“Axkaamta Qur’aanku Isma Beddesho Weligeed, Laakiin Fulintiisu Waa In Ay La Socoto Waqtiga Iyo Hadba Duurta Jirta” Erdogaan Oo Fasiray Hadal Uu Hore U Yidhi

35
3824

Ankara (Geeska)- Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in Axkaamta Qur’aanka Kariimka ahi aanay abid isbedbeddeli karin, laakiin ay waajib tahay in fulinta ficilka ah ee axkaamtaas loo maro si waafaqsan waqtiga iyo hadba duruufaha jira.

Madaxweyne Erdogaan oo jimcihii toddobaadkii hore hadal ka jeediyey xarunta xisbigiisa Cadaaladda iyo horumarka oo ku kulansanaa magaalada caasimadda ah ee Ankara ayaa sheegay in Qur’aanka Kariimka ah iyo axkaamta Islaamka ee ka waajibayaa aanay isbed-beddelin, laakiin loo baahan yahay in hannaanka loo marayo fulinta axkaamtaas la waafajiyo hadba duruufta jirta. Ugu horreyn mudan Erdogaan oo ka hadlayey sida aanay diinta Islaamku isu bedbeddeli karin, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Qur’aanka Kariimka ah iyo xukunnada ka waajibaya e uu Alle sida cad inoogu warramay, horena isuma ay beddelin imika iyo mar dambnana isma beddelayaan”. Erdogaan waxa uu intaas ku sii daray, “Diinteenna Islaamka iyo Kitaabkeenna Qur’aanka Kariimka ah, iyo axkaamta ka dhalanaysaaba waa ay jirayaan illaa maalinta qiyaamaha, waana sida uu rabbigeen (Sharaf iyo weyniba lahaa ee) amray”

Laakiin Erdogaan waxa uu ku dooday in isbedbeddelka waqtigu tixgelinteeda mudan tahay, isaga oo ku adkaystay in qofka beeninaya in isbeddeladaasi jiraan uu naftiisa khiyaamaynayo, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Diinteenna iyo Kitaabkeenna Qur’aanka Kariimka ahi hadal cad ayaa ay ka leeyihiin waqti kasta iyo xilli kasta oo yimaadda, iyo xeerar kasta oo horumarsan oo dunida ku soo kordha, iyo wixii ka dhalanaya ee ah fulinta ficilka ahi in ay isla beddelayaan waqtiga iyo duruufaha hadba taagan” Dhinaca kalana waxa uu Erdogaan si aad ah u naqdiyey iskudayo uu sheegay in lagu shaki gelinayo sunnada Nebiga (SCW) oo ah in dadka qaar ka sheegaan hadallo aan sal iyo raad lahayn oo tashuush gelinaaya maskaxda dadka, iyada oo la og yahay in sida uu sheegay amarrada Rabbaaniga ah ee Qur’aanka ku jiraa ay yihiin kuwo “Cad oo aanu madow ku jirin”

Erdogaan waxa uu sheegay in duruufaha hadda ka jira dunida ee ku talaxtagga iyo ka gaabiska arrimaha diinta isugu jiraa ay dad badan ku rideen jaahwareer, waxa aanu intaas ku daray, “golaha saree e arrimaha diinta (Turkiga) waxaa waajib ku ah in aanay iyagu fursad bannaan samaynin, waayo qofna xaq uma laha in uu diinteenna u dhigo sida uu doono. Waana aanu ka soo horjeednaa xadgudubyada noocaas ah”

Hadalkan Erdogaan ayaa ahaa mid uu ku fasirayo hadal uu khamiistii ina dhaaftay yidhi oo loo fasirtay in uu u jeedo in diinta Islaamku ay casriyeyn u baahan tahay. Erdogaan oo ka hadlayey munaasabad lagu beegay maalinta haweenka adduunka ayaa waxaa hadalladiisaa ka mid ahaa, “Wadaaddadeenna diinta qaarkood ayaa sheega hadallo, ama soo saara fataawooyin ku aaddan haweenka oo aan meelna kaga jirin diinteenna. .. kuwaasi ma noola casrigeennan, ee duni kale ayaa ay ku nool yihiin, waa gaabis xitaa aan garanayn in Islaamku cusboonaysiin u baahanayo” Erdogaan waxa uu hadalkiisaa hore ku sheegay in aanay suurtagal ahayn in axsaabta islaamka ee la ina faray fulintooda loo maro hannaankii loo mari jiray 14 ama 15 qarni ka hor, “Fulinta axkaamta islaamku waxa ay ku xidhan tahay hadba goobta iyo goorta la joogo iyo  duruufaha jira, waana taas quruxda uu islaamku leeyahay”

Madaxweyne Erdogaan waxa uu soo jeediyey in culimada hadda joogta loo ogolaado in ay iyaguna dadaal (Ijtihaad) sameeyaan si uu Islaamku uu awood ugu helo in uu hoggaamiyo nolosha casriga ah”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here