Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Digay Halista Saldhig Milatari Oo Berbera Laga Siiyo Imaaraadka Carabta, Kana Hadlay Tirada Wasiirada Ee Xukuumadiisii Iyo Tan Maanta

0
491

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay Saldhiga Imaraadka ee Berbera, waxaanu sheegay in Saldhigan Malatari uu yeelanayo dhibaatooyin aad u badan oo ay ka mid yihiin in Wadamada Jaarku ay Somaliland coloobaan, in saldhigani Deegaanka, Bulshada, Badda iyo Biyahaba dhibaato u keeni karo.

1

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afirka ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Xisbiyada, Doorashada iyo Abaaraha taagan, waxa kale oo uu ka hadlay dhaliilihii kulmiye uga iman jiray Xukuumaddii uu Madaxweyne ku xigeenka ka ahaa ee ahaa dhinaca qaab dhismeedka Xukuumadda iyo Golaha Guurtida iyo waxa maanta iska bedelay, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadalya Saldhigan “Saldhig; waa meel ay dawlad kale dawlad ka doontay meel ay degto oo ay ka duusho, oo ay dawlad kale kaga duulayso, waa meel hubka ay haysato ku kaydin karto, waa meel ay hubkooda ku tijaabin karaan, si ciidankoodu abaabul dagaal ugu diyaargaroowo. Wax walba faa’iido iyo khasaare ayuu leeyahay, balse Saldhigu deegaankaas wax buu yeelayaa, haddii ay tahay mid bulsho, mid bad, mid biyo iyo mid deegaanba, waxa kale oo iman kara qashin qub, in wixii ka soo hadha hubkooda halkaas lagu aaso, waxa meesha iman kara dhaqan xumo oo dhaqano aan hore u lahaan jirin ayaa imanaya, Saldhiga meeshaas laga bixiyey Madaxweynuhu ma gali karo, Sharciga wadankaagu ma qaban karo ciidaankaas, waxa iman kara colaada Wadamada Jiiraanka kaga iman kara”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey waxa Somaliland kala gudboon Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Wax baa la kala iibsanayaa, marka Somaliland waxa la gudboon in ugu horeyn cida ama wadanka aynu ka kirayno Saldhiga inay ina ictiraafaan, waa in dawladaasi noqotaa dawlad dhaqaale aad u badan galisa meeshaas, xag maaliyadeed, xag ciidan iyo xag tabarba, Todobaatanaadkii Ruushku wuxuu bixin jiray afartan milyan sannadkii, qalabka iyo saanada Ciidanka, Saldhiguna sida Dhulkuu u kordhaa, ee maanta waa in aanu boqol iyo afartan milyan in aanu ka yaraan, Wadankan aynu Saldhiga siinaynaa waa inuu ahaada Wadan ku difaaci kara, ilayn dagaal baa loo diyaar garoobaye”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey Wadanka Imaraadka ayaa yidhi “Wadankan la hadal hayo ee meesha laga kiraayey, ama Imaraad ha ahaado ama wuxuu doono ha ahaadee waa Khaliijka, ee Khaliijku ma ina ictiraafaya, wax walba oo yimaada aynu madaxa u dhiganee, oo dhaqaalihii barigii hore dhaqaale ka badan ma bixin karaan,ma difaaci karaan Somaliland haddii ay timaadaba inaynu ka kirayno, xad dheer baynu la leenahay Yamen, oo dhaqaale badan inagaga xidhan yahay, halkana Itoobiya ayeynu xad dheer la leenahay, dhaqalahaasi waa mid si dadban u gala shacabka, oo labada Wadanba ganacsi ayaa inaga dhexeeya, ganacsigaas oo toos u gala shacabka ee bedelkeeda maxa lagu bedelayaa, waa dhaqaale soo jireena oo aad u dheer ayeynu la leenahay labadan wadan ee nimankan keesanaya maxay ku bedelan karaan, maalinta Saldhigaasi yimaado Somaliland ha ogaato inuu dagaal ku kow yahay, maxa yeelay Imaraadku wuxuu dagaal kula jiray Yemen sanad iyo badh, ee Somaliland dagaal waa u kow marka uu saldhigaasi yimaado ee xag difaac iyo xag badeed Somaliland diyaar ma tahay, Haamaheenii banaanka ayey yaalaan , oo ma aasna, awood ina difaaci karta meesha ma joogto, Yemena 70-km baa inoo dhexeeya, waxaana haboon inay Somaliland ka diyaar garoowdo wax aanay diyaar u ahayn, maalintii DP World waxaan idhi waxaan qabaa in la soo waaridayo dagaal aynaan diyaar u ahayn”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu talo siinayey Xukuumadda ayaa wuxuu yidhi “Dawladda maanta joogta iyadaa dalka iyo dadka ka masuul ah, ee ha ka feejignaato wax kasta oo dalka dhib ku keeni kara dadkana khatar ku ah”.

Dhinaca kale wuxuu Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay inuu maqlay in Saldhigani uu ku fadhiyi doono 70-km, oo waliba laga kirayn doono Imaraadka 25 sanno, waxaanu xusay in dhulkan macdan iyo biyo badan ay ku jiraan, loona baahan yahay in aad looga feejignaado, oo aan lagu deg degin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayey dhaliilihii Xisbiga Kulmiye u soo jeedin jiray Xukuumaddii UDUB, ee dhinaca Wasiiradda ayaa yidhi “Waa dhab oo Xisbiga Kulmiye markii uu ahaa Mucaaradka wuxuu nagu dhaliili jiray dhinaca Xukuumadda, oo wuxuu odhan jiray haddii aanu taladda dalka qabano waxaanu dhisaynaa Xukuumad tiro yar balse tayo badan, laakiin farqiga noo dhexeeya ishuna waa macalin dadkuna waa markhaati”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlay loolanka Xisbiyada iyo ku kala qaybsaanta Xisbiyada ee dhinaca Doorashada ayaa yidhi “Nin caqli leh maanta ma odhan karo Doorasho ha la galo, maxa yeelay dadkii wey hayaameen, oo dadkii goobihii ay ka codeyn lahaayeen ma joogaan, laakiin wakhtigani wakhti la coddeyn karo maaha, dadkii baa dhimanaya, waxa laga fikiraya 28 march, ee dadkani intee bay ku soo kooban karaan, waxaana haboon in Komishanku wakhti kale cayimo, waana inuu marka hore xaalada soo qiimeeya”.

Dhanka kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa amaan u soo jeediyey Salaadiintii iyo Abwaanadii dhex galay Xisbiyada ee dhammeeyey khilaafyadii ka dhex aloosnaa Madaxda Axsaabta, waxaanu tilmaamay in talaabo aad u wanaagsan qaadeen, waxa kale oo uu ku taliyey in talo iyo qorshe lagaga arinsayo abaaraha soo noqnoqda lala yimaado, waxaanu soo jeediyey in lagu xisaabtamo mustaqbalka, oo qof walba wixii karaankiisa ah uu bixiyo, lacagna la iska ururiyo, waxaanu soo jeediyey in abaaraha laga wada qayb qaato.