Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (14)

0
150

Magaalo godad dhulka hoostiisa ah

Dhismaheeda mucjisada ah iyo aaminsanaanta diineed ee laga qabaa waxa ay sababtay in xeeldheereyaasha cilmiga aasaartu raadgur ku sameeyaan si ay wax uga ogaadaan. Bilowgii qarnigii labaatanaad, ayaa ay saynisyahanno iyo xeeldheereyaal baadhis ku sameeyey Aaya Soofiya waxa ay heleen godad iyo marinno ku hoos yaalla dhulka ay ka dul dhisantahay Aaya Soofiya. Qoditaan illaa 70 mitir ah oo hoos loogu galay dhulkaas ayaa lagu helay wax loogu yeedhay magaalo godad dhulka hoostiisa ah oo magaalada Istanbuul ku xidhaya jasiirado badan oo ku yaalla badda Aajin (Aegean). Baadhitaannada waxaa lagu ogaaday in marinnadan dhulka hoostiisa ahi ay taariikho fog ahaan jireen jidad ay ka baxsadaan boqorrada iyo amiirradu marka uu cadow soo weeraro magaalada. Sida oo kale waxa ay ahaan jireen goobo lagu kaydsado cuntada iyo kaydadka qaaliga ah ee dahabku ka mid yahay.

Hawgal sahamin ah oo ay muddo toban sano ah dhulka Aaya Soofiya ku fadhido hoostiisa ka wadeen sahamiye u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Goksal Gulenjoy iyo koox hawlwadeenno ah oo wehelinayey waxa ay ku heleen godad dhulka hoostiisa ah oo da’doodu gaadhayso 1700 oo sano, taas oo macnaheedu yahay in godadkan la qoday dhismaha Aaya Soofiya hortii.

Waxa kale oo ay kooxdani heleen marinno goobtan ku xidhaya qasriga Topkapi, xabaalo, derbiyo ay ku xardhan yihiin sawir gacmeedyada qaar ka mid ah suufiyadii Kiristaanku, barkado iyo kaydad biyood, marinno qarsoodi ah oo isku xidhaya qasriga Takfuur iyo jasiiradaha Aajeh. Kooxdan cilmibaadhayaasha ahi waxa ay sheegeen in Aaya Soofiya ay ku fadhido magaalo dhammaystiran oo dhulka hoostiisa ah iyo marinno. Waxa aanay tilmaameen in ay tahay magaaladii taariikhda ugu faca weynayd ee dhulka hoostiisa laga dhiso.

= Qasriga Topkapi waa qasriga ugu weyn qasriyada Istanbuul ee taariikhiga ah, waxa aanu muddo afar qarni ah xarun maamul iyo deggenaanshiyo u ahaa salaadiintii Cusmaaniyiinta. Qasrigan oo ku yaalla bariga degmada Faatix ee magaalada Istanbuul suldaan Maxamed Alfaatix ayaa dhismihiisa amray lix sano kaddib qabsashadii Istanbuul sannadkii 1459 kii. Sannadkiii 1923 kii markii ay dhammaatay dawladdii Cusmaaniyiinta kaddib ayaa wareegto soo baxday bishii Abriil ee 1924 kii qasrigan waxaa laga dhigay matxaf.

= Tekfur Sarayi waa qasri dabayaaqadii qarnigii 13 naad ay dhistay imbaraadooriyaddii Bisantiiniyiinta. Qasrigan oo magaciisa macnihiisu yahay Qasriga qarannimadu waxa uu ku yaallaa magaalada Istanbuul.

Khuraafaaddo kale

Sheekooyinka taariikheed ee aan caddaynta loo helin waxaa ka mid ah, mid ka warramaysa in dhismaha Aaya Soofiya uu bilowgiisii hore lahaa Nebi Sulaymaan (CS). Waxa ay sheegaysaa in Nebi Sulaymaan uu Insiga iyo Jinka oo ciidamadiisa ka mid ahaa ku amray in dhagaxa noocyada kala duwan iyo midabbada mar la aragga ah leh ee masaajidkani ku dhisan yahay ay ka soo ururiyaan meelo kala duwan oo adduunka ah. Waxa kale oo ay sheekadani ku andacoonaysaa in qaabdhismeedka Aaya Soofiya uu ka yimi fikirkaas Nebi Sulaymaan (CS).

Ceelka dawada wadnaha

Badhtamaha barxadda weyn ee Aaya Soofiya waxaa ku yaalla ceel yar oo afkiisa lagu qiyaaso 50 sentimitir guntiisuna 7 mitir qodantahay. Ceelkan biyihiisu ma macaana, laakiin waxa ay hodan ku yihiin macdanaha dabiiciga ah.

Dad badan oo muslimiin ah ayaa muddo dheer aaminsanaa khuraafaad sheegaya in biyaha ceelkani ay dawo ka yihiin xanuunnada wadnaha ku dhaca. Sidaas awgeed waxaa caan noqotay caado ah in dadka wadne xanuunka lihi ay maalin kasta salaadda subax kaddib cabbaan biyahan. Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay shabakadda caanka ah ee Raseef 22 ayaa lagu sheegay in caafimaad ahaan la ogaaday in biyaha ceelkan ay ku jiraan macdano dabiici ah oo caafimaadka waxtar u leh, lagana yaabo in ay caawiyaan ka bogsashada xaaladaha caafimaad qaarkood. Laakiin khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in aanu xidhiidh caafimaad ka dhexeyn biyahan iyo daweynta xaaladaha caafimaad qaarkood.

Qabriga Burburinta

Waxaa jira qabri ku yaalla gudaha qol albaabkiisu ku jeedo qiblada masaajidka. Qabrigan illaa hadda lama yaqaanno cidda ku aasan, balse waxa aad loo aaminsan yahay in ay ku aasan tahay boqoraddii Soofiya la odhan jiray oo ahayd xaaska Justinian kii koowaad oo ah imbaraadoorkii Bistantiiniyiinta ee amray dhismaha Aaya Soofiya. Qolkan derbiyadiisa waxaa ku yaallo sawir gacmeedyada Kiristaanku ay ku sheegaan qaar ka mid ah malaa’ikta. Waxaa jira aaminsanaan taariikhi ah oo caan ka dhex ah Orthodox ka, taas oo sheegaysa in qabrigan oo la isku dayo in halkiisa laga dhaqaajiyaa ay sababi doonto in Aaya Soofiya ay gebi ahaanteedba burburto.

Faraska Qudbiga

Qudbiga mijaha maroodiga waxa uu ku yaallaa koonfurta Bari ee dhismaha, waxa aanu dhererkiisu gaadhayaa illaa lix mitir. Baadhitaanno lagu sameeyey Aaya Soofiya ayaa lagu ogaaday in qudbigan uu ku hoos yaallo raad faras, laakiin xeeldheereyaasha aasaartu weli fasiraad cilmi ah uma ay helin arrintan. Waxa se jirta aaminsanaan sheegaysa in Suldaan Maxamed Al-Faatix uu goobtan ku xidhay faraskiisa, kaddibna farasku uu sabab uun u diday oo kor u booday, kaddibna qoobkiisa ku dhuftay derbiyada dhismahan iyo dhulka raadad calaamad ku noqdayna kaga tegey. Si kastaba ha ahaato ee cilmibaadhayaashu fasiraaddan waxa ay u arkaan in aanay maangal ahayn.

Albaabada Sixirka ah

Isla warbixinta Raseef 22 waxaa lagu sheegay in Aaya Soofiya ay leedahay albaabo tiro badan oo ay ka lushaan qardhaaso iyo calaamado diineed. Waxaa jirta aaminsanaan dad badan ku faaftay oo sheegaysa in marka la xisaabiyo tirada albaabada ay ka lushaan qardhaasuhu in ay mar kasta kala duwanaanayaan xisaabtaas iyo tirada runta ah, arrintaasina ay la xidhiidho sixirka.

Qoraaga Farxaat Aslaan ayaa buuggiisa “Sheekabarelyda Aaya Soofiya” waxa uu ku sheegay in arrintani ay tahay khuraafaad soo jritay tan iyo dhammaadkii xilligii dawladda Cusmaaniyiinta. Waxa aanu xaqiijiyey in tirada runta ah ee albaabada qardhaasahaasi ku xidhan yihiin ay 101 tahay.

Sida oo kale Aaya Soofiya waxa ay leedahay albaab lagu magacaabo, ‘Albaabka xidhan’. Albaabkani waxa uu ku yaallaa dhammaadka jiid luuq cidhiidhiya ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee dhismaha, albaabkan waa la arkaa laakiin lama furi karo. La soco…