Axmed Muumin Seed Oo Olole Ku Tilmaamay Socdaalka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

0
540

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Axmed Muumin Seed, ayaa olole ku tilmaamay wafti balaadhan oo uu hogaaminayey guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo hogaanka xisbigaas oo maal-mahii ugu danbeeyey safar ku maraayey gobalada bariga Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye ay jabiyeen sharci dhawaan ay soo saareen golaha guurtida Somaliland oo mamnuucayey in safari loogu baxo gobalada dalka, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ka xisbi ahaan ay farxad weyn u tahay madaama xisbiga Kulmiye uu jabiyey sharcigii lagu dhex-dhexaadiyey, isla-mar-ahaantaana ay hada safaro ugu bixi doonaan gobalada dalka. Md.Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay sida uu u arko safarkaasi."Arrintaasi waxay iila muuqataa mid sharci darro ah oo Olole ayaa ay bilaabeen, waxaana aad ogaydeen in aanu annagu bari dhawayd aanu u baxnay gobalada Bari iyo Galbeed golaha guurtidu arrinkaas waa ay na dhex-dhexaadiyeen xisbiyada, waxaana ay hawshaas ku soo gabo-gabeeyeen in illaa inta la fasaxayo xiliga olaha ay ku eekaadaan xarumahooda oo kaliya, haddii ay meel tagayaana waa in ay xafiisyadooda ay toos u tagaan, laakiin tan imika waa olole hor-leh oo ay bilaabeen xisbiga Kulmiye, qodobkii ay guurtidu nagu dhex-dhexaadisayna runtii waa ay jabiyeen. Annaga wax hada naga celinaaya in aan gobalada u baxno oo aanu hawlahayaga qabsano hada waxii ka danbeeya ma jiraan. waxaana aan runtii hada isleeyahay waa olole hor-leh oo hada uu bilaabay Kulmiye oo ay taageero kaga raadinayaan gobalada dalka.".Ayu yidhi Md.Axmed Muumin Seed. Md.Seed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqaalahii dawlada iyo ardayada wax-ka-barata dugsiyada si khasab looga soo saaray goobahoodii si ayuga qayb qaataan soo dhawaynta waftiga xisbiga Kulmiye, waxaana uu carabka ku dhuftay in taasi muujinayso in xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa aanay wax taageero ah ku haysan dalka.waxaana uu yidhi:

"Waftigii Kulmiye markii ay marayeen Barbera shaqaalahii dawlada iyo ardaydiiba khasab ayaa laga'ga dhigay in ay dibada u soo baxaan oo ardaydii ayaa Barbera iyo Sheekh-ba iyaga oo buugaagtii sita warbaahinta lagu arkaayey iyaga oo kuyuuga la joojiyey markii cid kale la heli waayey. waxaa nasiib darro ah oo aanu ku cambaaraynaynaa maanta guddoomiyaha, ku xigeenada iyo hogaankaasba xisbiga Kulmiye, waxa weeyaan waa khalad in ardayda la soo saaro oo olole ahaan lo adeegsado, waxa weeyaan ardaydu iyagu cidna maaha oo waxaa loogu talo galay waxa weeyaan in ay wax bartaan oo waxbarasho ayaa loo diray. Halkaas waxaa ay kaa tusinaysaa taageero la'aanta iyo kalsooni darrada xukuumada ardaydii oo buugaagsidata oo aanu ka daawanay warbaahinta. Markaa waxa weeyaan xibiga Kulmiye talada dalka waa ay ku fashilan yihiin haddii ay baxaan iyo haddii kaleba. bixitaankooduna annaga farxad ayaa ay noo tahay, sababtuna waxa weeyaan shalay ayaa ay guurtidu na dhex dhexaadisay, waxaana ay naga joojisay in aanu gobalada u baxno, annagana tii ayaa uun fasax noo noqotay."  Ugu danbayntiina guddoomiye ku xigeenka xibiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Axmed Muumin Seed, ayaa si adag uga jawaabay hadalo eedayn ah oo mujaahid Maxamed Kaahin Axmed u soo jeediyey guddoomiyaha xisbiga Waddani, kuwaasi oo sheegayey in uu ka mas’uul yahay dib u dhaca ku  yimi doorashooyinka dalka, waxaana uu ku tilmaamay in uu hadalkaasi yahay mid indho-la’aan ah oo aan laga fiirsan. "Hadalkaasi waxaa uu ka soo baxay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ay cadaynaysaa in ay tahay su'aal lagaga jawaabayo indha la'aan iyo dhago la'aan oo runtiina xaqiiqadana ka fog oo ku tusinaysa in Maxamed Kaahin uu si cad oo qabyaalad ah uu adeerkii uun uu ula saftay sababta oo ah guddoomiye Ciro waa xubin ka tirsan golaha wakiilada, marka golaha loo eegana waa xildhibaan, baarlamaanku waa 82xubnood ma jooratigana waxaa haysta waa xukuumada sidaas awgeed wax ay xukuumadu dabada ka riixayso oo ay iyadu rabto ayaa uun baarlamaanka la marin karaa waayo annagu Majoorati ma nihin xataa hadaanu nahay Waddani oo ay u eedaynayaan guddoomiyaha xisbiga Waddani, guddoomiyahu waa guddoomiye Ajendayaasha ayaana uu qaybiyaa uun, waana uu shir-guddoomiyaa uun, laakiin awood uma laha cida laga sugaayo in ay wax walba meesha ay marisaana waa xukuumada weeyaan, markaa halka uu ina Kaahin uu baadida ka raadinaayo ee uu ku soo riixaayo Ciro malaha mujaahidku waxaa uu kala garan waayey Ciro iyo adeerkii Siilaanyo oo ah ninka maanta dalku ku dul dumaayo ee mas'uuliyadeeda leh ee loo dhaariyey muddo shan sanno ah oo madaxweynenimaa horta Waa Siilaanyo, dalkan isaga ayaa Siilaanyo ka mas'uul ah oo masuuliyadiisa qaaday, haday dhibaato dhacdana isaga ayaa ka mas'uul ah. Markaa halka uu ina Kaahin uu Ciro la hadlaayo ee uu leeyahaya doorashada ayaa uu dib u dhigay, waxay ahayd in uu la hadlo adeerkii oo dalka ku dul dumaayo oo dhibaato ayaa dalka ka jirtee waxay ahayd in uu horta adeerki ka bilaabo.".Ayuu yidhi Md.Axmed Muumin Seed.