyo xaaladda nololeed ee magaalada waxaa ka mid ahaa:

– Maadaama oo ay magaalada Istanbuul noqotay caasimadda dawladda Muslimiinta waxaa bilowday in ay u soo haajiraan dadyow muslimiin ah oo aad u tiro badan; waxa ay isugu jireen ganacsato doonaysay in ay ka faa’iidaysato kobta istaraatijiyadeed ee ay magaaladu ku taallo oo ganacsiga muhiim u ahayd iyo kuwo xiisaynayey in ay noloshooda ku sii wataan caasimadda iyo meel ka agdhow nidaamka dawladeed. Haddaba Suldaan Maxamed Faatix oo arrintaas maanka ku hayaa waxa uu diyaariyey nidaamkii nololeed iyo shuruucdii wada noolaanshiyo ee magaaladu ay ku qaadi kari lahayd dadyowgaas kala duwan ee tirada badan. Isaga oo dhinaca kalana dadkii reer Istanbuul ee weerarka muslimiinta ka qaxay ku qanciyey in ay dib ugu soo noqdaan deegaankooda.

– Go’aanka kale ee hormarka magaalada Istanbul u aayey waxa uu ahaa in uu dadkii ka soo jeeday Genoa oo ganacsiyo badan ku lahaa Istanbuul uu Maxamed Alfaatix ku qanciyey in ay sii deggenaadaan, hawlahoodana si caadiya u wataan. Waxa uu sameeyey nidaamyo maamul iyo shuruuc ganacsi oo tixgelin gaar ah iyo dheeraad badan siinayey dadkaas. Arrintani waxa ay si weyn uga qaybqaadatay in dhaqaalaha magaaladu uu horumar badan sameeyo, isla markaana ganacsato kale oo badan oo aan muslim ahayni ay ku soo dhiirradaan. Waxa taas ka sii muhiimsan oo ay arrintani ilaalisay xidhiidhkii ganacsi ee Istanbuul ay la lahayd dawladaha Yurub iyo dalal kale oo badan. (Janwa (Genoa) waa magaalo dekedeed taariikhi ah oo ku taalla woqooyiga galbeed ee dalka Talyaaniga. Waxa ay qarniyo badan xuddun u ahayd ganacsigii badaha ee waqtiyada qaar ahaa jidka keliya ee isku xidha adduunka. Sidaas awgeed waxaa ay magaaladani saldhig u ahayd ganacsato waaweyn oo aad u badan).

– Suldaan Maxamed Alfaatix waxa uu hirgeliyey siyaasad bulsho oo ku dhisan wada noolaanshiyo diimeed iyo isdhexgal bulsho, si uu u suurtageliyo in ganacsatada Istanbuul ay ku dhiirradaan maalgashiga magaalada. Waxa uu ogolaaday in kaniisaddu sidii hore si la mid ah gacanta ugu hayso masuuliyadaha diineed ee dadka Kiristaanka ah. Laakiin Suldaan Maxamed Alfaatix waxa uu casilay Baadarigii ugu sarreeyey kaniisadda Roman Orthodox ka ee Istanbuul xarunteedu ahayd, maadaama oo uu si badheedh ah taageeray baadariga sare ee kaniisadda Roomaanka oo isagu si aad ah u taageeray Qustantiinkii ka talinayey Istanbuul. Kaniisaddan oo loo yaqaannay Orodhox ka bariga oo hoggaan ruuxiya u ahayd 300 oo milyan oo dad dunida ku kala nool ah, ayaa golaheeda sare uu doortay wadaad (Batriyeek) cusub. Kaas oo uu Suldaan Maxamed Alfaatix ogolaaday in loo sameeyo munaasabadihii rasmiga ahaa ee loo samayn jiray marka la doorto baadariga, isla markaana uu isagu maamuusay una sameeyey ilaalo gaar ah.

waxa kale oo uu Suldaan Maxamed Alfaatix ogolaaday in Batriyeeka Roomaaniyiintu uu si waafaqsan shareecadooda u xukumo arrimaha qoyska iyo khilaafaadka gaarka ah ee u dhexeeya dadka aaminsan mad-habtiisa ee doonaya in ay sidaas ku kala baxaan. Waxa aanu gacanta Batriyeeka ku soo celiyey maamulka kaniisadihii iyo guud ahaan goobihii ay u arkayeen in ay barakaysantahay ee ku yaallay Istanbuul. Isaga oo awood buuxda u siiyey doorashada wadaadka xukumaya, arrintan oo xitaa xilligii uu xukunka hayey Imbaraadoorkii Istanbuul mamnuuc ahayd.

Suldaan Maxamed Alfaatix si uu u xoojiyo wada noolaanshiyaha dadka kala diimaha ah ee Istanbul, tallaabooyinka kale ee uu qaadayna waxaa ka mid ahaa in uu dadkii Yuhuudda ahaa ee Istanbuul ku noolaa u ogolaaday in ay muujin karaan cibaadadooda, yeelan karaan goobahooda cibaado, isla markaana iyagu gaarkooda khilaafaadkooda ugu xalin karaan si waafaqsan waxa ay aaminsan yihiin.

Sida uu George Sphrantzes ku sheegay buuggiisa ‘The Fall of Byzantine Empire’ taariikhyan Roomaani ahaa oo lagu magacaabi jiray Girgis Sverantz oo goobjoog ka ahaa maalintii uu suldaan Maxamed Al-Faatix furtay Istanbuul ayaa sheegay in maalintii saddexaad ee qabsashada kaddib uu Suldaanku sameeyey xaflad aad u ballaadhan oo loogu damaashaadayey dhacdadan. Isaga oo munaasabaddaas ku beegay soo saarista wareegto sharci oo dhammaan dadkii Istanbuul ee baxsaday ama dhuuntay ka codsanaysa in ay bannaanka u soo baxaan, guryahoodana ku soo noqdaan. Waxa uu u ballanqaaday in la dhowri doonto xuquuqdooda iyo xorriyadahooda, isla markaana aan lagu qasbi doonin wax aanay rabin. Isla wareegtadan waxa uu Suldaan Maxamed Al-Faatix ku soo saaray amar dhigayey in dadka Kiristaanka ah ama diimaha kale haysta ee reer Istanbuul loo celiyo dhammaan wixii hanti laga qaaday maalmihii dagaalka.