Suldaan Maxamed Al-Faatix markii uu soo gaadhay barxadda kaniisadda, faraska ayaa uu ka degey waxa aanu dukatay laba rakcadood oo mahadnaq Rabbi Ah. Kaddib waxa uu u jihaystay dhinaca dadkii ku soo ururay goobta oo sujuud iyo rukuuc ku sugaya xukunkiisa. Waxaa khudbaddiisa ka mid ahaa, “Kaca … Dhabarka toosiya .. Anigu waxa aan ahay Suldaan Muxamed. Idinka iyo walaalihiin oo dhan iyo dhammaan dadka jooga magaalada waxa aan u sheegayaa in laga bilaabo maanta ay noloshiinu aamin tahay, xorriyaddiinana la idiin dammaanad qaaday..”
Suldaan Maxamed Al-Faatix maalintaas ayaa uu soo saaray go’aanka ahaa in kaniisadda Aaya Soofiya loo beddelo Masaajid, markii ugu horreysay ayaana laga adimay salaadda. Go’aanka labaad ee Suldaan Maxamed Faatix waxa uu ahaa in uu magaca ka beddelay magaaladan qarniyada badan ay muslimiintu ku hammiyayeen in ay qabsadaan laakiin aanay u suurtagelin. Magacii Qustantiiniya ku beddelay Islam-buul oo macnaheedu yahay magaaladii ama hoygii Islaamka. Inkasta oo magacaas mar labaad dib loogu beddelay Istambuul oo laga soo dheegtay ereyga afka Giriigga ahaa ee macnihiisu yahay ‘Magaalada’ taas oo markii dambe dawladdii Cusmaaniyiinta kaddib ay sannadkii 1930 kii ay dawladda Turkigu magacii ka dhigtay Istanbuul oo macnaheedu yahay ‘Magaaladii’, isla markaana adduunyada si rasmi ah uga dalbatay in magacaasi noqdo ka rasmiga ah ee ay ugu yeedhayaan kulana macaamilayaan magaaladan oo ah ta labaad ee adduunka ugu dadka badan.
Inkasta oo ay taariikhyahanno kala duwan oo reer galbeed ahi isku dayeen in ay qoraan gefaf dhacay xilligii ay magaaladan muslimiintu la wareegaysay, si ay sawir fool xun uga bixiyaan furashadeeda, haddana waxa xaqiiqo ah in suldaan Maxamed Al-faatix uu si aad u xurmo badan ula macaamilay dadkii deegaanka Istanbuul, waxa aanay taariikhdu xustay in uu amar ku bixiyey in la sii daayo wixii maxaabiis xilligii dagaalka la qabtay, isla markaana uu ogolaaday in dadkii reer Istanbuul ee qaxay muddadii ay Cusmaaniyiintu magaalada go’doominta ku hayeen, uu u ogolaaday in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda.
Istanbuul
Waxaa ay aasaasantay 330 kii dhalashadii ciise (CS) kaddib, waxaana aasaaskeeda lahaa Imbaraadoorkii Bastantiini Qustantiin kii koowaad oo ah ninka magaciisa ay magaaladu marka hore lahayd. Istaraatijiyadeeda dhuleed, muhiimaddeeda ganacsi, cammirnanateeda iyo kaalinta ay kaga jirtay isku xidhka dhaqaale iyo amni ee adduunka awgeed ayaa ay magaaladani gaadhay heer xilligii Imbaraadooriyaddii Roomaaniyiinta lagu tilmaamo magaalada ugu muhiimsan adduunka oo dhan, iyaga oo hal-hays ka dhigtay in haddii adduunyada oo dhami hal boqortooyo noqon lahayd in Qustantiin ay caasimad u noqon lahayd.
Tan iyo bilowgii Islaamka istaraatijiyadeeda magaaladani waa ay u muuqatay muslimiinta. Nebi Muxamed (SCW) ayaana marar kala duwan muslimiinta munaasabado kala duwan asxaabtiisa ugu bishaareeyey in muslimiintu ay la wareegi doonaan lahaanshiyaha magaaladan.
Mar ka mid ahi waxa ay ahayd xilligii la magac baxay dagaalka Isbahaysiga ama ‘Dagaalkii Godka’ oo ahaa dagaal uu rasuulku (CS) hoggaaminayey oo dhacay bishii Shuwaal ee sannadkii shanaad ee hijrada kuna beegnaa 627 kii dhalashadii Nebi Ciise kaddib. Sababta dagaalkan ‘Isbahaysiga’ loogu bixiyey waxa ay ahayd in qabiilooyinkii Carbeed ee kala duwanaa oo kaashanaya Yuhuuddu ay isu soo bahaysteen sidii ay magaalada Maddiina uga qabsan lahaayeen Nebiga isla markaana nebiga qudhiisa u dili lahaayeen, si looga takhaluso muslimiinta iyo dawladda Islaamka ee yagleelka ah.
Bishaaradaas rasuulku waxa ay dhiirrigelisay in xilliyo kala duwan ay muslimiintu u halgan galaan sidii ay ula wareegi lahaayeen magaaladan muhiimka ah, gaar ahaan intii ka dambaysay markii uu aad u faafay hadalkii laga soo xigtay Nebi Muxamed (SCW) ee sheegayey in muslimiintu ay qabsan doonaan magaalada Qustantiin, isaga oo hoggaamiyaha iyo ciidanka hawshaas ku guulaysan doonana ka yidhi, “Wanaagsanaa hoggaamiyaha uu yahay hoggaamiyahaasi, wanaagsanaa ciidankaasi” (Waxaa jira culimo shaki gelisay in hadalkaas uu nebigu (SCW) yidhi).
Sida ku xusan taariikhda kow iyo toban jeer oo ka horreysay markan uu Maxamed Al-Faatix qabsaday Istanbuul ayaa ay muslimiintu isku dayeen in ay magaaladan qabsadaan, laakiin kuma ay guulaysan. Toddaba jeer waxa ay ahaayeen labadii qarni ee ugu horreeyey muslimiinta. Waxaa ka mid ahaa ma ahayd sannadkii 654 Miilaadiga, xilligii Cali Bin Abdi Daalib (Alle ha ka raalli ahaado) hoggaaminayey dawladda Muslimiinta oo ciidamo uu hoggaaminayo Mucaawiye Bin Abi Sufyaan ay isku dayeen in ay qabsadaan, mar kale oo ahayd 667 kii miilaadiga ayaa uu magaaladan go’doomiyey asxaabigii Yasiid Bin Abi Mucaawiye.
Inkasta oo ay taariikhyahannada reer galbeedku ka warwareegeen guusha uu Suldaan Maxamed Faatix ka gaadhay qabsashada Istanbuul marar badanna ku andacoodaan in uu nasiibku ku beegay dawladdii Bistantiiniyiinta oo daciiftay, haddana kuwo badan oo magac ku leh taariikhda reer galbeedka ayaan idhaha ka qarsan. Waxaa ka mid ah taariikhyahankii Faransiis ee caanka ahaa Cara De Vaux oo sheegay in Suldaan Maxamed Faatix aanu hawl yari iyo heshiis dhex maray hoggaankii Bistantiiniyiinta midkoodna ku helin guusha, balse uu ku guulaystay in uu qaado tallaabooyinkii milateri iyo istaraatijiyadeed ee ay u baahnayd hawshan weyni, isaga oo adeegsaday cilmigii iyo waayoaragnimadii dagaal ee casrigaas ugu sarraysay. La soo…