Axmed Yuusuf Dirir Oo Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Qoraal Digniin Xambaarsan Oo Uu Kaga Hadlayo Halis Soo Food-saaraysa Dekedda Berbera

0
583

Hargeysa(Geeska)-Maareeyaha faraca  badda dekedda Berbera, sidoo kalena ahaa maareeyihii hore ee dekedda Berbera Md. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa qoraal uu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay wuxuu kaga digay halis soo food saaraysa dekedda Berbera, haddii aan deg deg wax looga qaban.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Mr. Dirir ayaa Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay warqad la sheegay inay ku qorantahay luuqad asluubaysan islamarkaana xambaarsan farriimo culus oo la xidhiidha dekedda Berbera. Sida warku sheegay Mr. Dirir wuxuu si gaar ah uga digay in cid gaar ah la siiyo dhulka loo yaqaano Raasiga Berbera, kaas oo ah qoor Dabiici Ah oo Alle Xayndaab uga dhigay bogcada ay ku taalo  Dekada Caalamiga Ah ee Berbera, waxaanu Mr. Dirir sheegay in haddii dad gaar ah la siiyo dhulkaas oo laga dhigo hanti cid gaar ahi leedahay islamarkaana la buuxiyo lagana sameeyo dhismayaal ay halis ku jirto dekedda Berbera, maadaama oo goobtani tahay goob xayndaab adag u ah dekeddaas, waxaana la sheegay inuu qoraalkiisa u adeegsaday cadaymo muujinaya halista imanaysa haddii dhulkaas la  bixiyo.

Arrintan ayaa timid ka dib markii maalmo dhawayd la arkay iyadoo baabuur iskaaragooyin ahi ay buuxinayaan  badda u dhaxaysa raasiga iyo dekedda, taas oo loo arkay in dad gaar ah la siiyay dhulkaas dekedda xayndaabka u ah, waxaana arrintan sidoo kale ka qayliyay dadweynaha Berbera iyo khubarada aqoonta u leh arrimaha badaha iyo dekedaha.

Lama oga in Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabay fariinta uu u gudbiyay Mr. Axmed Dirir iyo sidoo kale talaabada uu qaadi doono, laakiin waxa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo joojiyo qorshaha la sheegayo in lagu bixiyay dhulkaas, maadaama oo haddii dhulkaas la bixiyo ay halis ku jirto dekedda Berbera.